HomeTaageerayaasha Xisbiga Waddani oo mudaharaad laga soo horjeedo Xukuumadda Siilaanyo ka sameeyey...

Taageerayaasha Xisbiga Waddani oo mudaharaad laga soo horjeedo Xukuumadda Siilaanyo ka sameeyey Xaafado ka mid ah Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dhalinyaro gadoodsan oo u badan taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa caawa muddaharaad kooban ka sameeyey Xaafadda New Hargeysa, Degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa, halkaasoo ay waddooyinka Taayirro ku gubeen.

news1Dadka Muddaharaadka sameeyey caawa ayaa ku dhawaaqayey Erayo ay ka mid ahaayeen; “Xukuumaddu faro-gelinta haka deyso Golaha Wakiillada, Dooni mayno inay Xukuumaddu Golaha Sharciga ah cabbudhiso.” Weedhahaas iyo kuwo la macno ah oo kale ayey ku dhawaaqayeen Muddaharaadayaashu.

Ciidammada Booliska oo isugu jira kuwa u tabobbaran la-dagaallanka Argagixisada iyo Booliska rayidka loogu talo-galay oo Hubaysan, isla markaana dhawr Baabuur laga soo buuxiyey, ayaa gaadhay goobaha ay Bannaan-baxayaashu Taayirrada ku gubeen oo kala ahaa meel ku dhaw Huteelka Kaah oo Laamayda dhexdeeda ah, goob Baar-waraabe ah iyo laba goobood oo labadaas meelood u dhaxaysa.

Boolisku waxay kala eryeen dadka goobahaas ku muddaharaadayey, isla markaana waxay bakhtiiyeen Taayirrada iyo waxyaabaha kale ee ay Jidka ku gubeen. Hase-yeeshee, goobta Baar-Waraabe oo ay Muddaharaadayaal tiro badani isugu soo baxeen, isla markaana ay dhawr Meelood Waddada Taayirro kaga gubeen, ayaanay weli Boolisku ku guulaysan inay bakhtiiyaan oo ay bannaan-baxaasi joojiyaan, ka dib markii ay dadku soo bateen, inay kala dareeraanna ka diideen.

Muddaharaadkan ayaa ka dhan ah tallaabooyinka ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo doonayso in xilka Guddoomiye-nimo ee Golaha Wakiillada Somaliland lagaga tuuro Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, taasoo maalmihii u dambeeyey ku mashquulsanayd inay hanti badan ku bixiso sidii ay aqlabiyadda Xildhibaannadu xilka uga tuuri lahaayeen Guddoomiyaha.

Maalinta Isniinta ah ee Berri, ayaa la filayaa in muddaharaad kan caawa ka ballaadhani ka dhaco magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasoo isagana lagaga soo horjeedo tallaabooyinka faro-gelinta iyo awood-raadiska ah ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigeeda KULMIYE ka dhex-wadaan Golaha Wakiillada Somaliland.

XIGASHO: Aftahan News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories