HomeTaariikh-nololeedkii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle) – (1940ii ilaa 2006dii) ~ W/Q: Boobe...

Taariikh-nololeedkii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle) – (1940ii ilaa 2006dii) ~ W/Q: Boobe Y. Ducaale – Qormada 8aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

  Ibraahim GadhleMaantiyo dantaadiyo,

 Yaan mililku kaa lumin,

 Maalmaa dambeeyiyo,

 Waxa maqanna faallee,

 Maalkaagu yuu noqon,

 Mus-dambeedka reerkiyo,

 Makhsinkaad u hoyatiyo,

 Masallaha Rasuulkiyo,

 Ku Masaajid lagu gubo,

 Muhmal laguma guuree,

 Danni ma-hure haw dilin,

 Maan fayow ha ceebayn,

 Ha marmarin waxaan jirin,

 Maamuuska sharaftana,

 Ka ilaali meydhaan,

 Miyirkiyo hubsiintuna,

 Maro weeye la huwado,

 Marantida haweenkana,

 Hodan lagama maarmee,

 Marba kii aroosiyo,

 Ha maaweelin qayrkaa,

 Adiguba marwada dumar,

 Meher waad ku geydaa,

 U miinxiiska ruux kale,

 Waxa kaaga magac-roon,

 Ha laguu mashaxaradee,

 Adigoo mid guursada,

 Gool meesha lagu qalay,

 Mud haddaan lagaa siin,

 Mandharaari cunisteed,

 Waxa kaaga magac roon,

 Ma-dhaafaanka hilibkiyo,

 Adoo meydhaq daydaya,

 Maxfal la isu soo baxay,

 Haddii anad muftiga noqon,

 Mowliidka ka akhriya,

 Maamuus la’aantii,

 Waxa kaaga magac roon,

 Machad laga aflaxayiyo,

 Adigoo maqaam fura,

 Geela maalintii raac,

 Makhribkiyo habeenkana,

 Aan kugu ag maalee,

 Ha maggaabin caanaha,

 Maaheyska kugu yidhi,

 Sii miliiliciisaa,

 Waxa kaaga magac roon,

 Macaluusha gaajada,

 Haba laga masoobee,

 Maarkaha adigoo rida,

Gebegabada sheekadan taariikhiga ah ee aan ku gawl-gawlayo suugaantii iyo noloshii saaxiibkay Tukaale ama Ibraahinba, bal immikana wax aan badnayn aan idiin ka soo qaado loollan suugaaneed oo dhex maray Yam-Yam iyo Ibraahin, labadoodaba Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’.

Ibraahin oo SNM ka tirsanaa iyo Yam-yam oo daafacayay nidaamkii Siyaad Barre waxa dhex maray afar maanso oo ay isugu jawaabayeen. Waa taariikh oo naxli iyo turxaan midna ugama jeedo. Yam-yam oo aanu qudhiisa saaxiib ahayn wuxu nagu soo maray Hargeysa intii aanu dhiman oo uu dhowr bilood nala joogay. Waxa nasiib wanaag ahayd in ay berigaa Hargeysa ku kulmeen oo ay wada joogeen Ibraahin-gadhle in badanna qayilaad iyo qedoba wadaageen. Yam-yam cidina Hargeysa kuma guhaadin waxna looma raacin bal se si gobannimo iyo qaddarinba leh ayaa loogu soo dhaweeyay looguna sooryeeyay. Waxa ay ka mid ahayd meelihii uu yaraantiisii ku soo barbaaray.

Soo hadal-qaadka tixahan ay is-weydaarsadeen Ibraahin iyo Yam-yam waa taariikh bal se xumaan ugama gol lihi.

Yam-yam ayaa tixaha ku horreeyay oo bilowgii tiriyay tix uu ku magacaabay “Ina Gaado-ku-nool” oo uu SNM-ta ula jeeday. Siduu hordhaca maansadaa ku sheegay wuxu ugu dabbaal-degayay Heshiiskii dhex maray Mengistu Xayle Mariam iyo Maxamed Siyaad Barre ee horraantii bishii Abriil ee 1988kii. Tuduc maansadaa ku jiray oo Yam-yam lahaa oo Heshiiskaas lagu muunaynayay ayaa odhanayay:

“Gudgudaa I miray xalay,

 Daruur baa I guud timid,

 Wixii haro galsho lahaa,

 Xareed baa ka galac tidhi,”

Ibraahin maansadaa Ina Gaado-ku-nool ee Yam-yam wuxu kaga jawaabay tix uu ugu wanqalay Gar-naqsi. Aniga oo aan halkan ku soo wada qaadan karayn maansadii oo dhan, bal aan idiin soo qabto tuduc jawaab u ahaa tuducaa Yam-yam oo odhanayay:

“Gariir baa ku miray xalay,

 Rasaas baa ku guud timid,

 Wixii haro galsho lahaa,

 Dhiig baa ka galac yidhi,”

Intaas oo keliya ma ahayne, Yam-yam ayaa haddana soo diray tix kale oo magaceedu ahaa: Dhuux-tagoogo. Mar kale iyo marar kale oo badanba Ilaahay labadoodaba ha u naxariistee, Ibraahin ayaa tixdaana kaga jawaabay tix kale oo uu u bixiyay Tuhun-reeb.

Sidii ayuu Ibraahin-gadhle goobihii suugaanta iyo saanaddaba la isku hummaajiyay kaga soo baxay isago oo guulasytay oo goofaaf iyo xarrogaba sanka taagaya. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, wanaaggii uu Soomaali u galayna ha ka abaal-mariyo.

Ibraahin Sheekh Saleebaan waxa kale oo uu ahaa nin jilaaya oo la yaab leh oo aad iyo aad loogu jeclaa jilista caadiga ah oo uu inta badan odeynimo ku masili jiray iyo jilaannimada maadda ah oo aanad qosol afka isku dari jirin. Wuxu ahaa nin kaftaan badan oo haasaawiye bulshaawiya ahaa. Nin xarrago badnaa oo xishoodka iyo xaq-dhowrkaba lagu majeeran jiray. Wuxu aad iyo aad ugu fiicnaa abaabulka iyo dad-isku-wadka oo la’aantood aanay suuro-geli jirin in aad fanka abaabusho ama riwaaydoba samayso isla markaana jisho.

Sida aanu ka soo xigannay ee ay bah-wadaagta fanka ku ahaayeen, heesihiisa inta badan waxa codadka u samayn jiray ama u sameeyayba: Cabdiraxmaan Cali Xirsi iyo Cabdi Rooble Ducaale oo Qarshiile loo yaqaanno.

Sidaas ayuu Ibraahin-gadhle ahaa, qaybaha danbe ayaynu ku arki doonnaa sidii ay u arkayeen isaga iyo maansadiisaba qaar kale oo inaga mid ahi. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo innagana Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Aammiin.

 

Dhammaad

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories