HomeTaariikh-nololeedkii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle) - (1940ii – 2006dii) ~ Qormada 1aad

Taariikh-nololeedkii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle) – (1940ii – 2006dii) ~ Qormada 1aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ibraahim Gadhle ‘Nin ku yidhi masaan nahay,

  Mar la qaad tallaabada,

  La malayso mooyee,

  Yuu midiidin kaa dhigan,

  Midho aad la leedahay,

  Yuu ku cunin is-moodsiis.

  Hadduu tiisa maamulo,

  Adna taada maaree,

  Hadduu sheegto maaleey,

  Mur ka sii qadhaadh noqo.’

 Maansada Mullaax, Ibraahin-gadhle.

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Ibraahim Sheekh Saleebaan oo loo yaqaannay Ibraahin-gadhle, wuxu ku dhashay Tuulada Cadaadda oo ka tirsan Killilka 5aad ee dalka Itoobiya 1940kii, hase yeeshee xilligaa ka tirsanayd Maxmiyaddii Ingiriisku xukumi jiray ee Somaliland. Hooyadii Shaqlan Caynaanshe waxay dhimatay isaga oo yar. Sidaas ayaa Ibraahin oo yar adeerkii oo degganaa magalaada Jabbuuti ku qaaday si uu u koriyo. Sidaas ayuu Ibraahin-gadhle ku noqday reer Jabbuuti noloshiisa intii ugu badnaydna ugu qaatay halkaas oo uu magac iyo maamuusba ku lahaa.  Wuxu ku barbaaray magaalada Jabbuuti oo uu ka galay malcaamad-quraan uu ka baran jiray Quraanka iyo afka Carabiga. Malcaamaddaas oo ku taalley Xaafadda Saddexaad (Q3) waxa lahaan jiray Macallin Maxamed, Ilaahay ha u naxariisto e’.  Ibraahin-gadhle wuxu shaqadii ugu horreysay ka qabtay Marsada Jabbuuti 1955kii oo uu ka shaqayn jiray ilaa 1967kii. Ibraahin-gadhle intii uu Marsada Jabbuuti ka shaqaynayey wuxu ka mid ahaan jiray horseedkii iyo hormoodkii shaqaalaha iyaga oo had iyo jeer dhigi jiray ama samayn jiray bannaan-baxyo iyo shaqo-joojin lagaga soo hor jeedo gumeysigii Faransiiska. Ibraahin hawlaha hoggaamineed iyo dareenkiisii waddaniga ahaa wuxu ku mutaystay xadhig badan iyada oo markii dambena shaqadii in lagaga joojiyo sababtay.

Markii dambe wuxu u wareegay dhismaha oo uu ku hawlanaa 1967kii ilaa 1978kii. Ibraahin-gadhle wuxu ka mid ahaa foolaadkii bulshada reer Jabbuuti ee dagaalka ba’an kala hor tegey Gumeysigii Faransiiska, taas oo Ibraahim ku mutaystay in uu ka mid noqdo dadka ku sajilan liisaska madow ee uu isticmaarkii sida joogtada ah u ugaadhsan jiray.

1964kii ayuu hawlaha fanka soo dhex galay waxaanu maansooyinkiisii ugu horreeyay tiriyay 1965kii.

1978kii, wuxu hawl ka bilaabay Radio Jabbuuti halkaas oo uu ka shaqayn jiray ilaa 1984kii. Intii xilligaa ka danbeysay, Ibraahin-gadhle wuxu ku hawlanaa ganacsi.

Ibraahin wuxu ahaa hal-abuur curin iyo farshaxanba lagu majeerto. Been ku hadli maayo haddii aan idhaahdo hal-doorka Jabbuuti ayuu ahaa oo cidna laba kuma ahayn e’, raqamka koowaad ayuu ka ahaa. Heerarka Soomaaliyeed marka aynu u nimaadno, Ibraahin foolaadka xulka ah ayuu ku jiray. Gude iyo dibadba maansooyinkiisa, heesihiisa iyo riwaayadihiisuba waa ay maaxeen.

Dhammayn kari maayo e’, bal aan wax ka soo qaato riwaayadahiisa caan-baxay:

  1. Muuse iyo Maryan,
  2. Hawaale adduun, haadba haad kici,
  3. Maskaxdii dumarkeennu, malkadeedi ka guurtay,
  4. Geeddigii 1aad,
  5. Geeddigii 2aad,
  6. Halgankii ummadda iyo hoog isticmaar,
  7. Qaahira,
  8. Nolol geeridu dhaanto,
  9. Marti in aad Ilaahay u tahay,
  10. Ragow aarsi haween u adkaysta markiinna,
  11.  Waa la moodaye, maaha,
  12.  Ma dhab baa jacayl waa loo dhintaa,

 Maansooyinkiisu waa bad aad ku hafanayso, halkudhegyada aan soo qaatay mooyaane, mucdooda iyo macaankoodaba Diiwaanka ayaad ka daalacan doontaan. Wax aan badnayn aan ka soo garoocdo heesihiisa caan-baxay, weliba saddex heesood oo hoobalkii codkiisa malabku cawryay ee Maxamed Mooge Liibaan intaba ku luuqeeyay. “Dadka ha iska weyneyn”, waa koow, “Maxaa deyr-cad geel hallaaboo”, waa laba, “Waagoow dhakhsoo”, waa saddex. Akhristeyaasha ayaan u dhaafayaa in ay dhammeeyaan inta hadhay.

Ibraahin-gadhle oo ka hadlaya codkii Maxamed Mooge Liibaanna wuxu yidhi :

“Saddexdaa heesood ayuu Maxamed Mooge Liibaan qaadaa iyaga ayaana hirgalay. Aniguna aad iyo aad baan noloshiisiina ugu mahad-naqi jiray, immikana waxaan leeyahay Ilaahay ha u naxariisto. In badan ayuu I maqashiiyey oo I baray, markaas ayay dadku odhan jireen: ‘Mee ninka Deyr-cad geel sameeyey.”

Ibraahin wuxu guursaday saddex haween ah oo kala ah:

-Saado Ibraahin oo leh 5 gabdhood iyo 3 wiil,

-Maryan Maxamed oo leh 2 gabdhood iyo 3 wiil,

-Sahra Jaamac oo leh 2 gabdhood iyo hal wiil,

Waa sagaal hablood iyo toddoba wiil iyo hooyooyinkood. Waxa kale oo uu Ibraahin ifka kaga tegay suugaanta horraanteedii aanu halkan ku soo gudbinayno iyo qaar gadaal ka qormi doonaba. Maa-shaa Allaa. Ilaahay ha ka abaal-mariyo.

Shakhsiyaddii Ibraahin Gadhle

Fadhi-shaqo oo aanu Xarunta Akaademiga Nabadda iyo Horumarka ee Hargeysa ku lahayn ayaan ku daahay, goor danbe oo ay saacaddu ku beegnayd ilaa siddeedii iyo shan iyo afartan daqiiqadood ee habeennimo ayaan ka soo kacay. Nin aanu saaxiibbo iyo hawl-wadaagba nahay oo dhoofayay ayaan u sii qaaday hudheelka Maansoor oo uu degganaa. Waa 29kii Jeenaweri, 2006dii. Waxaan soo hoyday kooxaha Koongo iyo Senegaal oo kubbad ciyaaraya oo ay Senegaal leedahay laba gool. Haddaan fadhiistay oo aan isu diyaariyay in aan wax aan badnayn hawl-galo ayuu Aw Yuusuf oo carruurtayda ka mid ahi tilifoon soo dhacay ii dhiibay. “Waa ayo?” Waxa ii xigay: “Waa Siciid Gurraase”.

(La soco………………………………….)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories