HomeSunta Ku Jirta Sigaarka Iyo Helisteeda

Sunta Ku Jirta Sigaarka Iyo Helisteeda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Kiimikooyinka ku jira sigaarku waxay ka kooban yihiin afar kun (4,000) oo kiimiko, laakiin waxa la yaqaan konton ka mid ah oo halis badan kuwaaso sababa noocyada kala duwan ee kansarka dadka ku dhaca. Kiimiyooyinkan intooda badani waa sun khatarta badan. Way sii kala halis badan yihiin. Waxaynu soo bandhigi doonaa kiimikooyinka ugu khatarta badan.

25-ka Sumood ee ugu khatarta badan

v  Benzene:waa maado kiimiko ah oo bilaa midab ah oo laga helo dhuxusha iyo batroolka. Waxay si fudud ugu milanta shidaalka. Suntan waxay dishaa dhuuxa lafaha iyo unugyada dhiiga cas sida. Sidaa darted qof sigaar cabka ah haddii meel laf ahi jabta waxay ku kabtantaa muddo ka badan intay

ku kabmayso qofka aan sigaarka cabin.

v  Formaldehyde:waa sun halis badan, waxa mariyaa meydka  si aanu isu-bedelin. Waxay kiimikadani dhaaawac weyn gaadhsiisaa dareemayaasha ku aroora maskaxda iyo laf-dhabarta.

v  Embalming Fluid:waa maado kiimiko ah oo dareere ah, waxay caan ku tahay oo ay keentaa kansarka sambabka. Waxay maqaarka ka kaxaysaa midabka dabiiciga ah, waxa kale oo ay khalkhal ku ridaa marinada neefsiga iyo indhaha\

v  Ammonia:waa sun khatar weyn oo urta, buuriga ayay gaar u bedeshaa. Waxay keenta cuno xanuun qufac iyo balqan joogto ah. Waana sababta inta badan ay qufac iyo xaako ku dhacdo qofka sigaar cabka ah.

v  Toilet cleaner:waa maado lagu qalajiyo dareeraha. Waxay keentaa dawkhaad joogta ah iyo madax xanuun.

v  Acetone:waa sun halis wixii lagu daro waxay ka dhigtaa Milan. Waxay sababtaa madax xanuun, xabeeb iyo hungaaco marmar.

v  Tar:waa maado sun ah oo midab madow ah samaysa. Waxay toos ugu muuqataa amma ku sawirantaa sambabka qofka sigaar cabista caadaysta. Waxay sababtaa marinka neefsiga, sambabada oo barara, xiiq, socodka oo qofka dhiba. 70% ayay toos u saamaysaa sababka, aakhirkana waxay keentaa kansar.

v  Nicotine:waa maada kiimiko ah, waaa maadada ugu saamaynta badan kiimikooyinka ku jira sigaarka. Waxay keentaa inuu qofku ku walfo sigaar cabista oo uu caadaysto islamarkaana u diida inuu iska daayo sigaarka. Waxay toos saamaysaa maskaxda qofka, taasina waxay keentaa inuu si joogto ah ula qabsado sigaar cabista. Maadadani waxay maskaxda ka dhigtaa firfircooni, farxad iyo qanasanaan. Haddii qofku sigaar waayo wuxuu dareemaa caajis, wehsi iyo walbahaar. Nicotine waxa kale oo ay sababtaa inuu kor u kaco heerka dhiig. Taasina waxay keentaa in sonkortii ku keydsanayd unugyadu ku soo shubanto dhiiga, ka dibna qofku aanu doonin inuu wax cuno. Arrintani ayaa inta badan dadka ku keenta caato. Waana sababta inta badan dadka sigaar cabka ahi u dhuuban yihiin.

vCarbon Monoxide:waa sun neef ah oo khatar badan, waxay isku mid yihiin qiiqa ka soo baxa gaadhiga marku istaadhan yahay. Wuxuu dhaawacaa neefta la qaato (Oxygen) ee jidhka loo qaybinayo maskaxda, wadnaha iyo xubnaha jidhka

v  Arsenic:waa maado khatar ah oo lagu laayo jiirka. Waxay xanuun ku ridaa midhicirka yar, kalyaha, dheefshiidka, dhiig la’aan, xiiq, xubno barar ,qufac iyo kansar. Waana maadada labaad ee ugu khatarta badan.

v  Pesticides:waa suntan lagu laayo cayayaanka Beeraha ku dhasha. Waxay sababtaa dhawakhaad iyo wadno xanuun.

v  TSNAS: (Tobacco-N-Nitro samines)waa maado sun ah oo sigaarka laga helo. Waxa keenta shuban iyo calool xanuun.

v  Hydrogen cyanide:waa sun dadka markaba disha. Waxa si weyn u isticmaali jiray Naazigii Garmalka. Waxay ku layn jireen dadka ka soo horjeesta fikirkooda.

v  Cadmium:waa maado laga sameeyo Baytariyada, waxay keentaa Kansar iyo kalyo fadhiisi.

v  Chromium:waa sun laga sameeyo rinjiga waxay dishaa hido sidaha dadka (DNA Killer).

v  Nitrogen Oxide: waa qiiqa ay sii daayaan warshadaha iyo mashiinada laydhku. Waxay keena inay xidhmaan neef-mariinka sambabka.

v  Acetaldehyde:waa maado ku jirta xabadta kabaha waana sun. waxay xidhaa labada Tuyuub ee sambabka hawada ka soo qaada.

v  Acrolein:waa maado lagu buufiyo Bakhaarada si ay u layso xasharaadka. Waxa laga qaadaa indho la’aan iyo qufac dheer oo marka dambe isu-roga Qaaxo.

v  Aminonaphthalene: waa maado sun oo keenta Kansarka kaadi haysta ku dhaca. Waa laga mamnuucay warshadaha wakhtigan.

v  Butyraldehyde:waa maado khatar badan oo dhaawacda xidida sambabka iyo sanka oo ay urta ka disho.

v  Lead: waa maado sun ah. Waxay dhaawacdaa dareemayaasha maskaxda, kalyaha iyo qaybta taranka dadka.

v  Resorcinol: waa sun khatar badan, waxay bedeshaa midabka diirka sare ee maqaarka dadka. Waxa loo isticmaal marka bacda la isku-dhejinayo.

v  NNN, NNK and NAT:waa saddex maado oo halis weyn keena, waxay burburiyaan biyaha dhalmada ee Ragga. Waxa kale oo ay keenaan Kansarka sambabka.

v  Phenol: waa sun si too sh u dhaawacda hab-dhiska dareemayaasha dhexe(Central Nervous System) waxay khalkhal ku abuurtaa xidida ku aroora wadnaha, taaso wadnaha ku keenta inuu shaqadiisu diciif noqoto.

v  Toluene:waa kiimiko sun ah waxay sababtaa dawakh, xusuusta oo lunta, diciifnimo xaga tamarta ah iyo qofka oo u socda sidii mid sakhraansan.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Baadhis iyo Xog-Ururin

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories