HomeSuldaanka Guud ee Somaliland oo Taageeray Go’aankii Guddiga Horumarinta iyo Salaadiinta Sacad...

Suldaanka Guud ee Somaliland oo Taageeray Go’aankii Guddiga Horumarinta iyo Salaadiinta Sacad Muuse Murrashaxnimada ugu Xuleen Muuse Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa taageeray, soona dhaweeyey go’aankii dhawaan guddiga horumarinta ee shirkii Hoodaale iyo salaadiinta beesha Sacad Muuse murrashaxa xilka madaxtinimo ee xisbiga KULMIYE kadib Madaxweyne Siilaanyo ugu xuleen Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, kuna reebeen wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda oo hore u shaaciyey inay jagadaasi u tartami doonaan.

qqSuldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay Hargeysa maanta, waxa uu sheegay inuu taageero buuxda u hayo go’aankaasi oo ah mid xal u noqonaya muran daba-dheeraada, isagoo xusay in Guddoomiye Muuse Biixi yahay ninka ugu mudan murrashaxnimada xisbiga kadib Madaxweyne Siilaanyo.

“Anigoo ku hadlaya magaca beelaha Somaliland, ahna suldaanka guud ee beelaha Somaliland, waxaan taageero buuxda siinayaa go’aanka ay gaadheen guddigii shirkii Agabar ee beesha Sacad Muuse, waxa kale oo aan taageerayaa go’aanka salaadiinta beesha Sacad Muuse ku qaateen inay taageero buuxda siiyaan murrashaxnimada Mujaahid Muuse Biixi ee Madaxweyne Siilaanyo kadib, waayo Mujaahid Muuse Biixi runtii dalka aad buu ugu soo halgamay.

Guddiga iyo salaadiintaba waan ku hambalyeynayaa go’aankaasi, sababta oo ah intii muran dambe iman lahaa halkaasi ha ku hadho, labada nin ee la reebayna (Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda) waad ku soo boodeene Muuse wuu idinkaga soo horreeyey ee hambalyada siiya oo ku taageera, waayo Muuse Biixi min jabhad, dawladdii Cigaal oo wasiir ka ahaa meeshuu soo fadhiyey ilaa tii Rayaale oo uu ahaa ninkaa xisbiga hoggaaminayey, xisbigii Rayaale ee UDUB ninkii baabiiyey Muuse ayuu ahaa, xumaana may ahayn ee tartankii xisbiyada siyaasad ahaan ayuu xisbigaasi dadkiisii kaga soo kaxaystay, taana hambalyo ayuu ku leeyahay,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir, waxaannu intaasi raaciyey isagoo ka hadlayey labada wasiir ee laga reebay Muuse Biixi, “Samaale waa Wasiirkii Maaliyadda oo waxqabadkiisu ma xuma, iminka haddii laga reebay Muuse doorka dambe ayuu iman doonaa haddii Alle nafta ku simo. Maxamed Biixi waa nin diblumaasi hore oo Qaramada Midoobay iyo safaarado badan ka soo shaqeeyey, waa nin khibrad leh, laakiin waxaan leeyahay kol haddii beeshu maanta ku joojisay, inaad gacan ku siisaan mooyee inaad ka hadashaan waan idinkala dardaarmayaa.”

Waxa kaloo suldaanku meesha ka saaray in la yidhaa madaxdhaqameedku ma dhexgali karaan arrimaha siyaasadda, isagoo sheegay in aannu guul gaadhayn siyaasiga aan taageero ka haysan madaxdhaqameedku, waxaannu yidhi, “Salaadiintu siyaasadda way ku jirtaa, talada reerka haddii ay siyaasad ama dhaqaale iyo horumar tahay lama odhan karo ninka madaxdhaqameedka ah ka joog, waayo ninka dadka u keenaya siyaasiga waa madaxdhaqameedka, haddaanad kalsoonida madaxdhaqameedka haysana meelna gaadhimaysid, anigu taas ayuun baan u sheegayaa dadka.”

Dhinaca kale, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa ammaana ballaadhan u jeediyey Madaxweyne Siilaanyo oo uu xusay inuu dalka ka sameeyey waxqabad wayn oo aanay jirin cid ka horreysay oo samaysay, isla markaana waxa keliya ee dhiman yahay wax-soorka khayraadka dhulka ku jiro, “Madaxweynaha waxaan kula dardaarmayaa waxqabadkaagii aragnay ee wax-soo-saarkii dhulka ayaa inoo hadhay sida macdanta, shidaalka iyo khayraadka kale, ummadda indhahoodu adiga ayuun bay ku soo eegayaan, itaa mooyee wax allaale iyo wax maanta noo hadhsani ma jirto. Qolada telefishannada ka leh xafiisyo ayuun baa lagu meeraysanayaa, xafiisyadu waa qalbiga ummadda, haddii aad cooshad iyo cariish aad tidhaa waa ii xafiis yaa kuugu imanaya ee ugu soo hagaagaya,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories