HomeSuldaanka Guud ee Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelo Walaalo ah...

Suldaanka Guud ee Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelo Walaalo ah Oo Ku Dagaalamaya Gobolka Sool

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Baaq nabadeed u diray Beelo walaalo ah oo ku dagaallamaya deegaanka Ceelka Dhabar-dalool oo ka tirsan Degmada Xudun ee Woqooyi-Bari ee gobolka Sool.

blank
Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed

Dagaalka labada Beelood ee Walaalaha ah ku dhex-maraya Ceelka Dhabar-dalool, waxaa Khamiistii shalay ku dhintay 10 Ruux, halka ay Dagaalka Jimcihii maanta dhacayna ku dhinteen 17 Qof, iyadoo tirada guud isku noqonaysa 27 Dhimasho ah iyo Dhaawac intaas ka badan, kuwaas oo lagu soo warramayo inay isku dilayaan Biyaha Ceelkaas, iyagoo marar hore oo dagaallo dhex-mareenna la heshiisiiyey oo aano qabiil ka dhaxayso.

Suldaan Daa’uud oo Khadka Taleefanka ugu warramay Weriye Mustafe-Jannaale, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Maalmo khayr badan oo Bilawga Bisha Barakaysan ee Ramadaan lagu jiro Dhiig Islaam la daadiyo, waxaanu ku baaqay in la joojiyo Dirirta, isla markaana waxa laysku hayo wadahadal iyo geed nabadeed lagu dhammeeyo.

“Waxaan aad uga xumahay dirirta Beelaha walaalaha ah ee Reer Somaliland ku dhex-maraysa deegaanka Ceelka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun ee gobolka Sool. Waxaan u Ducaynayaa Dadka halkaas ku dhintay in Allaah naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Samir iyo iimaan Saadiq ahna dhammaanteen iyo Qoysaskii ay ka baxeenba ka siiyo, inta ku dhaawacantayna Allaah caafiyo. Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo Dagaalkaas Maalmaha Bisha Barakaysan ee Ramadaan aynu ku jirno halkaas ka dhacay.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Daa’uud.

Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray; “Waxaan u soo jeedinayaa Waayeelka, Wax-garadka, Salaaddiinta, Cuqaasha iyo Siyaasiyiintaba, in dagaalkaas sidii loo joojin lahaa loo guntado. Beelaha walaalaha ah waxaan u soo jeedinayaa inay joojiyaan dagaalka oo aan dhiig dambe daadan, isla markaana wax kasta oo laysku hayo lagu dhammeeyo wadahadal iyo geed nabadeed oo la isugu yimaaddo, oo caqligu shaqeeyo ee aanu qorigu shaqaynin. Daggaal Wiil baa ku dhinta ee Wiil kuma dhasho, waxaan ku celcelinayaa in la joojiyo dirirtaas Dadka walaalaha ah ee Wiil iyo Abtigii iyo Wiil iyo Adeerkii ah u dhexeeya.” Ayuu yidhi Suldaan Daa’uud.

Suldaan Daa’uud waxa uu Allaah uga beryey guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaanna dadka reer Somaliland, inuu Allaah ka dulqaado Cudurka Covid-19 iyo Abaaraha Bulshada Miyiga aadka u saameeyey bilihii u dambeeyey.

“Allaah waxaan Somaliland iyo Ummadda Islaamkaba uga baryayaa inuu innaga dulqaado Cudurka Covid-19 ee dalkeenna iyo dunidaba ku soo laba kacleeyey oo saamayn badan ku yeeshay guud ahaan Dunida. Allaah waxaan ka baryayaa inuu Abaaraha innaga dulqaado oo Raxmaadka Gu’ga innoo shubo, dagaalladana innaga qaboojiyo. Horumar iyo Barwaaqo ayaan innoo rejaynayaa iyo in Allaah Bishan Bisheeda innagu gaadhsiiyo, Nabad, Barwaaqo, Horumar, Midnimo iyo Caafimaad. Bisha Barakaysan ee Ramadaanna Allaah khayrkeeda ha inna siiyo, Cibaadada, Alla ka Cabsiga, Soonka iyo Baryada Illaahayna aynu ku dedaalno.” Sidaa ayuu yidhi Suldanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories