HomeTaariikh-nololeedkii Sh. Cali Xaaji Ibraahim Xirsi – HORDHAC + Q.1aad ~ W/Q:...

Taariikh-nololeedkii Sh. Cali Xaaji Ibraahim Xirsi – HORDHAC + Q.1aad ~ W/Q: C/raxmaan A. Koosaar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

sheekh cali ibraahimمن المؤمنين رجال صدقوا  ما عا هدا الله  عليه  فمنهم من

قضي نحبه ومنهم من ينتظر  وما بد لوا تبديلا      

 

Weedha Qoraaga.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim, ilaahay baa leh Mahad dhammaanteed iyo shukriba ilaaha swt ku gaar yeela cidduu doono ee adoomihiisa ka mida Hibooyinka sare & Deeqaha waawayn ee siiya qofkuu doono Asraar Qarsoon & tu muuqataba ee Awliyadiisa u arooriya ilaha Deeqda & sharafta Badan,naxariiis & nabad gelyona kor kiisa ha ahaato khalqiga Ilaahay oo dhan kii u khayrka badnaa sayidkeenii Muxammad csw isaga & Ehelkiisii & Asxaabtiisii Suubanayd ba.Intaasi ka dib,  Aniga oo aan mudnayn inaan sheikh Cali Xaaji Ibraahim Noloshiisii & Cilmigiisii toona wax ka qoro oo aanay misana xagayga ka imanin ee ay Ikhwaanku ii soo jeediyeen in wax ka qoro ka dib markii dalabkaasi soo noqnoqdayna aan aqbalay Ilaahayna swt waxaan ka baryayaa inuu ii furo  ina waafajiyo ujeedada laga rabo qoraalkan aniga iyo inta jecelbana if & aakhiroba noogu naxariisto Barakadiisa isaga ayaa awood lehe.,Hadaba aniga oo ilaahay talo saaranaya waxaan halkan uga mahad naqayaa kuna tix raacayaa Afar qof ee sababta ugu wayn u ahaa inaan sheikh cali xaaji ibraahim u  yeesho intan yar ee kooban ee ka mida xayaatadiisa & cilmigiisii aan la koobi karayn afartaasi qof laba ka mida waan waraystay labana waxaan akhriyay qoraalo kaygan ka horeeyay oo ay sheekha ka qoreen.Ugu Horeyn Labada aan sheekha muddo ka waraysanayay.

1.     Xaaji Xuseen Sheekh Ismaaciil Darwiish Allah yarxamuhu

2.     Axmed Jaambiir Kaahin.

1.     Xasan Axmed Faarax    .

2.     Cumar Sh. Ibraahim Cammir Allah Yarxamhu.

Hadaba , waxaan ka cudur  daaranayaa hadii ay dhacdo in wax khalad ah nooc kasta ha noqdee  lagu arko qoraalkan in uu yahay mid uu sababay aqoon yaraantayda iyo daciifnimadayda  ee aanay shaqo ku lahayn sheekha iyo  dadkaasi sharafta mudan ee aan tix raaca ku sameeyay midkoodna wixii wanaag ahna waxa iska leh Ilaahay swt..Sidaasi darteed waxaan ka codsanayaa akhrista ay indhihiisu qabtaan wax nuqsaan ah inuu I ogeysiiyo ileen nin habari dhashay hal ma seegi waayee

Wa Billaahi Tawfiiq        A/rahmaan Axmed Koosaar.Mobile :-   063 410 9607.

 Email :-  hadrtulawliyaa@hotmail.com.

 ————————————–

Shakhsiyadda Sheikh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi, Barbaaridiisii iyo  wax barashadiisii

Sh. Cali xaaji Ibraahim Xirsi oo hooyadiina la odhan jiray khadiija Axmed wuxuu ku dhashay Deegaanka Oodwayne meel la odhan jiray Balliga Guuleed Xaaji 1905, quraanka Kariimka ah wuxuu ku bartay meeshaasi miyiga ah markii uu quraankii dhammeeyay  wuxuu tagay  Magaalada Berbera oo uu aabihii xaaji ibraahim ku haystay Ganacsi  waxaanu magaalad berbera ka sii watay tacliintiisii isagoo wax ku bartay iskuul uu lahaan jiray nin soodaaniya oo la odhan jiray Sayid khayra lah,halkaasi oo uu ku bartay culumta xadiiska,Tafsiirka,iyo faniyada kala gedisan ee luuqada Carabiga, waxa xusid mudan in uu aabihii qayb wayn ku lahaa in waxbarashada wiilkiisu kaalin gasho waxaana markhaati u ah isagoo xaj ka tagaya ayuu tuducyadan ku dhiiri geliyay.

Aqalkii Ilaahay iyo xajkiibaan Qalab u haystaaye

Calaw qayb khadkiyo looxu waa qawl ilaah dhigaye

Markii uu si fiican u dhamaystay dugsigii Soodaaniga wuxuu u kicitimay Magaalada Bullaxaar oo waagaasi aad u camirnayd culimo badan oo akhriya faniyada kala gedisan ee cilmiga diiniga ahina ay ku sugnayd halkaasi ayuu si fiican ugu dhex galay fiqiga iyo luuqada af carabiga isagoo baaric ku nocday noocyada kala gedisan ee afka carabiga sida naxwaha sarfiga balaaqada noocyadeed Bayaanka & Badiica iyo Cilmiga Diintana sidoo kalena wuxuu aad u bartay cilmiga xisaabta sida Handasada Jabrada & jajabka  ka ,sidoo kale wuxuu aad u bartay cilmiga Mandiqa Cilmiga Falaga Iyo taariikhda & juquraafiga..

Hadii aan Tacliintiisa Is raaciyo sheekha waxa suudaan u dirtay Dawladii Ingiriiska halkaasi oo ku maqnaa laba sanadood kuliatu Diraasaadka islaaamiga kana soo qaatay Diktoorah, xili uu aad u yaraa ayuu kaalin galay waxa dadka ku hareeraysan uga muuqanayay bidhaamo iyo calaamado muujinaya Raganimo dheeraad ah ilaa intii uu yaraa waxbaa lagu halaynayay barakona waa laga arkayay aad na wuu u dhawrsoonaa caqli aad u miisaaman ayuu ilaahay siiyay oo xili iyo kasta iyo goob  kasta oo uu joogo uu arimaha la soo dersa ee noloshu keento  ku xalilayay.

Sheekh Cali xaaji ibraahim wuxuu ahaa bad wayn cilmiya oo aan la soo koobi Karin waxaanu noolaa nolol cibro ugu filan qofkii milicsada oo misana   lagu dhammayn Karin qoraal u kooban sidan oo  kale  :-    qofka codkiisa maqlaa wuxuu odhan lahaa waa sheikh caalim ah,  ka taladiisa arkaa wuxuu odhan lahaa waa hogaamiye qawmi ah, ama siyaasi xeel dheer, qof ka kutubtiisa iyo qasaaidkiisa arkaa wuxuu odhan lahaa waa qoraa Islaamiya, ka nolol la qaybsadaa ee la fadhiistaa ee arka karaamooyinka ilaahay siiyay ee uu qarinayo  wuxuu odhan lahaa waa wali awliyada ilaahay ee waawayn ka mida, qofkii cilmi baadhis rasmi ah ku sameeya noloshiisa ee arka siday uga buuxdo kifaax & dadaal,  iyo dheefta iyo dhaxalka uu ka tagay ee aan duugoobayn wuxuu yaqiinsanayaa inuu ahaa halayay uu ilaahay ummadan ka soo saaray, oo ay adag tahay in la helo dhigiisii, wuxuu kaalin galay isaga oo aad u yar waxaanu koobsaday cilmiyo fara badan oo dhinacayo badan leh, wuxuu  noolaaday isagoo sharaf leh oo tusaale fiican  u ah siday ay tahay iyo macnaha dhabta ah ee ay leedahay suufinamada dhabta ah, wuxuu ku  toosnaa dariiqa saxda ee daahirka shareecada,  laabtiisuna saafi ayay ahayd,  intuu noolaa cidna gacanta muu hoorsan, ee wuu shaqaysanayay, waxaanu u shaqaynayay dalkiisa dadkiisa & diintiisa,  isagoo da’ ah  habeenna kama fadhiisan shaqada diinta , intaasi oo aad isku gayso  iyo in kale oo aan la soo kobi karaynin ayuu dhab ahaan ahaa Sheekh cali Xaaji Ibraahim ( wal xaqu yuqaal) wixii xaq ah waa la sheegaa.

Waxba yaan hadal idinku daaline  aan milicsano waxyaalaha ugu muhiimsan ee ay mudan  tahay inaan milicsano.

LA SOCO……………….

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories