HomeTaariikhda Dhabta ah ee Sideedda March (08 March) - W.Q: Cali Coomay

Taariikhda Dhabta ah ee Sideedda March (08 March) – W.Q: Cali Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hordhac

Cali Coomay
Cali Coomay

Dumar badan ayaan waxba kala socon, taariikhda maalinta loogu magac daray sideeda maarij amma 08 MARCH. Hadii aad aragto maalin la dabaaldagayo wax lagama maarmaan ah, inay jirto sabab iyo ujeedo loo sameeyey, balse aanay ahayn wax si dabiici ah u yimid oo keliya.

Taariikhda dhabta ah.

Sanadkii 1857 kii bishii sadexaad sideedeedii waxa mudaharaaday dumar ka shaqaynayey magaalada NEW YORK ee dalka maraykan, iyagoo ka cabanayey mushahar yari iyo culays xad-dhaaf ah, oo ka soo waajahay shaqada. Booliska magaalada NEW YORK ayaa xoog ku kala dareeriyey, aakhirkiina waxa istaagay mudaharaadkii. Isla maalintaasi dumarkii mudaharaaday waxay samaysteen urur u dooda xaqooda iyo mushahar yaraanta soo food saartay.

Sanadkii 1908 kii bishii saddexaad sideedeedii ayey mar kale mudaharaadeen dumar gaadhaya 15,000magaalada NEW YORK, iyagoo ka cabanaya in loo ogolaado inay codeeyaan doorashooyinka dalka maraykan ka dhici doona. Waayo hore umay codayn jirin. Mudaharaadkan waxa soo qaban qaabiyey ururkii ay samaysteen dumarkii ka qaybgalay mudaharaadkii hore.

Sanadkii 1909 kii bishii saddexaad sideedeedii ayaa la qabtay shir caalami ah, oo ka dhacay magaalada COPENHAGEN ee dalka deenimaarik, waxaana shirkan loogu yeedhay maalinta haweenka yurub. Shirkan waxa ka soo qaybgalay 17 dal oo reer yurub ah, waxaana lagu go’aamiyey in sanad ksata la xuso maanlintan, loona dabaaldago islamarkaana la raadiyo xuquuqda dumarka ka maqan.

Sanadkii 1911 kii waxa dhacay dabaaldagii ugu weynaa ee soo mara taariikhda adduunka, waxa hal mar isu-soo baxay maalayiin dumar ah, ka kala tirsan wadamada: ustareeliya, jarmal, deenimaarik, iswiirlan, ingiriiska, faranciiska, talyaaniga, giriiga iyo holan. Iyagoo ka cabanayey gumaysi dumarka lagu hayo iyo waliba ninka oo naagtiisa nin kale ka iibiya si uu dhaqaale uga helo. Waana markii ugu horaysay ee caalami laga dhiga sideeda maarij.

Sanadadii 1913,1914, 1915 waxa mudaharaaday dumarka yurub iyo ruushka iyagoo dalbanayey in la joojiyo dagaalkii labaad ee dunida, islamarkaana loo soo celiyo ragoodii, oo ku maqan dagaalka.

Sanadkii 1921 kii waxa qaraar soo saaray hogaamihii midowga soofiyat mr LENIN wuxuuna ku dhawaaqay in sideeda maarij ay noqoto maalinta haweenka adduunka.

Sanadkii 1923 waxa banana bax weyn sameeyey dumarka ku dhaqan koonfurta ameerika iyo aasiyada bari,iyagoo ka cabanayey in laga daayo in ragoodu ka kireeyaan rag kale, si ay u helaan dhaqaale.

Sanadkii 1977 qaramada midoobay ayaa saaray go’aan ahaa in wadan kastaa sameeyo dabaaldag maalinta haweenka adduunka, si loo cidhib tiro dhaqamada xun ee ay ka mid yihiin: xaq la’aan, codbinin la’aan, gaajo, kufsi, dumarka la kireeyo, dumar la iibiyo, adoonsiga IWM.

 Ugu dambayntii , halkaasi waxa inooga muuqda inay taariikhda sideeda maarij tahay, dhib lagu hayey dumarka, iyadoo ay  ugu wacnayd diin la’aan iyo dhaqan la’aan.

Balse aan su’aallo weydiiyo dumarka reer Somaliland .

  • = dumarka miyaa la dulmiyey?
  • = ma ha codayn ayaa lagu yidhi?
  • = ma gaajo ayaa haysa?
  • = ma adoonsi ayaa lagu hayaa?
  • = ma xaq ayaa ka maqan?

= mise dumarkan aynu soo sheegnay ee la iibin jiray ayay iska daba yaacayaan?

Diyaarintii: Cali Coomay

Suxufi, qoraa ah.   Hargaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories