HomeTaariikh nololeedka Hoggaamiye (NELSON MANDELA) Qiime weyn Ku lahaa Qaaradda Afrika oo...

Taariikh nololeedka Hoggaamiye (NELSON MANDELA) Qiime weyn Ku lahaa Qaaradda Afrika oo Geeriyooday iyo dareennada Madaxda Caalamku ka bixiyeen Wafaadkiisa (+Sawiro)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Hoggaamiyihii u horreyey ee Madowga ah ee madax ka noqda Dalka Koofur Afrika, isla markaana si weyn caan ugu caan ahaa la-dagaallanka midab-takoorka,  Nelson Mandela, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Madaxwyenaha Koofur Afrika Mr. Jacob Zuma ayaa ku dhawaaqay geerida Nelson Mandela, wuxuuna sheegay Madaxweyne Zuma in markii uu geeriyoonayay ay la joogeen dad badan oo qoyskiisa iyo ehelladiisa u badnaa.

“Qaranka Koofur Afrika wuxuu waayay wiil, dadka Koofur Afrikana waxay waayeen Aabbe,” ayuu yidhi Madaxweyne Zuma oo hadalkiisa ku sii daray, “Wixii ka dhigay Mandela qof weyn oo la qadariyo ayaa dhab ahaan ah wixii ka dhigay bani’aadam”.

Jacob Zuma wuxuu intaas ku daray in Mandela uu u geeriyooday si nabad ah, isagoo caddeeyay in Nelsom Mandela uu ahaa madaxweynihii aas-aasay qaranka dimoqraadiga ah ee Koofur Afrika.

Nelson_Mandela_oo_Geeriyooday_5Nelson Mandela oo da’diisu ahayd 95 sano ayaa u geeriyooday xanuun kaga dhacay sambabada, kaasi oo dhowr jeer Cisbitaal loo dhigay, waxaana geerida Nelson Mandela si weyn uga naxay dad badan oo caalamka ku nool, gaar ahaan dadka Koofur Afrika.

Nelson Mandela oo lagu naaneysi jiray “Madiba” ayaa xabsi ku muteysay dhaqdhaqaaqyadiisii xornimo-doonka ahaa ee uu uga soo horjeeday xukunkii caddaanka ee ka talin jiray Koofur Afrika, wuxuuna xabsi ku jiray 27 sanadood. Markii xabsiga laga soo daayay ayaa wuxuu ku guuleystay in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah oo si dimoqraadi ah loo soo doortay. Sanadkii 1994-kii ayuu doorashada madaxweynenimada ku guuleystay, shan sanadood kaddibna wuxuu ka degay xukunka.

Taariikh-nololeed Kooban

Marxuum Nelson Mandela, ayaa sannadkii 1918 ku dhashay Xaafadda Mvezo ee Eastern Cape. Labaatan sanno ka dib oo ku beegnayd Sanadkii 1943 ayuu ka mid noqday Xisbiga ANC. Markii ay da’diisu ahayd afarteemo Jir, Sanadkii 1964 ayaa xabsi daa’in lagu xukumay sabab la xidhiidha in uu ka horyimid xukunkii talada hayay ee caddaanka ahaa.

Nelson_Mandela_oo_Geeriyooday_1Mandela waxa xabsiga laga sii daayey Sanadkii 1990, wakhtigaas oo uu dib u bilaabay baaqyo uu dadka ku dejinayo kuna farayo in laga wada-shaqeeyo midnimada iyo horumarka dalka Koonfur Afrika, waxaana sannadkii 1993 la guddoonsiiyay abaal-marinta nabadda.

Mujaahid Nelson Mandela, waxa sanadkii 1994-kiiloo doortay madaxweynaha Koofur Afrika, isaga oo Afar sanno uu talada dalkaas hoggaaminayay ugu dambeyntii waxa uu xukunka ka degay Sanadkii 1999kii.

Dareenka Hoggaamiyeyaasha Caalamka ee geerida Nelson Mandela

Dalka Koonfur Africa ayaa waayay shaqsi agtooda aad ugu weyn, kaasi oo u soo dagaallamay xoriyadda wadankaasi, isla markaana ah hogaamiyihii ugu horeeyay oo  madow ah oo madaxweyne ka noqda Koonfur Africa ka dib muddo 27-sano ah oo uu xabsi ku jiray.

Geerida ku timid Nelson Mandela waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay madaxda dowladaha  qaybahooda kala duwan oo ay ku jiraan kuwa horey xilal u soo qabtay iyo qaar ka mid ah dad caan ka ah adduunka oo kusoo guulaystay  billada nabadda ee Nobel Peace.

Hadaba halkan waxaa ku soo koobaynaa hadalladii ay maanta sii daayeen hogaamiyayaasha aduunka qaarkood ,oo intooda badan ka hambalyeeyay wixii uu soo qabtay Mandela oo ah ruux si weyn looga yaqaan aduunka.

Madaxweynaha Koonfur Afika ayaa ahaa ruuxi ugu horeeyay ee shaaciyay geerida Nelson Mandel oo 95-sano jir ku geeriyooday, isagoo oo sheegay in Mandella  uu ahaa aabaha xorriyadda Koonfur Afrika.

“Qaranka Koofur Afrika wuxuu waayay wiil, dadka Koofur Afrikana waxay waayeen Aabbe”ayuu yiri Madaxweyne Zuma oo hadalkiisa ku sii daray. “Wixii ka dhigay Mandela qof weyn oo la qadariyo ayaa dhab ahaan ah wixii ka dhigay bani’aadam”.

Waxaa kaloo geerida ku timid Nelson Mandela ka hadlay FW de Klerk oo ah madaxweynihii Koonfur Africa sanadihii 1989-1994 ,isla markaana ah ruuxii go’aamiyay in Mandela xabsiga laga sii daayo isagoo sheegay in geeridan ay murug weyn u tahay dhamaan Afrika oo dhan.

“Hoggaamiye rasmi ah ayuu ahaa Mandela ,waayo waxaa uu ka horyimid arimo badan oo xiligiisi qatar galin karayay dadka madawga ah,” ayuu yiri de Klerk oo ay ka muuqatay in uuu aad uga xunyahay geerida ku timid hogaamiyihii Koonfur Africa.

Nelson_Mandela_oo_Geeriyooday_2Madaxweynaha Maraykanka Obama ayaa  isna in badan ka sheekeeyay halgankii uu soo galay Mandela, kaasoo xusay in Mandela uu waqti badan ka galay sidii dadka madowga iyo cadaanka Koonfur Africa  u hali lahaayeen fursado isku mid ah.

“Wixii intaa ka danbeeyay annagu ma lehin ee waxaa leh kuwii naga horeeyay ,waana tusaalaha dhabta ah ee aduunkan,” ayuu yiri Obama oo xusay in Mandela oo ahaa geesi madow ah oo in badan u soo dagaallamay xoriyadda Koonfur Afrika

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka  Joseph Biden ayaa sheegay in saaxiibo aad u dhow ay ahaayeen Mandela, isla markaana markii xabsiga laga soo daayay Nelson ay ku kulmeen xafiiskiisa, isagoo ku daray  in ay aqoon dheeraad ah isku lahaayeen.

“Markii laga soo daayay xabsiga waqtigaa aniga Senator ayaan ahaa waxaan weydiiyay waxa kala gudboon xabsiga uu mudada ku jiray, wuxuuna jawaab iiga dhigay in saaxiib uu la yahay waqtigan la joogo kuwii isaga xiray,” ayuu yiri Biden oo ka tacsiyadeeyay geeridaas.

“Adduunka waxa uu waayay mid ah dadkii ugu codka dheera dhanka cadaaladda una soo dagaallamay in xoriyad ay ku wada noolaadaan qaran ka kooban dad isku dhaf ah ,Mandela waxa uu inoo yahay calaamada innaga oo dhan “ayuu isna yiri xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Koofi Anan oo ka hadlayay geerida ku timid Nelson.

“Dhimashadiisa waxey ka dhigantahay in aduunka uu waayay hogaamiye weyn, kaasi oo Koonfur Africa ku hogaamiyay nabad iyo dib u heshiisiin ilaahey ayaan uga baryayaa  in nabad galyo uu ku sugnaado aniga oo tacsi u diraya eheladiisa,“ ayuu isna yiri hogaamiye diimeedka Tibet Dalai Lama,kaasi oo billada nabadda aduunka ku guulaystay laba jeer.

Haddii aan dib ugu laabano taariikh kooban oo ku saabsan Mandela, waxaa xabsiga dhigay dowladii caddaanka ahayd isaga iyo shaqsiyaad gaar ah oo lagu eedayay in ay doonayaan afgambi ay ku sameeyaan xukuumaddi jirtay waqtigii uu xirnaa.

Isaga oo ka hadlayay maxkamadda gudaheeda dacwad loogu magac daray Rivonia oo ah meel ku taalla banaanka Johannesburg halkaasi oo laga soo xiray qaar ka mid ah dadka eedeysnaa, ayaa Mr Mandela waxa uu gudbiyay waxa uu aaminsan yahay oo la xiriirtay dimuqraadiyad, xorriyad iyo sinnaan.

“Waxaan difaacayaa aragtida dimuqraadiyadda iyo bulsho xor ah taasi oo dhammaan dadku ay ku wada nool yihiin heshiis iyo fursado loo siman yahay,” isagoo ku daray  “Waa aragti aan rajeynayo inaan ku noolaado oo aan helo. Laakiin haddii loo baahdo, waa aragti aan diyaar u ahay inaan u dhinto.”

Ugu danbayntii madaxda dowladaha aduunka ayaa dhamaantood wada sheegay in si isku wada mid ah  uga qayb-galayaan munaasabado gaar ah oo loogu tacsiyadaynayo Koonfur Africa ,maadaama  uu ka geeriyooday ruux sabab u ahaa xoriyadooda.

Courtesy: HOL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories