HomeTaariikhda Dahabka ah ee Shirkada Daallo Airline iyo Abaalka Duugga ah ee...

Taariikhda Dahabka ah ee Shirkada Daallo Airline iyo Abaalka Duugga ah ee ay Ku Leedahay Dadweynaha Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kadib markii ay burburtay dawladii Soomaaliya, ee ay meesha ka baxday shirkadii diyaaradaha Somali Airline, isla markaana uu meesha ka baxay adeegii baaxada lahaa ee ay bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan-ba Geeska Afrika u haysay shirkadaasi diyaaraha ee Somali Airline, ee ay lahayd dawadaasi burburtay. ayaa waxa ay shirkada diyaaradaha ee Daallo Airline noqotay shimbirkii u baxay shacabka Soomaaliyeed oo wakhtigaas baahi aan la qiyaasi karin u qabay inay helaan shirkad diyaaradeed oo bixisa adeegyada duulimaadka ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, taasi oo shirkada Daallo Airline ay bulshada ku gacansiisay xili adag iyo xaalad qalafsan oo ummadda Soomaaliyeed ku jirtay waayo culus oo dagaal, burbur iyo qaxoonti ah.

blankShirkadan mudada dheer la mahadiyey adeegyadeeda duulimaad ee Daallo Airline, ayaa xaaladii baahiyeed ee bulshada Soomaaliyeed soo-waajahday awgeed, waxa aas-aaskeeda iska kaashaday horaantii sanadkii 1991, laba kamida haldoorkii iyo aqoonyahankii bulshada Soomaaliyeed oo kala ahaa Maxamed Ibraahin Yaasiin (Colaad) iyo Maxamed Xaaji Cabdilaahi Abu-site.

Labadan Aqoon-yahan ee aas-aasay shirkada diyaaradaha ee Daallo Airline ayaa waxa ay shirkadan ku bilaabeen dhaqaale yar oo kooban iyagoo aan haysan dawlad kaabta iyo diyaaraddo ay leeyihiin oo ay ku fuliyaan adeegyada socdaal ee baaxada leh ee bulshadu ubaahnayd, balse iyagoo taas bedelkeeda shaqada ku bilaabay diyaarado ay ka soo kiraysteen dibada, si ay umadda Soomaaliyeed uga saaraan go’doonka iyo gaadiid la’aanta safarka masaafada dheer ee hawada lagu socdaalayo. Taasi oo isla markaasina aas-aaskii shirkada ay kala kulmeen caqabado farabadan oo dhinac kasta ah, maadaama xilagan ay shirkada bilaabeen dalku ku jiray dagaalo, qas iyo burbur baaxadle oo saamayeey xaaladii guud ee nabadgalyo iyo nololeed ee guud ahaan goboladii dalka. Labadan Aqoon-yahan ee aas-aasay shirkada diyaaradaha ee Daallo Airline ayaa haddana waxay ku guulaysteen inay umadda Soomaaliyeed u adeegaan oo ay ku xidhaan adduunka intiisii kale, iyagoo isla markaasina buuxiyey kaalin muhiim ah oo aan suurto-gasheen Daallo Airline la’aanteed.

Labadan Aqoon-yahan ee aas-aasay shirkada diyaaradaha ee Daallo Airline, waxay ku dhiiradeen wakhti khatar badan, waxaanay jebiyeen dayr adag oo ay ku dhici kari-waayeen dhamaan ganacsatadii dhigooda ahayd, taasi oo ay ku kelifaysay baahida loo qabay adeega diyaaradaha oo aan ka jirin haba-yaraatee xiligaas guud ahaan dhulka Soomaaliyeed, maadaama dalka fowdo ka jirtay. Taasi oo aan lagu tilmaami kareyn qorshe ganacsi oo shirkad ahaan ay macaash kaga doonaayeen bulshada, balse waxay talaabadaasi noqotay gurmad ay bulshada Soomaaliyeed la-garab istaageen maalin adag oo baahi-weyn loo qabay, iyagoo isla markaasina ay ku diirsadeen, bulshadoodii bur-burka iyo balan-balku ku dhacay ee ay saameeyeen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay iyo qaxii iyo jaah-wareerkii inagu habsaday.

Shirkada Daallo Airline ayaa waxa ay bulshada Soomaaliyeed u sahashay in in xiliyadii adkaa si degdeg ah haayadihii caalamiga ahaa ay ku gaadhsiiyaan gargaarkii bini aadan-nimo iyadoo isla markaana noqotay biriishka isku xidhaaya guud ahaan dacaladii kale ee dunida. Marka laga yimaado horumarka dhaqaale ee dhinacyada badan leh ee xiliyadii adkaa ay kusoo kordhisay bulshadeeda Shirkada Daallo Airline, ayaa waxa iyana xusid mudan oo aan la ilaawi Karin kaalintii ay mudada dheer ugu jirtay qurbajooga Soomaaliyeed ee daafaha caalamka ku kala nool, marka ay u baahdaan inay dalka yimaadaan taasi oo ay sitoosa dalalkooda ugaga soo qaadi jirtay qiime aad uga jaban ka diyaaradaha caalamka isla markaasina ay u samaynaysay adeegyo kale oo badan oo dheeri ah.

Shirkada Daallo Airline ayaa markii ay mudo kooban jirtayba waxa ay samaysay horumar baaxle oo dhinac walba ah, kaasi oo sababay inay isku xidho qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub oo ay duulimaadyo toos ah ku gaalaa-bixinaysay mudadii ay jirtay. Sidoo kale shirkada Daallo Airline waxa ay sanadkii 1998 kamid ahayd shirkadihii ugu horeeyey Afrika ee bilaaba adeega Online Booking-ka oo dunida ku cusbaa kaasi oo ilaa haataan ay kamid tahay shirkadaha hogaamiya adeegan Online Booking-ka.

Shirkada Daallo Airline, waxa ay sidoo kale door muhiima ka qaadataa, mashaariicda horumarineed ee deegaanada Soomaaliyeed ee ay ka hawl-gasho ka jira, kuwaasi oo ay bulshada ku darsato qaadhaankeeda ama doorkeeda shirkadeed, arintan oo tusaale nool u ah shirkadaha kale ee diyaaradaha ee deegaanada Soomaaliyeed ka hawl-gala inay iyaguna sidan oo kale bulshada ugala qayb-qaataan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay bulshad wax-ugu celiyaan sidaa shirkada hormoodka ah ee Daallo Airline.

Hadaba, maxay maanta ka mudan tahay shirkada Daallo Airline inay ugu abaal-gudaan bulshada Soomaaliyeed oo ay guud ahaanteed si-siman ugu gurmatay wakhtigii adkaa, taasi oo aynu ka wada dharagsanahay sida ay bulshada Soomaaliyeed ugu buuxisay kaalintaas adag oo la’aanteed aanay ummadda Soomaaliyeed heleen cid uga ciidamisa oo doorkeeda oo kala kasoo-qaadata. Maadaama maanta ay suuqii duulimaadka dalka ay kula tartamayaan shirkado waa-weyn oo ajaanib ah isla markaasina dalal kale laga leeyahay, kuwaasi oo aan wakhtigii adkaa waxba gashanin ummadda Soomaaliyeed balse maanta usoo shaqo-tagay inay dhaqaalahooda kobcay ka faa’idaystaan

Qalinkii:- Miyir Cali Xuseen

Email: miyircali@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories