HomeTaariikh Nololeedkii Allaha u Naxariistee Dr. Cumar Cismaan Raabe - W/Q: Cumar...

Taariikh Nololeedkii Allaha u Naxariistee Dr. Cumar Cismaan Raabe – W/Q: Cumar Rooble Cidheere

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dr. Cumar Cusmaan Raabe waxa uu ku dhashay Djibouti sannadkii markuu ahaa 1946kii, isaga oo aad u dhallinyar ah ku biiray halgankii gobanimo-doonka Djibouti, waxanu si adag uga hor yimid maamulkii gumeystaha Faransiiska ee Djibouti. Xarakaadkiisii gobanimo-doonka waxa aad u dhibsaday Cali Caarif Burhaan oo ahaa Guddoomiyaha Golaha xukuumadda Djibouti ee 1960kii – 1977kii, kadib weerar fashilmay oo lala beegsaday Cali Caarif, Cumar Cismaan Raabe oo 1966kii labaatan jir ah, ayaa la xidhay isaga oo lagu eedeeyey in isku daygaa dilka ka dambeeyey waxaana lagu xakumay dil. Ka dib markii loo dacwooday waxaa laga baajay dilkii oo loogu bedelay xabsi daa’in waxaana loo taxaabay xabsi ku yaala France.

raabe

Markii uu siddeed (8) sanadood ku xidhnaa France, waxa lagu furtay safiirkii faransiiska u fadhiyey Muqdisho oo ay af-duubeen dagaal yahaniintii FLCS oo ahayd Jabhadda Xoreynta Xeebta Somaliyeed. Markii la soo sii daayey wuxuu ku soo biiray FLCS wuxuuna doorkii ugu weynaa ka qaatay geeddi socodka halgankii keenay xorriyadda Djibouti ee ay waday jabhaddii FLCS.

Bishii April, 1977kii waxa Paris ka dhacay shirkii dawladda Faransiisku ay ku aqbalashay gobanimada Djibouti waxaana miskii wada xajoodka laga reebay FLCS oo ahayd jabhaddii faransiiska ku kaliftay in uu deg deg u bixiyo xorriyadda. Dr. Cumar Cusmaan Raabe oo ay ahayd in uu FLCS uga qaybgalo miiska wada xaajoodka waxaa loo taxaabay xabsiga Muqdisho si loo suurto geliyo qorshaha dawlad ka kooban Cafar iyo Ciise ee la rabay in Djibouti laga hirgeliyo waxaana la soo sii daayey sannad ka dib markii nidaamkii la rabay ka hir galay Jamhuuriyadii cusbayd ee Djibouti.

1978kii Dr. Cumar Cusmaan Raabe iyo Axmed Diini waxay gilgileen xukuumaddii Xasan Guleed, kadib markii ay damceen in ay xusbi mucaarad ah furtaan, tallaabadaas oo keentay in labadoodaba la xidho, Dr. Cumar si sharci darro looga qaado warqadihiisii muwaadinnimo ka dibna laga masaafuriyo dalka, masaafuriskaas oo markii hore geeyey dalka France ka dibna Kanada (Canada) oo uu ka furay dugsi diinta islaamka lagu barto oo la magac baxay Dugsiga Ibnu Batuuta ee Ottawa.

Wuxuu ahaa nin aad u taabacsan una difaaca midnimada ummadda somaliyeed, taasoo uu cadaawad fara badan ku mutaystay wuxuuna wax ka qoray arrimaha siyaasadda Geeska Afrika gaar ahaan kuwa Djibouti, Ethiopia iyo Somaliya. Buugta uu qoray waxaa ka mid ah buugga caanka ah ee la yidhaahdo Le cercle et l’aspiraloo uu kaga hadlayo taariikh nololeedkiisi iyo isbeddeladii siyaasadeed ee ka dhacay Geeska Afrika iyo adduunka carruurnimadiisii ilaa xilligii uu buuga qoray oo ahayd 1980kii.

Dr. Cumar Cusmaan Raabe oo ah halyey ka baxay ummadda Soomaaliyeed, waxa uu ifka kaga tegay xaaskiisa Zeynab Maxamuud Wacays, hal wiil (Libaan) iyo saddex gabdhood (Idil, Ayaan iyo Kaaha). Cumar Cusmaan raabe allaha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday Qaarhira Arbacadii, 17kii April, 2013 isaga oo ah la taliyaha Madaxweynaha Djibouti iyo Agaasimaga guud ee Macadka CERD.

Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

W.Q: Cumar Rooble Cidheere

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories