HomeTaariikh-nololeedkii Marxuum Ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo maanta ku geeriyooday Dalka Hindiya

Taariikh-nololeedkii Marxuum Ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo maanta ku geeriyooday Dalka Hindiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa maanta dalka Hindiya oo xaalad caafimaad loogu qaaday ku geeriyooday Ganacsatade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ahaa Mulkiilihii Hoteellada Maansoor ee Somaliland.

Waxaanu aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Taariikh-nololeedka Marxuum Cabdiqaadir Xaashi oo kooban.

Alle ha u Naxariistee marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, mulkiilihii Huteelada Maansoor oo da’diisu ahayd 87 jir, waxa uu Sannadkii 1935 ku dhashay Magaalada Jigjiga ee Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Waxa uu ku barbaaray magaalada Hargeysa waxna ku bartay, isaga oo Dugsigii hoose dhexe waxa uu ku qaatay Fisher School imikana loo yaqaan sheekh Bashiir, Dugsigiisii sare Hargeisa Trades school ama CTC ee Ganacsiga.

Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi waxa uu 1957-kii waxbaro dibadeed u tagay Magaalada Cadan oo xiligaasi ingiriisku xukumi jiray Dugsi Farsamo halkaasi ka galay, markii uu waxbarashadaasi dhamaystay ayaa waxa uu ka shaqo galay Shirkada Caalamiga ah ee British Petroleum waxanay Shirkadaasi BP u dirtay 1962 waxbarasho Jaamacadeed Iyo Shaqo isku jirta uk isaga oo bartay Engineering Petroleum, markuu waxbarashadaasi soo dhamaystay waxa uu dib ugu soo laabtay magaalada cadan isaga oo shaqadii shirkada BP magaalada cadan dib uga bilaabay isaga oo ah Ingineer Batrolka Sifeeya.

1968 ayuu u wareegay dalka Kuweit isaga oo 37 sano joogay kana shaqeynayay Dalkaasi kuweit, hadana marxuumku waxa uu Somaliland gaarahaan hargeysa ka waday Aas Aaskii Hotel Maansoor waxaanu Si Rasmiya u furay Hoteelka Caanka ah ee Maansoor Hotel Hargeysa 1996, balse Marxuumku waxa uu Si rasmiya dalka dib ugu soo laabtay ama u soo dagay 2005 waxaanu bilaabay balaadhinta iyo hurumarinta Hoteel-ka Maansoor.

Geesta kale waxa uu marxuumku Qaybtii 2-aad ka hirgaliyay Berbera Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil Maansoor hoteel Berbera kaasi oo ah mid Casriya oo leh goobo lagu dabaasho oo dalxiisayaashu tagaan, sidoo kale Marxuum Cabdiqaadir Xaashi waxa uu Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ka hirgaliyay Qaybtii 3-aad Maansoor Hotel Burco.

Geesta kale Alle ha u Naxariistee marxuumku waxa uu ahaa Nin hadal yar oo hawlkar ah, kumana koobnayn Ganacsiga, maalgashiga uu dalka ku sameeyay iyo hawlihiisa shaqo, Balse waxa uu ahaa Samafale u gargaara Danyarta isaga oo Caawin Jiray Cusbitaalada dhimbirka ee dadka Maskaxkada ka xanuunsanaaya ku Jiraan iyo danyar farabadan oo miyiga iyo magaalada-ba ku nool, waxa kale oo uu ahaa Safiir iskii isu diray oo u dhaqdhaqaaqa aqoonsiga Somaliland.

Sidoo kale Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi waxa uu ahaa Gudoomiyaha Gudiga Dhismaha Dawgacad ee waqooyiga Magaalada Hargeysa oo ka kooban oo isugu jiray Odayaal iyo dhalinyaro iskood isu xilqaamay oo ka shaqeyn jiray Dhismaha Jidka Dawgacad ee isku Xidha Hargeysa ilaa Xeebta Ceel-sheekh oo ahaan jiray mid dhib badan ay ku qabeen dadka iyo duunyada ku dhaqan gubanka.

Ugu Dambayn Alle ha u Naxariistee marxuum Eng, Marxuum Cabiqaadir Xaashi Cilmi waxa uu ifka kaga Tagay 6 Qof uu dhalay iyo hal Xaas, Marxuumka tafiirtiisu iyo waxa ay sii dhaleena 28 qof.

Alle SWT waxan ugu baryaynaa Marxuumka Inuu Janooyinkiisa ku Casuumo Qoyska Qaraabada iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay-na Samir iyo Iimaan ka siiyo Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilaayhi Raajicuun. Aamiin….Aamiin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories