HomeTaariikhda Al-ittixaad Al-islaam- W/Q: Cali Cabdi Coomay ~ Q.1aad

Taariikhda Al-ittixaad Al-islaam- W/Q: Cali Cabdi Coomay ~ Q.1aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

coomayUrur-diimeedka Al-ittixaad waxa la aasaasay sannadkii 1983. Waxaana lagu aasaasay magaaladda muqdisho. waxaana hogaamiye u ahaa Sh. Cali warsame , oo xilligaasi ku sugnaa magaaladda muqdisho.

Urur diimeedkan waxaa tiirar aasaasi ah u ahaa laba qodob:

1)     Dacwada diinta islaamka iyo barashadeeda

2)     Jihaadka

Urur-diimeedkan wuxuu aaminsanaa in bulshadda caalamka la baro diinta islaamka , lagana samatobixiyo duliga iyo diciifnimadda guud ahaan dadyowga muslimka ah, gaar ahaan bulshadda soomaaliyeed.Waxay doonayeen mustaqbalka soomaaliya laga dhiso dawlad islaamig ah, iyadoo la raacayo kitaabka iyo sunnaha.Waxa kale ay aaminsan yihiin in la maro dariiqa salafiya.Dhinaca afkaarta waxay aad ugu dhawaayeen ikhwaanu-muslimka masar.

Sanadkii 1984-kii  waxa soo shaac baxay khilaaf dhinaca fikirka ah , waxaana soo baxay xubno ka biyo-diiday nidaamka howlaha loo wado , xubnahan waxa u badnaa reer waqooyi (Soomaliland) xubnaha reer waqooyigu waxay ka cabanayeen in ururkii Al-ittixaad ay xubno reer- koonfureed ahi ku fara badanyihiin, halka reer waqooyi yahay tiro yar.Intaasoo Sh.cali warsame reer waqooyi ahaa, balse wuxuu ahaa keligii, ayey ku doodeen xubnahan waxa hogaamiye u ahaa C/qaadir xaaji jaamac  oo xubin muhiim ah ka ahaa dhaqdhaqaaqii waxdadda. waxa kale oo ay isku  afkaar ahaayeen  Sh. Mustafe Ismaaciil Haaruun, Axmed Aw Daahir , Ismaaciil Dheeg, Xassan C/salaam.

Dhamaantood waxay dib uga noqdeen magacoodii hore ee waxdadda. dacwadda ayaa si xawli ah u socota, goobaha dacwadu ka socotay waxa ka mid ahaa masaajidka ceel Hindi oo salaadda maqrib tafsiir laga dhigi jiray. waanu buux-dhaafi jiray masaajid ku yaala suuqa bakaaraha , lafaweyne , danwadaagaha iyo shibbis. ragga muxaadarooyinka  ka akhri jiray waxaa ka mid ahaa: Sh.Cbdilaahi Cabdi xaashi , Sh.Daahir MacalinCabdilaahi, iyo Sh.maxamed Nuur Qawi waxa ururku Al-ittixaad ka caawiyay fidinta dacwadda dhaliyarro ka soo qalin jabisay jaamacadaha dalka sucuudiga.

 waxaanay si wanaagsan sharaxaad uga bixiyeen in dimuqraadiyada , shuuciyadda iyo wixii gacanta lagu sameeyo aanay banaanayn in lagu dhaqo dad muslim ah. waxay dadka ka dhaadhiciyeen in dhammaan qaabka nolosha iyo arrimaha bulshadda lagu saleeyo quraanka iyo sunaha nabiga (scwl).Urur diimeedka Al-ittixaad wuxuu noqday kii ugu ballaadhanaa, uguna xooga weynaa islaamiyiinta Soomaaliya waxaana ku xoog batay xubnaha la dhacsan fikirka Salafiga.Ururka itixaad wuxuu xooga saaray inaan qof keliya warkiisa la qaatan iyo inaan sheekh keliya la iska daba joogsan, iyo waliba qofkii khaldama in khaladkiisa loo sheego, oo aan loo qarin. kaacankii maxamed siyaad barre ayaa aad u dareensanaa koritaan islaamiyiinta ee gudaha soomaaliya iyo waliba bulshadii oo ay isku dubarteen. Taasina ay keento in laga jeesta kacaankii. marka dambana ay keento in lagu kaco kacaankii lana raano islaamiyiinta Al-ittixaad. si kacaanka u horjoogsado kobaca ururka Al-ittixaad, wuxuu soo saaray qoraal sir ah oo nuxurkiisu ahaa:

1)       Diinta inaanu faafin Karin qof aan ruqsad ka haysan wasaaradda garsoorka iyo arimaha diinta.

2)      Inaan dalka la soo galin Karin kutub diini ah, fasax la`aan.

3)      In sirdoonku isha ku hayo qaabka ay wadaan hawlahooda .

Horaantii sideetamaadkii ayuu kacaankii wuxuu ku dhaqaaqay , ugaadhsi uu kula kacay Al-ittixaad , waxaana la xidhxidhay qaar badan oo ka tirsanaa ururka, halka qaar kalena ka baxsadeen dalka ,xubnaha la xidhay waxa ka mid ahaa sh, C/risaaq Xuseen Ciise , sh. Xasan Daahir, Sh.Nuur Gurxan Baaruud, C/casiis Faarax , C/laahi Cali,xaashi Maxamed Farax,Yusuf Macalin cabdi, Sh.Xashi col-haye.

Xubnaha baxsaday waxa ka mid ahaa :Sh.Cali warsame, waxaanu joogay Burco , ka dib gurigiisi ayaa la tagay waa laga waayay oo Hargaysa ayuu ku dhuumanayey. Waxaanu tegay jabuuti, aakhirkiina wuxuu uga sii gudbay sacuudiga ilaa imaraadka. Horaantii sanadkii 1987-kii ayaa la horkeenay xubinihii xidhnaa maxkamadii badbaado, waxayna xukun dil ah ku xukuntay dhammaan xubnihii xidhnaa. Guddoomiyihii maxkamada badbaado oo wakhtigaa ahaa Gen. Max’ed Yusuf geelle , ayaa xukunka u cuskaday qodobka 54/12 oo dhigayay Qaran dumis iyo la xidhiidho hay`ado shisheeye, ka dib culeys kaga yimid Siyaad Barre gudaha iyo dibada wuxuu ogolaaday inuu ka noqdo xukunkii dilka ahaa.

Sanadkii 1989-kii ayaa si shuruud la `aan ah loo sii daayey dhammaan xubnihii xidhnaa. Muddadii xabsiga lagu guray xubnihii  ugu faraha badnaa ururka, waxa hogaanka sii waday ku-xigeenkii ururka oo  la odhan jiray Sh.cabdiraxmaan makkawi  oo xidhiidh fiican la lahaa xubnihii dibada ku sugnaa. Markii la soo daayay xubnihii jeelasha ku jiray, wax iyana dalka din ugu soo noqday xubnihii dibada uga baxsaday . kulan weyn ayay isu yimaadeen , waxaana laga shiray sidii ururka loo cusboonaysiin lahaa, waxaa mar kale dib loo doortay gudoomiyihii hore Sh.cali warsame,halka ku xigeenka loo doortay sh.xasan daahir aways. waxaana kulankaasi lagu go’aamiyay in la sii wado ujeedooyinkii ururkii Al-ittixaad ee ahaa dacwada iyo jihaadka.

Wakhtiyada qaar, waxa dhici jiray in wadaada kale ee dariiqooyinka ku tilmaami jireen dacwada Al-ittixaad Bidco hasa yeeshe waxay kasbadeen oo bulsho badan oo ay ugu badnaayeen dhalinyaradii ka soo baxday dugsiga sare iyo jaamacada ummada soomaaliyeed. waxa dhici jiray iska horimaad dhexmari  jiray Al-ittixaad iyo

Dariiqooyinka kale, wax dagaal ahi ma dhicin jirin balse hanjabaad, aflagaado iyo dagaal gacmo ah, ayaa dhex mari jiray.

La soco………

Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Hargaysa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories