HomeTaariikh nololeedka Macalinkii weynaa ee Waax Farsamada Wasaaradda Warfaahinta Somaliland Marxuum Eng....

Taariikh nololeedka Macalinkii weynaa ee Waax Farsamada Wasaaradda Warfaahinta Somaliland Marxuum Eng. Cismaan Daahir Caabbi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 20 January 2012 (SLpost.net)- Alle haw naxariistee Injineerkii wasaaradda Warfaafinta Somaliland marxuum Eng. Cismaan Daahir Caabi, ayaa xalay ku geeriyooday cusbatal ku yaala dalka Jabuuti.

Sida uu xaqiijiyay Ibraahim Axmed Maxamed (Ibraahim Shiine) oo ah madaxii hore ee qaybta Farsamada wasaaradda Warfaafinta Somaliland, muddo dheerna ay soo wada shaqeeyeen, marxuumku waxa uu u geeriyooday markii uu la soo dersay xanuun uu maskaxda dhiig kaga furmay, iyadoo uu xilligaas ka soo baxay shaqada baahineed ee Telefishanka Qaranka Somaliland.

Haddaba, akhristeyaal waxaanu halkan idiinku soo gudbinayaa taariikh-nololeed kooban oo uu Ibraahim Axmed Shiine ka diyaariyay marxuum Eng. Cismaan Daahir Caabi oo ahaa macalinkii waaxda farsamo ee wasaaraddii Warfaafinta Somalia iyo Somalilandba; “Eng. Marxuum Cismaan Daahir Caabi waxa uu shaqada wasaaradda Warfaafinta bilaabay 1972, iyadoo xilligaas ilaa hadda uu ka hawlgalayay waaxda farsamada ee wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Raadyow Hargeysa.

1988-1993 wuxuu ahaa farsamo-yaqaanka keliya ee duubay suugaantii Raadyow Hargeysa u kaydsanayd inteeda badan, sida heesaha riwaayadaha ee jacaylka ah, kuwa wadaniga ah iyo kuwii tawriga ahaa intaba, gabayada iyo wixii la mid ah.

Marxuum Cismaan Daahir Caabi waxa uu qaatay duruusyo kala duwan oo aqoon-korodhsi ah oo la xidhiidha qaybaha farsamo ee wasaaraddii Warfaafinta ee Raadyow Muqdisho iyo Raadyow Hargeysa labadaba.

Dhammaan shaqaalaha hadda ka hawlgala wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxa uu ahaa macalinkii wax baray iyo farsamoyaqaanadii 1991 ka hor ka hawlgeli jirayba. Waxa uu khabiir ku ahaa qaybaha Istuudiyeyaasha ee idaacaddihii Muqdisho iyo Hargeysa. Waxa kale oo uu marxuum markii dambe ka gaadhay derajo sare qaybaha farsamo ee war-lalisyadii (Transmiters) labada Idaacadood ee Hargeysa iyo Muqdisho iyo war-lalisyada hadda ee wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Illaahay naxariista jano haka waraabiyee, wuxuu qayb libaax ka soo qaatay dhismaha wasaaradda Warfaafineed ee hadda jirta ee Somaliland, siiba qaybaha farsamada ee Raadyow Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka (SLNTV) oo uu imika gacanta ku hayay. Xilalka uu wasaaradda Warfaafinta ka soo qabtay waxa ka mid ahaa; madaxa Farsamada, madaxa war-lalisyada ee wasaaradda, madaxa Shaqaalaha, hore iyo dambaysana ka mid ahaa Injineerada wasaaradda Warfaafinta.

Eng. Cismaan Daahir Caabi wuxuu ahaa ninka ugu muddada dheeraa ee ka hawlgalayay wasaaradda Warfaafinta ee gobolladii Waqooyi ee dalkii Soomaaliya la odhan jiray imikana ah Jamhuuriyadda Somaliland. Marxuumka waxa lagu xasuustaa daacadnimo, hawlkarnimo iyo isagoo aan dadka kale kala bahayli jirin inuu aqoonta u gudbiyo, taasna waxa muujinaysa inuu noqday macalinkii farsamada wasaaradda Warfaafinta horayso iyo intii dambeba.

Marxuumku waxa uu ifka tegay, 9 caruur ah oo isugu jira 5 gabdhood iyo afar wiil. Waxa kale oo uu ka tegay hal xaas.

Marxuumku waxa xanuun dhinaca maskaxda ah oo dhiig kaga furmay ku soo booday horaankii bishan, ka dib markii uu 01:00 habeenimo ka rawaxay qaybta baahinta ee Telefishanka Qaranka. Marxuumku waxa uu muddo ilaa 10 maalmood ah isagoo miyir-doonsoon ku jira yaalay cusbatalka Gargaar ee magaalada Hargeysa, ka dibna waxa loo qaaday cusbatalka ku yaala dalka Jabuuti, halkaasoo loogu sameeyay qaliin dhinaca madaxa ah. Waxa xusid mudan, in aanu muddadaas mar keliya koomada ka bixin.

Eng. Cismaan wuxuu noqonayaa shaqsi qarankan ka baxay oo ay si wayn u tebi doonto wasaaradda Warfaafinta Somaliland ee uu muddada dheer ka hawlgelayay.”

Somalilandpost News

contact@somalilandpost.net

Courtesy: somalidiasporanews.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories