HomeTaariikh Aan Duugoobayn Ee Birigaydh Janaraal Cumar Diiriye Warfaa

Taariikh Aan Duugoobayn Ee Birigaydh Janaraal Cumar Diiriye Warfaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

AHUN—Cumar Cismaan Diiriye Warfaa(Canjeex) wuxuu ahaa geesi qaran; haldoor ka mid ahaa raggii foolaadka ahaa ee soo marey qarankii burburey ee waa jiri jirey. Cumar Cusmaan wuxuu ku dhashay Bilcildheere…wuxuuna ku barbaaray Awaare, isagoo halkaas ku qaatay waxbarashadiisii malcaamadeed, kuna dhammeystirtey barashada Qur’aanka kariimka ah iyo luuqada Carabiga. Ka dib, wuxuu safar waxbarasho ugu kicitimay dalka Masar gaar ahaan caasimadda Qaahira, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisii dhexe, sare iyo jaamacadeedba. Raggii ay isku lod-ka ahaayeen ee ay masar wax kusoo wada barteen waxaa ka mid ahaa; Sulub Cumar Xaashi, Xaaji Qurbaawi, Ina Cumar Jees, Ina Muxumed Sacmaal iyo Cabdillaahi Koongo…Kooxdaas oo dhammaantood noqday foolaad iyo acyaan si weyn looga yaqaano giyiga Soomaalidu degto ee Geeska Afrika.

Hal sanno ka dib, inqilaabkii dhicisoobey ee 1961-kii ayuu Cumar Cismaan Diiriye kusoo laabtey dalka, isagoo xidigle ah; waxa aannu ku biirey ciidamadii xooga wadaniga Soomaaliyeed isagoo ka gaadhey darajada Jenen Brigaydh (ama Madaxa Hawlgalada in ka badan 12-guuto ciidan) isla markaana maamuley xaruntii Baydhabo fadhiisimo ciidan oo badan oo dalka ku kala teedsanaa maamuli jirtey. Wakhtigii uu ku jirey ciidamada, waxa uu tabobaro heersare ah loogu direy wadamada Russia, Tunisia iyo Maraykanka. Cumar Cusmaan Diiriye Warfaa (Alle Naxariistii Jannatul Firdawza ha siiyee) waxa uu ifka kaga tagay Hodan Cumar Cusmaan.

2-Waxa uu 1981 bishii February, 2deedii ku geeriyooday shil-diyaaradeed, isaga iyo xaaskiisii Khadra Maxamed Ducaale, dumaashidii, laba caruur ah oo uu dhalay, saddex qof oo walaaladii ah iyo inan kale oo reerka ka mid ahayd. Waxaa iyaguna ku jirey dadkii shilkaas-diyaaradeed marxuumka kula shahiiday Taliye, Cabdiraxmaan Cali Baranbaro…oo ahaa taliskii nabad-sugida Soomaaliyeed. Duyuuradaas burburtey waxaa saarnaa 54-qof oo 4-kaliya ka ahaayeen ajaanib…Inta kale oo dhammina ahaayeen Soomaali….waliba u badan reer Woqooyi ama reer Somaliland.

Alle naxariistii janno ha siiyee wuxuu ahaa muwaadin han iyo haybad badnaa taariikhdana baal dahab ah ka galay. Wuxuu ahaa haldoor guul iyo galadba usoo jiiday dadkiisa; waxaanuu caan ku ahaa hal-adkaan; hagar la’aan iyo daacadnimo…Wuxuu ahaa Alle yaqaan quraan ruug ah……Wuxuu ahaa mujaahid u shahiiday dalkiisa….Wuxuu nin ku hal-adag mabaa’diida Islaamiga ah iyo wadaniyada, had iyo gooraalena waxa uu ku dhiiran jirey inuu ka badheedho oo aannu ka gaban wixii uu dan u arko, xilli dalka uu haystay kali-talis tiisa meel-mariya oon tu kale u joojin.

AHUN—Cumar Cismaan Diiriye Warfaa(Canjeex) wuxuu ahaa geesi qaran; haldoor ka mid ahaa raggii foolaadka ahaa ee soo marey qarankii burburey ee waa jiri jirey. Cumar Cusmaan wuxuu ku dhashay Bilcildheere…wuxuuna ku barbaaray Awaare, isagoo halkaas ku qaatay waxbarashadiisii malcaamadeed, kuna dhammeystirtey barashada Qur’aanka kariimka ah iyo luuqada Carabiga. Ka dib, wuxuu safar waxbarasho ugu kicitimay dalka Masar gaar ahaan caasimadda Qaahira, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisii dhexe, sare iyo jaamacadeedba. Raggii ay isku lod-ka ahaayeen ee ay masar wax kusoo wada barteen waxaa ka mid ahaa; Sulub Cumar Xaashi, Xaaji Qurbaawi, Ina Cumar Jees, Ina

Muxumed Sacmaal iyo Cabdillaahi Koongo…Kooxdaas oo dhammaantood noqday foolaad iyo acyaan si weyn looga yaqaano giyiga Soomaalidu degto ee Geeska Afrika.

Hal sanno ka dib, inqilaabkii dhicisoobey ee 1961-kii ayuu Cumar Cismaan Diiriye kusoo laabtey dalka, isagoo xidigle ah; waxa aannu ku biirey ciidamadii xooga wadaniga Soomaaliyeed isagoo ka gaadhey darajada Jenen Brigaydh (ama Madaxa Hawlgalada in ka badan 12-guuto ciidan) isla markaana maamuley xaruntii Baydhabo fadhiisimo ciidan oo badan oo dalka ku kala teedsanaa maamuli jirtey. Wakhtigii uu ku jirey ciidamada, waxa uu tabobaro heersare ah loogu direy wadamada Russia, Tunisia iyo Maraykanka. Cumar Cusmaan Diiriye Warfaa (Alle Naxariistii Jannatul Firdawza ha siiyee) waxa uu ifka kaga tagay Hodan Cumar Cusmaan.

Waxa uu 1981 bishii February, 2deedii ku geeriyooday shil-diyaaradeed, isaga iyo xaaskiisii Khadra Maxamed Ducaale, dumaashidii, laba caruur ah oo uu dhalay, saddex qof oo walaaladii ah iyo inan kale oo reerka ka mid ahayd. Waxaa iyaguna ku jirey dadkii shilkaas-diyaaradeed marxuumka kula shahiiday Taliye, Cabdiraxmaan Cali Baranbaro…oo ahaa taliskii nabad-sugida Soomaaliyeed. Duyuuradaas burburtey waxaa saarnaa 54-qof oo 4-kaliya ka ahaayeen ajaanib…Inta kale oo dhammina ahaayeen Soomaali….waliba u badan reer Woqooyi ama reer Somaliland.

Alle naxariistii janno ha siiyee wuxuu ahaa muwaadin han iyo haybad badnaa taariikhdana baal dahab ah ka galay. Wuxuu ahaa haldoor guul iyo galadba usoo jiiday dadkiisa; waxaanuu caan ku ahaa hal-adkaan; hagar la’aan iyo daacadnimo…Wuxuu ahaa Alle yaqaan quraan ruug ah……Wuxuu ahaa mujaahid u shahiiday dalkiisa….Wuxuu nin ku hal-adag mabaa’diida Islaamiga ah iyo wadaniyada, had iyo gooraalena waxa uu ku dhiiran jirey inuu ka badheedho oo aannu ka gaban wixii uu dan u arko, xilli dalka uu haystay kali-talis tiisa meel-mariya oon tu kale u joojin.

Qalinkii Siciid Maxamed Axmed

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories