HomeTaageerada Xukuumada Federaalka Somaliya u Fidisay Maxamed Cali Samatar iyo Jawaabtii Liidatay...

Taageerada Xukuumada Federaalka Somaliya u Fidisay Maxamed Cali Samatar iyo Jawaabtii Liidatay ee Xukuumada Somaliland ka Bixisay – W/Q: Cabdi Axmed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hore ayay Xukuumada Somaliland inoogu sheegtay in aqoonsiga Maraykanku siiyay Xukuumada Somaliya aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin danaha Somaliland. Hase yeeshee, waxaa durba soo baxay in Xukuumada Muqdisho ay taageero u fidiso Maxamed Cali Samatar oo muwaadiniin u dhashay Somaliland ay dacwad ku saabsan dambiyo dagaal iyo ku xad-gudubka xuquuqda binu-aadamiga (War Crimes and Human Rights  Abuses) ugaga fureen dalka Maraykanka. Hore ayuu masuuliyadeeda u qaatay  oo u qirtay Cali Samatar eedaymahan loo soo jeediyey, maxkamada horteedan ku qaatay eedaymihii loo soo jeediyey isagoo wakhtiga dambiyadaasi dhacayeen   xilal kala duwan oo ahaa Ra’iisulwasaarihii, Wasiirkii Gaashaandhiga, Madaxweyne ku xigeenkii  Xukuumadii burburtay ee Siyaad Barre hogaaminayey.

 
Runtii Xukuumada Muqdisho may ahayn inay isku mashquuliso oo guulaheeda dublimaasiyadeed ee ay heshay ugu isticmaasho inay ku difaacdo nin loo haysto inuu bixiyey amaro wax lagu yeeleeyey dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Isku heli mayso in Xukuumada Muqdishu ay tidhaahdo waanu ku xunahay tacadigii iyo ku xadgudibkii Xukuumadii Siyaad Barre ka gaysatay Somaliland, haddana ay waraaqo taageero ah oo difaacaya  u soo qorto dadkii masuulka ka ahaa falalkan oo uu hormood ka ahaa Cali Samatar maadaama uu si toos ah u maamulayey dagaaladii iyo burburkii ciidamadii  Siyaad Barre ka sameeyeen Somaliland.
 
Xukuumada Somaliland waxaa arinkani ku noqday “Falaadhi gilgilasho kaagama hadho.” Haddii shalayto Xukuumada Siilaanyo ay inaga dhaadhicisay  “aqoonsiga Maraykanku siisay Xukuumada Muqdisho saamayn inugu yeelan mayso”, manta maxay ku hadli kartaa? Sida uu sheegay Telefishan-ka Horn Cable, Xukuumada Somaliland waxay haddana sheegtay “inaan warqada taageerada ah ee Xukuumada Soomaaliya ku difaacayso Cali Samatar aanu saamayn ku yeelanayn dacwada loo haysto ninkaan.” Yaa u sheegay inay saamayn ku yeelanayso iyo in kale? Goormaynu gaadhnay in dad aad u aqoon iyo garasho liitaa ku hadlaan afka-xukuumada oo waxay doonaan iskaga hadlaan? Miyaanay qareenadii u doodaysay dadka reer Somaliland ee dacwada ku oogaayey Cali Samatar sheegin in warqadani dhabar-jab ku tahay dacwaday ku wadeen Cali Samatar? Goormay af-hayeenada Xukuumada Siilaanyo noqdeen qareeno ka war bixiya dacwadaha ka socda dalka Maraykanka? Dadka ma hadba waxay doonto ayay u sheegaysaa? Xukuumadani dul-qaadkii shacabka Somaliland ma waxay u fahantay inay yihiin dad dhoohan oo wixii la doono loo sheegi karo?
 
Xukuumada Somaliland waxaa looga fadhiyaa waxa ay kaga jawaabayso gardarada Xukuumada Muqdisho ay kula kacday dadka reer Somaliland ee dacwadooda ka furtay dalka Maraykanka. Miyaanay ahayn xiligii ay Xukuumada Somaliland ku hanjabi lahayd inay ka baxayso  wadahadalada ay la wadaan Xukuumada Muqdisho haddii aanay dib uga laaban warqadii taageerada ahayd ee ay u qortay Arimaha Dibada Maraykanka si ay Cali Samatar uga difaacdo  eedaymihii xasuuqii Somaliland ka dhacay wakhtigii Siyaad Barre? Miyaanay waajib dastuuri ah ku ahayn Xukuumada Somaliland inay garab istaagto dadkeeda dhibaatada loo gaystay? Mise isma ogine mar hore ayaynu ka mid noqonay gobolada ay ka taliso Xukuumada Muqdisho?
 
 
 
Cabdi Axmed (yabdi77@yahoo.com)
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories