HomeTaariikh-nololeedka Suldaankii Guud Ee Beelaha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax...

Taariikh-nololeedka Suldaankii Guud Ee Beelaha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo (1956 – 2021)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Suldaanka guud ee Beelaha ARAB Sheekh ISAXAAQ, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa la filayaa in maalinta berri oo Arbaca taariikhdu tahay 15.9.2021  Aas-qaran loogu sameyn doono xabaalaha MASSALAHA ee Koonfurta Magaalada Hargeysa, kadib markii uu xalay niskii danbe oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala Dalka Turkiga, oo uu muddooyinkii danbe xaalad Caafimaad loogu daweynayay.

blank
Maruum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa taariikh-Nololeedkii Suldaanka Guud Ee Beelaha ARAB Suldaan Cumar Sudlaan Maxamed Sudlaan Faarax laga soo bilaabo sannadkii 1956 oo uu dhashay ilaa sannadkan 2021 oo marxuumka Eebbe oofsaday.

Alle ha u naxariiste Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Suldaan Mahad waxa uu dhashay sannadkii1956-kii,waxaanu ku dhashay Magaalada Hargeysa.

Sudlaanku waxa uu barashadiisi qur’aanka Kariimka ka bilaabay Magaalada Hargeysa, kadib markii lagu daray madarasadii FALAAXO (AL-FALAAX) ee Hargeysa,isaga oo uga soo wareegay Dugsiga Axmed Gurey, kadibna 1973-kii ilaa 1976-kii waxa uu waxbarashadiisi sare ka bilaabay mac-hadkii sare ee caanka ahaa ee la odhan jiray ALLAAHI ee hoos tagi jiray Jaamacaaddii  AL-AZAR.

Sannadkii1977-kii waxa uu ka qalin-jabiyay mac-hadkaasi,waxaanu galay dugsiga tabbabarka ee XALLANE, sannadkii 1978-kii waxa uu ka qeybgalay hawlihii macalinimada shaqo qaranta ee (National Services Campaign).

Alle ha u naxariiste, Marxuum  Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa uu 1979-kii waxa uu ka mid noqday ardaydii nasiib u helay inay ka mid noqdaan Jaamacadda UMADDA SOOMAALIYEED ee la odhan jiray GAHAYR, qeybteeda barashada cilmiga macdanta iyo biyaha ee “Geology”.

Marxuumku waxa uu Jaamacadda ka qalin-jabiyay sannadii 1982-kii, Alle u naxariiste isla sannadkaa Suldaan Cumar waxa Shaqadiisi ugu horeysay ka bilaabay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee dawladii Maxamed Siyaad Sarre, gaar ahaan qeybta Macdanta.

Marxuumku waxa uu ka hawl-gelay shirkadihii caalamiga ahaa ee Shidaal-baashista ee ay ka mid ahaayeen Shirkaddii CHEVARON iyo CONONACO (Western Geo-physical). Waxaana sannadkii 1984-kii loo magacaabay isu-duwihii Gobolada Waqooyi ee macdanta iyo Biyaha oo uu markaa ay hoos iman jireen isu-duwayaasha lixda Gobol ee AWDAL ilaa NUGAAL(GAROOWE) ee dawladii Soomaaliya.

Alle u naxariiste, Sudlaan Cumar Suldaan Maxemed Sudlaan Faarax waxa uu hawl mug iyo miisaan leh ka qaatay halgankii dib-u-xoreynta dalka ee SNM. Sannadkii 1988-kii ilaa 1991-kii waxa uu ka qeybqaatay oo uu ku hawlanaa Marxuumku abaabulkii ciidankii hubeysnaa iyo hawlgaladii Ururkii SNM.

Sidoo kale, Sudlaan Cumar waxa uu kaaliye u Aabihii Sudlaan Maxamed Suldaan Faarax oo bud-dhige u ahaa aasaaskii halgankii Ururkii SNM iyo nabadeyntii beelihii walaaha ahaa ee deegeenada Somaliland.

Sannadkii 1991-kii waxa uu Suldaan Cumar, dib-u-bilaabay mihnadiisi aqooneed dhinaca macdanta iyo Biyaha waxaanu noqday Agaasimihii waaxda Macdanta ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland, waxaanu bad-baadiyay dhukumanti baddan oo  wax ku oola oo ay wasaaraddu lahayd.

Sannadkii 1997-kii doorashadii labaad ee uu Madaxweyne  Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ku guuleystay Kursiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Marxuum Suldaan Cumar Ugu yeedhay inuu noqdo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, Hasa-yeeshe Marxuum Sudlaan Cumar wuu ka cudur-daartay, waxaanu ka codsaday Madaxweyne CIGAAL in lagu bedelo oo loo magacaabo jagadaasi Marxuum Maxamuud Cabdi-MALLOW ILAAHAY u naxariisto dhammaantood-ba.

Sannadkii 2004-tii bishii 6aad, waxa xaqii ku yimi oo geeriyooday Suldaankii guud ee Beelaha ARAB Sheekh ISAXAAQ Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku suntanaa Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland, waxaana Aaskiisi oo ka dhacay xabaalaha MASSALAHA ee Koonfurta Hargeysa lagu Caleemo-saaray Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faaax, laga bilaabo caleemo saarka Sudlaan Cumar ilaa maanta oo ay bishu tahay 14.9.2021 oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala dalka Turkiga, oo noqonaysa muddo 18-sannadood ah oo uu hayay xilka Saldannada Guud ee Beelaha ARAB.Muddadaa uu suldaanka ahaa waxa uu ka shaqeynayay dhismaha nabadgelyada iyo danta guud ee qaranka Somaliland.

Sidoo kale, Marxuumku waxa uu ahaa Taqi caalim ku ah aqoonta diinta islaamka, waxa uu khadiib ka noqday Masaajido dhowra oo ku yaala Magaalada Hargeysa. Marxuunku waxa uu ahaa shakhsi ku soo bar-baaray akhlaaq diimeed,kuna sifoobay karti iyo dulqaad, Deeqsinimo, dabeecadiisuna ay ahayd mid wanaagsan, oo go’aan adag leh, isla markaana ku sifoobay daacad iyo run-sheegnimo. Waxa uu ku hadli-jiray afar luuqadood oo kala ah Af-SOOMAALI, CARABI, INGIRIISI iyo TALYAANI.

Alle ha u naxariiste, Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ay da’adiisu ahayd 65-jir, waxa uu if-ka kaga tagay lix caruura oo kala ah laba Wiil iyo afar hablood iyo hal xaas.

Xigasho: HayaanNews

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories