HomeTaariikh Nololeedka Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey Jabuuti iyo Itoobiya oo...

Taariikh Nololeedka Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey Jabuuti iyo Itoobiya oo maanta geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Ambassador Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan (Cumar Dheere)

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyayey Jabuuti iyo Itoobiya Ambassador Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan (Cumar Dheere). Waxaan halkan hoose idinkula wadaagaynaa taariikhda safiirka oo kooban.

Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan “Cumar-Dheere” wuxu ku dhashay Tog-Wajaale 1948. Waxbarashadiisii hoose wuxu ku qaatay Wajaale, Tii dhexe wuxu ku qaatay Cammuud (Boorama), tii sarena wuxu ka qaatay dugsi sare oo ku yaalla Nairobi. Cumar wuxu sidoo kale waxbarasho farsamada gacanta ah ka qaatay barnaamij uu maamuli jiray “Scottish Counsil-ka” oo xaruntiisu tahay cariga Ingiriiska.

Waxbarashadiisii heer jaamacadeed waxay u badnayd dhinaca maamulka iyo culuunta tiknoolojiga isaga oo sannadkii 1981 waxbarashada darajada koowaad ka qaatay jaamacad Maraykanka ee University of Illinois Extension. Isla sannadahaa Cumar wuxu barnaamaajiyo waxbarasho oo ku saabsan hoggaaminta iyo wada-xaajoodka ka qaatay jaamacadda New Jersey City University. Sannadihii 90-naadkii waxbarashadiisa wuu sii watay, waxaanu culuumta farsamaynta iyo adeegbixinta kombiyuutarrada ka bartay barnaamijka loo yaqaan NHD ee Abu Dhabi iyo mac-hadka Zenith Institute ee Imaaraadka Carabta.

Sannadihii 2002 ilaa 2004 Cumar wuxu ahaa Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya. 1997 ilaa 2000 wuxu ahaa safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti. Sannadihii 1995 ilaa 1997 wuxu ka mid ahaa ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland isagoo sidoo kalena qayb weyn ka qaatay nabadayntii beelaha Somaliland iyo Shirweynihii dib loogu doortay Madaxweyne Cigaal.

1975 ilaa 1995 wuxu ahaa Madaxa Xidhiidhka Bulshada ee Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi “Abu Dhabi Fund for Development (ADFD)” isagoo muddadaas ka qayb-qaatay mashaariic horumarineed oo laga fuliyey Imaaraadka dhexdiisa iyo meelo kala duwan oo dunida ah. Muddadii uu Imaaraadka ku noolaa Ambassador Cumar wuxu sidoo kale ahaa isu-dubaridaha taakulayntii SNM ee qurbejoogga Imaaraadka. 1971 ilaa 1975 wuxu ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Soomaaliya. Intii u dhaxaysay 1965 – 1968 wuxu ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Allah ha u naxariisto oo Jannooyinkiisa ha ugu deeqo Marxuum Cumar Xaaji Maxamuud.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories