HomeTaageerayaasha Ururka WADANI ee gobolka Togdheer oo Tiradii ugu badneyd isugu soo...

Taageerayaasha Ururka WADANI ee gobolka Togdheer oo Tiradii ugu badneyd isugu soo baxay magaalada Burco

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco, 21 March, 2012 (SLpost)- Kumanaan qof oo ka tirsan taageerayaasha Urur siyaasadeeddka Wadani ayaa maanta isugu soo baxay barxadda weyn ee Sayladda magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Taageerayaasha urur-siyaadeedka WADANI oo sita calanka midabkiisu Liimiga yahay ee astaanta u ah ururka, Midabka Casaanka ah ee Ciidda iyo Qorrax-soo-baxa arooryo, ayaa subaxnimadii hore ee saaka Ku kulmay bannaanka weyn ee Suuqa Xoolaha magaalada Burco, halkaas oo ay ka muuqdeen tiradii ugu badneyd ee goob ugu soo baxda ururrada.

blankKa hor intii aanay guddoomiyaha guddiga diiwaan-gelinta iyo xubnihii kale ee guddigaasi soo gaadhin madasha ay isugu soo baxeen taageerayaasha WADANI, waxa dadweynaha la hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xubnaha wefdiga ururka Waddani.

Xildhibaan Xuseen Axmed Cige oo ka mid ah xubnaha WADANI ayaa dadweynaha reer Burco ku amaanay baaxadda leh ee ay u muujiyeen ururkooda, “Reer Burco haddii aad tihiin waanu idin aragnaa sida aad noo soo dhaweyseen waanan  idin aragnaa  inaad na jeceshihiin waanad mahadsan tihiin,” ayuu yidhi Xil. Xuseen Cige.

blankGuddoomiyaha ururka WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirro] oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay dadweynaha reer Burco soo bandhigeen taageeradii uu ka falayey iyo mid ka sii badan, “Dadweynaha reer Burco walaallayaal waad mahadsantihiin waxaanad muujiseen taageeradii iyo tiradii aanu idinka filaynay iyo mid kasii badan, Hargeysa, Boorama iyo Berberaba waad iska dhiciseen,” ayuu yidhi Md Cirro.

Guddoomiyaha guddiga diiwaan-gelinta iyo xubnihii kale ee guddigaasi oo goor dambe soo gaadhay barxadda weyn ee  Sayladda xoolaha ee magaalada Burco oo taageerayaasha ururka Waddani bar-tilmaadeed u ahayd isu soo baxooda, markii uu gaadhiga ka soo dagay waxa uu durbadiiba ku haftay darafka hore ee dhinaca uu ka soo galay Sayladda maadaama ay taageerayaasha ururkaasi ka sareeyeen wax la tiro koobi karo, sidaa darteed xubnaha guddiga diiwaan-gelintu waxaa xidhay oo meel ay ka maraan ka waayeen kumaanaankii taageerayaasha ahaa ee jibadu madaxmartay.

blankGuddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta ayaa markii uu baabuurka ka soo degay inta uu kalyaha qabsaday oo uu sidaa u dhex istaagay jamaahiirtii taageerayaasha reer Burco ee ururka Wadani ayaa yidhi, “dadkani saaka wax la tirinkaro way ka badanyihiin” ayuu yidhi kadibna waxa uu dib ugu laabtay gaadhigii uu watay waxaanay isaga iyo xubnihii uu hogaaminayey dib ugu noqdeen baabuurtooda ka dib markii ay si weyn ugu qanceen tirada dadweynihii aan caadiga ahayn ee saaka isugu soo baxay Sayladda Xoolaha ee magaalada Burco halkaasi oo ay taageerayaasha ururka waddani cududdii ay soo bandhigeen loo arkay inay tahay  mid uu ururka Waddani ku hantay darajada 1aad ee kaalinta ugu saraysay saadaasha natiijada laga filayo inay soo bandhigi doonaan Guddiga diiwaan-gelintu markay hawshani dhamaato todobaad ka dib.

Waxaanay taageerayaasha Ururka Waddani hadda iyo wixii ka dambeeya u sii kooraysanayaan xagga goballada Sool iyo Sanaagg iyaga oo lagu wado inay howlahooda ka asoo billaabaan magaalada Caynabo ee gobalka Sool halkaasi oo la filanay inay taageero laxaad leh ka helidoonaan.

DAAWO SAWIRRADA

SOMALILANDPOST.NET

Burco, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories