HomeTaariikhda Geedka Qaadka - W/Q: Cali Coomay

Taariikhda Geedka Qaadka – W/Q: Cali Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Astaamaha geedka

coomayMuuqaalkiisu waa cagaar, wuxuu leeyahay magacyo kala duwa. Wuxuu ka baxaa dalalka, itoobiya, kiiniya, yuqaandha, tansaaniya, bariga za’iir( koongo) ilaa koonfur afrika. Muddo ka dib wuxuu u gudbay yaman iyo sacuudigia. Qarnigii labaatanaad ayuu soo galay dhulka soomaalida

Dalalka geedka Qaadku ka baxo

Qaadku halkuu ka baxo

  1. Itoobiya gaar ahaan , Harar, diridhabe, kafaa iyo shawaa
  2. Kiiniya gaar ahaan, gown, khuyuulo
  3. Yaman…………dhammaan dalka oo dhan
  4. Soomaaliya iyo somaliland gaar ahaan, galbeedka  Hargaysa in yar ayaa ka baxda
  5. Sacuudi Arabiy gaar ahaan, Al-suraah, Viiva, Banii maalik iyo Arrayth
  6. Muusaambiig gaar ahaan, Gaaza-Khayranda
  7. Ruushka iy Afgaanistaan meelo ka mid ah, balse magacyadooda ma hayo
  8. Tansaaniya gaar ahaan, Hananji, Afyuumi, Baari, Nagooro, Roongaw, Mayuuzi, Mankoondi iyo Asbihaal
  9. Malaawi gaar ahaan, Diidazaa, Balaantiira, Malaanji
  10. Marooko, Tuunisiya, Al-jeeriya iyo Niyuu siilaan( new zealand) meelo ka mid ah dalalkaa, magacyadooda ma hayo
  11. Yugaandha gaar ahaan, Kiifiizi, Kazamooyo, Boogiisho, Mixraawa, Dabaasiya iyo Kagoon
  12. Wadamo afrika koonfureed ah, Natal, Taransifaal iyo Wayndafooqal

Magacyada loo kala yaqaan qaadka

  1. Yaman waxa looga yaqaan Qaat iyo Kaat
  2. Itoobiya ‘’         ‘’              ‘’   Jaat, KHaat  iyo JImmace
  3. Soomaliya      ‘’                ‘’ Jaad  iyo Qaad
  4. Kiiniya             ‘’              ‘’ Kaat, Muuringi, Miyoongi iyo Miraa
  5. Yugaandha     ‘’              ‘’  Mustayt, Mutabangwa, Nagungo iyo Kitaandwe
  6. Tansaaniya     ‘’              ‘’  Mulungi , Warfa, Mandoona
  7. Malaawi         ‘’               ‘’ Mustsawiiri, Mustawaari
  8. Koonfur afrika ‘’             ‘’ Bushmaansi Tii

Waa maxay Qaadku?

Aqoonyahanno badan iyo qorayaal ayaa si kala duwan uga hadlay qaadka. Markaad eegto nurxuka hadalkooda waxay isku raacasan yihii in qaadku yahay maandooriye. Bal aynu soo bandhigno aragtiyaha aqoonyahanada iyo qorayaasha.

  1. Qaadku  waa geed maanka dooriya oo caleemihiisa la calashado, oo aan midho iyo ubaxba bixin. ( Dawiilah, 1986)
  2. Qaadku waa geed la beero oo kol kol aad u weynaada oo caleemihiisa laga ganacsado. Waana la calashadaa, waana maandooriye. Wuxuu ka mid yahay dhirta maanka doorisa, sida xashiishada iyo afyuunka ( Yaasiin C. Keenadiid 1976)
  3. Qaadku waa geed maanka dooriya, aadna sun u ah. Khamradana ka waxyeello badan ( DR. Faraji Zahraan, 1983)
  4. Qaaku waa geed mukhaadaraad ah, caafimaadkana u daran sababtuna waa maadada loo yaqaan “ Cathine” amma Kaathiin. ( Cizat Xuseen, 1986)
  5. Qaadku waa geed ka baxa Bariga afrika, Soomaaliya, Kiiniya, Itoobiya iyo Muusaambiig. Dhinaca waxyeellada wuxuu u dhexeeyaa Kookeynta iyo Afyuunka ( Al-Gayaamah, 1411 H)
  6. Qaadku waa maskax dooriye, dalkana wuu ku faafay. Caqliga ayuu dhaawacaa. Xagga dhaqaalaha, bulshada, akhlaaqada iyo caafimaadka ( Cali Sh. C/laahi Yalaxow,1988)
  7. Qaadku waa maan dooriye, qofkana ka dhiga mid firfircoon. Haddii uu joogteeyo ( Peters, 1952)
  8. Qaadku wuxuu keenaa, hurdo la’aan wuxuuna dhib u geystaa dareemayaasha. Waana maskax dooriye. Wuxuu dhaawacaa maskaxda iyo laf-dhabarta. Waxa ku jirta maado la yidhaa “ Tannins” oo si gaar ah waxyeello u geysta dheefshiidka ( Axmed Fakhri,1975)
  9. Qaadku waa mukhaadaraad fudud oo laga helo geedo noocyo kala duwan ah. Dhererkiisuna marmar gaadho lix mitir ( L. Szimonisz)
  10. Qaadku waa shaydaan geed loo eekaysiiyey ( M. Maxamuud Az-Zubayri, 1958)
  11. Qaadku waa geed qofka cuna ka dhiga mid firfircoon ( Ibnu Batuuta)

Dhulka uu ka baxaa wuxuu ka sareeyaa 400-900 fuudh. Dhererkiisu wuxuu gaadhaa hal ilaa laba mitir buurta dusheeda. Buurta hoosteeda ee biyaha leh wuxuu gaadhaa lix mitir. Jiridiisu waxay gaadhaa ilaa nus mitir ballac ahaan. Dhul-badhaha kulka iyo biyaha lehna wuxuu gaadhaa illaa 25 mitir.

La soco…………………………………………………………..

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories