HomeTaariikhda Ururka Ikhwaanu Muslimiin ee dalka Masar – Q. 2aad ~ W/Q:...

Taariikhda Ururka Ikhwaanu Muslimiin ee dalka Masar – Q. 2aad ~ W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cali Coomay
Cali Coomay

Sannadkii 1949-kii ayaa weerar gaadmo ah lagu diley hogaamihii ikhwaanu muslimiin Xasan Al-Banna iyo seedigii Cabddulkarim Mansuur. Markii dilku dhacayey Xasan Al-Banna iyo seedigii waxa balan la lahaayeen wasiir ka tirsan dawlada Masar. Wasiirkii ayaa balantii jaray oo aan iman goobtii lagu balansanaa. Ka dib Xasan Al-Banna iyo seedigii ayaa ka soo baxay goobtii balanta markii ay dibada u soo baxeen ayay laba nin oo ku hubaysan hubka fudud oodda kaga qaadeen rasaas.

Bartimaameedku wuxuu ahaa Xasan Al-Banna waxay ku dhufteen 7 xabadood, balse kumuu dhiman goobtii waxa loola cararay cisbitaalka, ka dib waxa la dhigay qol, manuu helin wax daryeel caafimaad ah, oo dhiig bax ayuu u dhintay. Ileyn inuu dhinto ayaa la doonayey. Boqor Faaruuq iyo ingiriisku way isku raacsanayeen in arrinku sidaasi u dhaco.

Sannadkii 1950-kii ayuu hogaankii ururka Ikhwaanu Muslimiin la wareegay Xasan Ismaaciil Hudeybi. Xasan Hudeybi wuxuu isku dayey inuu wax ka bedelo nidaamka ururku u shaqeeyo, balse wax ka horyimid xubno badan oo diiday in dib u habayn u gaar ah hogaamiyaha cusub laga fuliyo ururka. Qorshayaasha ugu weyni ee uu watay XasanHudeybi waxay ahayd inuu kala diro garab hubaysan ee ururka, laaakiin wuu awoodi waayey.

Sannadkii 1952-kiiayaa lagu qiyaasay xubnaha ikhwaanka hal milyan. Waxa kale oo sii kordhay tirada ciidamada ee ikhwaanu muslimiinka ka tirsan. Waxay abaabuleen ciidan kursiga ka tuura boqor Faaruuq, si xilka ay ugu fadhiistaan. Si inqilaabka aan looga dareemin inay ikhwaanku wadaan, ayey soo bandhigeen Gen. Max’ed Najiib iyo Jamaal C/naasir oo derajadiisu kabtan ahayd. Labadan sarkaal waxay la soo baxeen ciidamo ay ugu magaca dareen ciidamada xorta ah. Labadan sarkaal way kala fikir duwanaayeen, balse waxay ku midaysanaayeen inay xukunka qabtaan. Gen. Najiib wuxuu hoosta ka aaminsanaa fikirka ikhwaana, halka kabtan Jamaal C/naasir uu hoosta kala socday soofiyadka.

Isla-sannadkaasi waxa iska horyimad Gen. Najiib iyo Jamaal C/naasir waxaana soo baxay fikirkii ay hoosta ka aaminsanayeen. Ka dib sirdookii maraykanka iyo kii midowga soofidka ayaa ku tartamayey sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen bilowga kacdoonka ee lagu ridayo boqor Faaruuq iyo ingiriiska oo la socday. Maraykanku waxay doonayeen inay gacanta ku qabtaan marinka suweysm ayna burburiyaan ururuka ikhwaanu muslimiin.

Halka Ruushku doonayey inuu shuuciyada gaadhsiiyo Masar oo islaamka soo kacaya cagta la mariyo. Laakiin ururka ikhwaanu muslimiin muu dareesanayn hadimooyinka reer galbeedka iyo Ruushka. Sirdoonka ikhwaanu muslimiinku wax badan kalamuu socon shirqoolada gaalada, balse waxay xooga saareen kacdoonka iyo inay kursiga ku fadhiistaan.

Dabayaaqadii sannadkii 1952-kii ayey sirdoonka maraykanku fuliyeen qorshe ay kula jireen maleeshiyo Falastiiniyeen ahayd oo loo yaqaanay Fidaa’iyiin oo ku noo Masar inay dilal iyo qaraxyo ku fuliyaan ingiriiska xarumihiisa ku yaalla Masar. Qaraxyo iyo dilal badan oo loo geystay ingiriiska ayaa keentay inay dhintaan ciidamo badan oo ingiriis ah.

Isla-sannadkaasi waxa inqilaab milatari xukunka ku qabsaday Jamaal C/naasir oo ay taageerayaan ururka ikhwaanu muslimiin. Markii xukunku uu qabsaday Jamaal C/naasir distuurkii dalka oo ahaa cilmaani ayey ka soo horjeesteen ikhwaanu muslimiin, waana ta keentay isku dhicii ugu horeeyey ee ikhwaanka iyo Jamaal C/naasr.

Sannadkii 1954-kii ayey ikhwaanu muslimiin isku dayeen inay shirqool ku dilaan M/weyne Jamaal C/naasir, balse wuu fashilmay, inkastoo xubno ka tirsan ikhwaanu muslimiin beeniyeen warkaasi. Markii warkaasi soo baxay ayuu Jamaal C/naasir soo saaray amar mamnuucaya ururka ikhwaanu muslimiin. Waxaanu xidhxidhay xubihii  ikhwaanu muslimiin iyo kumanaan kale oo isugu jira xubno iyo taageerayaal.

Intii u dhexaysay sannadihii 1960 ilaa 1980 ururka ikhwaanu muslimiin wuxuu ku jray cabudhin, cago-jugleyn, xadhig iyo cadaadis. Iyaguna waxay kaga jawaabayeen mudaharaadyo, rabshado iyo weerar saxaafadda ah.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories