HomeTaariikh-nololeedkii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle) – (1940ii – 2006dii) ~ Qormada 4aad

Taariikh-nololeedkii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle) – (1940ii – 2006dii) ~ Qormada 4aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 Ibraahim GadhleMaansooy duciyo kheyr,

 Ninka kugu dareershiyo,

 Dabka ruuxa kugu shiday,

 Ninba doorku kula rabay,

 Dareenkiisa kugu mari,

 Boodhari dabuubtuu,

 Ku dardaarmay uu yidhi,

 Waa dhaxal dadweynaha,

 Diiwaanka ugu yaal,

 Waana lagaga daydaa,

 Anna kuma dayacayee,

 Dunidaan ku barayaa,

 Waxan dooday kugu shubi,

 Dhegihii dalooloo,

 Waxa lagugu daabici,

 Dugsiyada tacliintoo,

 Goobaha dalxiiskaa,

 Lagaa daawan doonaa,

 Maansooy dulqaad badan,

 Maanta kii ku deyrshaa,

 Berritoba ku doon-doon,”

Bal immikana aan dhuuxno aragtidii Ibraahin ee Midnimadii 1960kii lagu sameeyay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed markii la isku daray labadii Gobol ee Ingiriiska iyo Talyaanigu kala gumeysan jireen. 31 sannadood ka dib isaga oo ku jira halgan hubeysan oo dibuxoreyn qaran ah, ayuu dhacdadaa 1960kii aragtidiisa ku wajahan ka jeedinayaa Shirweynihii 6aad ee SNM, waxaanu yidhi:

  Taariikh da’ weynoo,

  Degmadeenu leedahay,

  Aan idiin dul-xaadshee,

  Lixdankii dadkaygow,

  Markaad Dawladnimadii,

  Diiqada u bixiseen,

  Deg-degsiinyo mooyee,

  Doqonniimo ma ahayn,

  Manaydaan dambaabine,

  Shanta kala dab-raacdaa,

  Dermo qudha ah u gogosheen,

  Isku-duubnideenniyo,

  Daacad baw horseeddeen,

  Geeluba hadduu dido,

  Duq baa loo hoggaanshaa,

  Sida loogu dayduu,

  Geesina u diriraa,

  Anna laba-deryaalii,

  Waxaan Daacad uga baxay,

  Dhulku yaanu Daaliyo,

  Dooloow u kala go’in,

  Siday labada daamood,

  Dab u wada kulaalaan,

  Dibi keliday lay qalay,

  Qoys qudh ah dibbiradii,

  Waxa aan ka door-biday,

  Duubiga shan lagu cuno,

  Webigay dig siiyiyo,

  Badda aan ku dalow idhi,

  Waxa daacad igu daray,

  Marka aad degtaan meel,

  Dixi iyo caleen badan,

  Kuwa kaa danbeeyiyo,

  Intaad diir wadaagtaan,

  Berri doogga ugu yeedh,

  Ama uga digniin noqo,

  Dalluun loogu talo-galay,

 Shaxda kama il-duufine,

 Sidaan damacsanaa iyo,

 Sida Dooddi yeelaa,

 Kala durugsanaatoo,

 Deyrtii hillaacdiyo,

 Deydo curashadeedii,

 Dooggii ku soo baxay,

 Diir iyo wax baa cunay,

 Xeedhadaan daboolee,

 Aan malabka doocaan,

 Ugu shubay dadweynaha,

 Doqon baa harraatiyay,

 Isagana dariiqii,

 Abees daallinaa yimid,

 Aar baa docdii galay,

 Daryaankiisii laga yaac,

 Kuwaan soo duwaay idhi,

 Dubur Hawd ka kala gale,

 Ninka Duuda yaal baa,

 Ugu dhow dadkeennii,

 Wuxu deyrka ugu dhigay,

 Siduu dararta Maandeeq,

 U durduurto kelidii,

 Duul urursanaadiyo,

 Midnimaanu doonayn,

 Haddaan duubi wada jira,

 Dedaalkaygii lagu helin,

 Dar Allee abaalkii,

 Waxa dumay ku suuree,”

Bal hadda immikana aan daalacanno Ibraahin oo dadka ku disaya dhagartii laga galay, isaga oo si farshaxannimo iyo hal-abuurba leh u tidcaya maansada. Waxa la yaab leh muuqaallada, hummaagyada iyo sawirrada uu sida maadda iyo dhiilladaba leh u taxayo. Intii uu maansadaa Shirweynaha ka tirinayay yaab, naxdin, iyo qosolba waa la isku daray. Allahu Akbar ayaa lagu badhxayay oo dhex taal looga dhigay tuducyadii uu tirinayay. Marka aad maqal iyo muuqaalba ku daawato ayay jidhiidhico kugu jajabaysaa. Bal Ibraahin oo si kale isu kiin bara aan uuga baxo, waxaanu yidhi:

Qalinkii: Boobe Yuusuf Ducaale

(La soco……………………………..)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories