HomeSuldaanka Guud ee Subeer Awal oo si weyn Loogu soo Dhoweeyey Gobolka...

Suldaanka Guud ee Subeer Awal oo si weyn Loogu soo Dhoweeyey Gobolka Gabiley, Taageero Buuxdana u muujiyey Shirweynaha Beelaha Sacad Muuse

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)- Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa soo dhaweyn diirran kala kulmay shacabka magaalooyinka, Wajaale, Kalabaydh iyo Gebilay oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gebilay, kadib markii maanta uu ka soo noqday safar uu ku tagay wadanka Ethiopia.

Shacabka gobolka Gebiley oo aan u kala hadhin, madax-dhaqameedyo, siyaasiyiin, xildhibaanno, waxgarad, dhalinyaro iyo haween, ayaa suldaanka kaga hortegay duleedka galbeed ee magaalo-xuduudeedda Wajaale.

Suldaanka oo ay galbinayaan boqollaal qof oo watay baabuur tiro badan, ayaa degmada Wajaale uga sii gudbay dhinaca magaalada Gabiley, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen masuuliyiinta dawladda iyo dadweynaha magaaladaas oo aan u kala hadhin qaabilaadda Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal.

“Si weyn baan idiinka mahad celinayaa, taariikhda ayay ku qormaysaa maanta, maanta waa maalin taariikhiya, IlLAAHAY ha idinka abaal mariyo baan idin leeyahay dhamaanba shacbi weynaha gobolka Gebilay iyo gudigii qaban-qaabada shirka Sacad Muuse ee howsha waday ee maanta iyaga laftigoodu, Hargeysa iska soo abaabulay,” ayuu Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan ku yidhi dadkii tirada badnaa ee soo dhawaynta ka qayb galay oo uu meel fagaare ah kala hadlay.


Suldaanku waxa kale oo uu caddeeyey inuu si buuxda u taageersan yahay shir-weynaha Hoodaale ee Beelaha Sacad Muuse ee la filayo inuu dhawaan ka qabsoomo deegaanka Geed-deeble ee duleedka Caasimada Hargeysa, , kaas oo qaban qaabadiisa laga dareemayo dhamaan deegaanada beesha, waxaannu shirkaas uu u rejeeyey inay ka soo baxaan go’aamo guul u noqdo guud ahaan dalka Somaliland.

suldaan-xasan

Dhinaca kale, Suldaan Xasan  wuxuu shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay xoogga saaraan ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida waddanka inta lagu gudo-jiro diyaargarowga iyo dabbaaldegga xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May oo ku beegsan Sabtida soo socota.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa xaalad caafimaad ugu maqnaa wadanka Itoobiya, gaar ahaana magaaladaDiridhaba, ka hor intii aanu maanta dalka dib ugu soo noqon.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories