HomeSuxufiga Iyo Saxaafadda

Suxufiga Iyo Saxaafadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Suxufigu waa kuma?

Qormadan waxaan ku falanqaynaynaa suxufiga ama weriyaha iyo tilmaamihiisa. Yaa suxufi noqon kara? Qof kastaa ma sheegan karaa in uu yahay weriye? Taasi waxay la mid tahay qof kastaa dhakhtarnimo ma sheegan kara? Jawaabtu waa maya. Haddii aanad lahayn, aqoontii, khibradii, waayo-aragnimadii iyo kartidii loo baahnaa.

Waxa sidaasi oo kale ka dhigan suxufinnimada. Waa wax lala yaabo in dad badani ay aaminsan yihiin in qofka doonaya in uu noqdo weriye aanu u baahnayn aqoon sare iyo tababar la qaato.

Dhakhatar aan aqoon lahayn wuxuu galaafan karaa naf qof buka. Sidaasi waxa la mid ah weriye aan aqoon lahayn, oo iska qora war been ah wuxuu keeni karaa waxyeello ballaadhan oo ku timaadda qof amma bulsho. Tusaale ahaan waxaad qortay ama sheegtay war aan sal iyo raad toona lahayn. Waxa ka dhashay iska horimaad dhexmaray dad shicib ah oo rumaysay warkaagii  iyo ciidamada dawladda waxa  ku dhintay tiro dad ah oo labada dhinacba leh.Yaa ka masuul ah dagaalka iyo dhimashada dhacday?

Jawaabtu way dhaawdahay oo waa adiga horaa loo yidhi” sheegaa ma dhaafto.” aakhirkana maxkamad ayaa lagula tiigsan. markaa waxa waajib ku ah weriye kasta in uu fahmo shaqadiisa si aanu waxyeelo u geysan, kuna shaqeeya xeerarka saxaafadda u dejisan kolba meesha uu joogo. Waa inuu haystaa nuqul ka mid ah xeereerka saxaafadda. waxa kale oo muhiim ah in aad qaadato liisamo ama ruqsada oggolaanshaha, waxaana bixin kara dawladda ama urur saxaafadeed oo diiwaangashan.

Shaqada weriyaha (duty of journalist)

Sida aan hore usoo sheegnay wariyuhu waxa uu qabanayaa sadex arimood

  • in uu dadka wax-baro
  • in uu dadka maaweeliyo
  • in uu dadka wargaliyo

Qodobkan labaad ee ah in dadka la maaweeliyo waa mid waayahan danbe aad u sii kordhaya waxa aad arkaysaa telefiishanno ka warramaya maaweelo kaliya,waxa ay ku badan yihiin yurub iyo maraykanka

Waxyaabaha caamka ah ee weriyaha laga rabo

  • Tegidda meeshii war ka jiro ama lagula balamay.
  • Baadhista wararka iyo ra’yiga kala duwan.
  •  kala saarista wixii sugan iyo xanta suuqa laysla dhexmarayo.
  •  waxa ay balansadaan  dadka ay wararka ka helayaan ee ay xidhiidhka la leeyihiin.
  •  in  wararka iyo sheekooyin ku salaysan xaqiiqda loo dhigo si la fahmi karo. wixii mugdi ku jirana laga saaro.
  • waa in la kala ilaaliyaa war-bixinaha  aad soo heshay iyo waxaa aad aaminsantahay. ka madaxbannee fikirkaaga, waxa aad meesha  u joogtaa in aad tabisid waxa aad aragtay ama maqashay.

Ilaha wararka( sources of news)

waa maxay ilaha wararka? Halkee warka laga helaa?

Weriyayaasha waxa ugu weyn ee ay qabtaan waa inay raadiyaan wararka iyo faahfaahintooda. Qof kasta oo u shaqeeya hayad saxaafadeed, waxa looga baahan yahay in uu sheego wuxu arkay ama maqlay.

Guud ahaan ilaha wararka waxa loo qabiyaa ilaa seddex iyo toban(13) qodob.

1)    Goobjoogayaasha( eye-witnesses)

2)    Dadka aad xidhiidhka la leedahay(contacts)

3)    Weriyeyaasha madaxa bannana(freelances)

4)    Wakaaladaha wararka(news agencies)

5)    Warsaxaafadeedyada(press releases)

6)    Shirarka jaraa’id(press conferences)

7)    Warbaahinta kale(other media)

8)    Adeegyada gargaarka degdegga ah(emergency services)

9)    Dadka kale (readers, listeners and viewers)

10)   Internet-ka (the internet)

11)  Warbixinaha dawladda (government reports)

12) Warbixinaha hayadaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah (local and international NGO’S).

13)  Waxyaabaha balaf lagu maqlo (tip-offs).

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Xeeladaha Saxaafadda (2010)…….Cali Cabdi Coomay

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories