HomeTaariikh Nololeedka Fannaankii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc oo maanta Hargeysa ku...

Taariikh Nololeedka Fannaankii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc oo maanta Hargeysa ku geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

maxamed-AxmedHargeysa (SLpost)- Alle Ha u naxariistee, waxa maanta Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Fannaankii Caanka ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc oo in muddo xaalad caafimaad ugu jiray cusbitaalka, waxaana geerida marxuumka waraahinta u xaqiijiey Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa.

Maxamed Axmed Kuluc ayaa xanuun ka haleelay Sambabada la tacaalayey sannadihii u dambeeyey, waxana lagu daaweyneyey Gurigiisa Magaalada Hargeysa.

Allaha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc ayaa ka mid ahaa Fanaaniintii Walaalaha Hargeysa oo sannadihii Kontonaadkii ka samaysmay magaalada Hargeysa ka hor intii aanu markii dambe ka mid noqon fannaaniintii Waaberi.

Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc, ayaa muddadii uu fanka ku jiray waxa uu qaaday Heeso tiro bada iyada oo ilaa wakhtigan heesihiisu ka mid yihiin kuwa aan duugoobin ee la dhegaysto.

Marxuumka ayaa maalinta Berri ah la filayaa in Aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Hargyesa.

Haddaanu nahay bahda Shabakadda Somalilandpost.net, waxaanu halkan tacsi uga diraynaa umadda Soomaaliyeed, Bahda Fanka Soomaaliyeed, Shacabka Somaliland, qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Marxuumku, dhammaanteenna samir iyo iimaan innaga siiyo.

TAARIIKH NOLOLEEDKII MARXUUMKA

Alle ha u naxariistii waxa uu fanka ku soo biiray sanadkii 1948kii isagoo ka mid noqday kooxihii ugu horeeyay ee laga aas aasay Cariga Somaliland xiligaasi oo ay socotay dabayshii gobonimo doonka .

Waxaanu Marxuumku xiligaasi calanka ka hor qaaday isla markaana Matalay riwaayado iyo heeso lagu wacyigalinayo bulshada inay iska ridaan heeryada gumaystihii ingriiska,kuwaasi oo ilaa maanta la xasuusto.

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ka mid noqday kooxdii Walaalaha Hargaysa ee Ka hawlgali jirtay idaacada Radio Hargaysa,isagoo ka mid ahaa fanaaniintii habeenkii calanka laga taagay fagaaraha beerta xoriyada ka heesay halkaasi kuna luuqeeyay heeso ay ka mid ahaayeen,Aan Maalo Hasheena Maanqdeen oo Sameeyay Abwaan Saxardiid Maxmaed Jabiye Laxankana uu Saaray Alle Ha u Naxariistee Cabdiilaahi Qarshe.

Marxuum Maxamed Axmed Mudadii uu fanka ku jiray waxa uu ka qayb qaatay riwaayado iyo heeso iskugu jira Wadani,wacyigalin iyo Jacayl.

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc oo ilaa wakhtigaas ilaa maanta ka mid ahaa hormuudka iyo tiirarka waawayn ee Fanka.

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ifka Kaga Tagay Xaas iyo Caruur Iskugu jira Wiilal iyo gabdho iyo wixii ay sii dhaleen.

XIGASHO Taariikh Nololeedka Marxuumka:  TooshNews.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories