HomeSuuriya Oo Sii Daysay Nin Lagu Maransan Yahay Shaqadiisa Oo Maraykan Ah...

Suuriya Oo Sii Daysay Nin Lagu Maransan Yahay Shaqadiisa Oo Maraykan Ah Sadex Sano Kadib

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Suuriya(Slpost)-Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa sheegaysa in dowladda Suuriya ay siidaysay muwaadin Mareykan ah oo la qabtay lana xiray isagoo galaya dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ninka la aqoonsaday oo la yiraa Kevin Patrick Dawes.

Mr Dawes ayaa la waayay kaddib markii uu Suuriya ka galay Turkiga sanaddii 2012.

Wararka qaar ayaa ninkaasi ku tilmaamaya inuu ahaa sawir qaade madax bannaan, kuwa kale ayaa waxa ay leeyihiin waa qof sodcaalka jecel, kuwa saddexaadna waxa ay leeyihiin waxa uu ahaa dagaalyahan iskii socod ah oo xitaa mar hubka la qaaday maleeshiyaadka Liibiya.

Afhayeenka wasaaradda Mark Turner ayaanan xaqiijin huwiyadda qofka arrimo la xiriira xogtiisa shakhsiyadeed, hasayeeshee waxa uu ku tilmaamay qof xabsi ku jiray oo aan la afduuban, waxa uuna sheegay in uu rumaysan yahay in lagu sii daayay gudaha magaalada Dimishiq.

 

Saraakiisha Jamhuuriyadda Czech, oo wakiil ka ah danaha diblumaasiyadda Mareykanka ee Suuriya, ayaa gacan ka gaysatay xaqiijinta sii daynta ninkaasi, Mr Turner ayaa sheegay in sidoo kale Ruushku uu dowr ku lahaa sii dayntiisa.

Waxa uu sheegay in Washington ay weli isku dayayso sidii ay xog uga heli laheyd badqabka iyo halka ay ku sugan yihiin weriye Mareykan ah oo lagu magacaabo Austin Tice iyo tira aan la garanayn oo kale oo u dhalatay Mareykanka laguna la’yahay gudaha waddanka Suuriya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories