HomeTaageerayaasha Arsenal Oo Lagu Xidh-xidhay Dalka Uganda kaddib Guushii Kooxda Manchester United

Taageerayaasha Arsenal Oo Lagu Xidh-xidhay Dalka Uganda kaddib Guushii Kooxda Manchester United

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kampala (SLpost)- Siddeed ka mid ah taageerayaasha Kooxda Arsenal ayaa lagu xidh-xidhay magaalada Jinja ee dalka Uganda, kaddib markii ay dammaashaad u sameeyeen guushii Kooxdu ka gaadhay kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo shalay dhexmaray Kooxda Manchester United.

Taageerayaasha ayaa xidhnaa Shaadka Casaanka ah ee Kooxda, waxaanay siteen Koob Macmal ah oo ka dhigan in kooxdoodu sannadkan iska leedahay guusha Horyaalka Premier League-ga.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay inaanay Dadkani haysan oggolaansho ay Isu-soo-bax iyo dammaashaad ku qabsan karaan, sidaa awgeed ay taageerashaadu ku kaceen xadgudub ka dhan ah shaciga.

Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadihii u dambeeyey ee ciyaarta dhalisay Goolka ay ku guushu ku raacday, iyadoo ciyaartu ku dhammaatay 3-2 guushu ku raacday Kooxda Gunners.

Natiijada kulanka xalay ayaa kooxda Arsenal u saamaxday inay Shan dhibcood ku hoggaaminayaan Tartanka Horyaalka Ingiriiska, waxaanay tani rejo buuran ku abuurtay taageerayaasha Caalamka ku kala sugan ee Kooxda Arsenal oo muddo 19 sanno ah ka qatan Koobka Horyaalka.

Taageerayaasha reer Uganda ee Arsenal ayaa la xidh-xidhay kaddib markii ay subaxnimadii hore ee Isniinta maanta isugu baxeen jidadka magaalada iyagoo wata kolonyo baabuur ah oo ka mid ah la saaray Koob Macmal ah oo loo ekaysiiyey Ka Horyaalka Premier League.

“Ma Garan karo waxa aanu gaysanay, laakiin waxa aanu u dabbaal-degaynay oo kaliya guushii aanu ka gaadhnay Manchester United,” waxa sidaa warbaahinta u sheegay mid ka mid ah taageerayaasha la xidhay.

Taliyaha Qaybta Booliska magaalada Jinja James Mubi oo lagu yaqaanno inuu yahay Taageerayaasha Kooxda Arsenal, ayaa BBC News u sheegay inaanay wali hubin kiiska loo haysto taageerayaasha, balse uu la yaabban yahay sababta keentay inay damaashaan xilli uu kala badh marayo xilli-ciyaareedka horyaalka Premier League.

blank
Ciyaartoyga Arsenal oo u dabbaal-degaya Guusha kulankii Xalay

“Maxaa dhici lahaa haddii gacan ka hadal ka dhex qarxo taageerayaasha kooxda ay ska soo horjeedaan? Ciidanka booliska kumay soo war-gelin si ciidamo ilaaliyo loo siiyo,” ayuu yidhi Taliye Mubi oo dhinaca kale dedafeeyey in xadhigga taageerayaashu xidhiidh la leeyahay xadhigga joogtada ee lagula kaco xubno ka tirsan Xisbi Mucaarad ah oo taageerayaashiisu xidhaan Shaadh midabkiisu casaan yahay.

Kooxaha Arsenal iyo Manchester United, ayaa taageerayaal badan ku leh dalka Uganda iyo guud ahaan qaaradda Afrika, waxaana dalka Uganda ciyaaraha lagu daawadaa hoolal waaweyn oo cooshado ka samaysan oo had iyo jeer la buux-dhaafiyo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories