HomeSuldaanka guud ee beelaha Subeer Awal, iyo madax dhaqameedka Sacad Muuse ...

Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal, iyo madax dhaqameedka Sacad Muuse oo guddoomay go,aamada ay soo saartay guddiga turxaan bixinta khilaafkii qabsoomidda Shirka beesha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost) – Madax dhaqameedka beelaha Sacad Muuse, ayaa taageeray go’aankii ay soo saareen guddidii khilaaaf saarka ee beesha, waxaanay  sheegeen inay gudoomeen dhamaan qodobadii halkaasi ka soo baxay.

Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi iyo madax dhaqameedka beesha Sacad Muuse oo shalay shirjaraa’id ku qabtay hotel African Villige ee magaaladda Hargeysa,  ayaa sheegay inay gudoomeen qodobadii ay soo jeediyeen guddii Sacad Muuse ee uu isagu u xulay inay soo afjaraan khilaafka oo hawl adag ka galay isku soo dhoweynta beesha Sacad Muuse.

Sidoo kale Suldaanku wuxuu sheegay inay hawsha sii waddi doonto gudidii hore ee hawsha waday, isla markaana wixii lagu biirinayana madax dhaqameedku ku soo dari doonaan, haseyeeshee wuxu ku baaqay in cidii cabasho muujisana ay toos ula soo xidhiidhaan suldaanka guud ee beesha.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ugu horeyn ka hadlayey go’aamaddii ka soo baxay guddida khilaaf saarka beesha Sacad Muuse ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Guddidii aan magacaabay ee soo saaray go’aankii  soo jeedinta ahaa aad bay u shaqeeyeen waa rag magac weyn ku leh bulshada dhexdeedda waana odayaal hal door ah, aad baan ugu mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay hawsha usoo dhameeyeen, tallooyinkii aysoo jeediyeen waanu qaadanay kow qodobka odhanaya in shirka Agabar laga dhigo, Agabar  waa deegaan ay beesha Sacad Muuse degan tahay, waxa kale oo gudoon ah oo iyaduna meesha taal inuu madax dhaqameedku hogaamiyo shirka oo aan gudoomiyahoodii ahay, salaadiintiina i ag fadhiyaan suldaanadii iyo ugaasyadii reerka oo dhaqanka reerka hogaaminaya waa gudoonay, waxa kale oo aan gudoonay wada tashi iyo iskaashi inuu dhaco, wakhtigii iyo baaqii hore loo sheegay ayuu dhacayaa, guddidii hawshan waday ee inta badan ku soo jiray waa inay sida ugu dhakhsiyaha badan halkan (Agabar) ugu soo wareejiyaan, odayaashii guurtidda ahaa ee aan xilka u saarayna aad baan ugu mahadcelinayaa, Salaadiintu way mahadsan yihiin, maadaama oo soo jeedintii warbaahinta gashay in gudoonkuna warbaahinta galo ayey noqotay si shacabkayagu guddo iyo dibad wax u fahmaan, shirkuna wuxuu qabsoomayaa wakhtigiisii.  Cidi cabasho wadana waa inay si toos ah igu yimaadaan ayaan leeyahay, guddidaasi aan xilka marka horaba u saaray waan u ducaynayaa xilkaasi ay guteen, gudiddii qabanqaabada ee shirkii hore  ee Geed Deeble ee mudada gacanta ku hayeyna waxaan leeyahay halkaasi ayaad hawshii u bedelaysaan oo ka wadaysaan, cidii dambe ee gudiyada lagu buuxin doonana dhaqan ahaan ayay noo yaalla hadiii alle ka dhigo, waxaan u mahadnaqaya salaadiinta beesha iyo waxgaradka oo door muhiim ah ka soo qaatay”

Suldaan Xasan

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay suldaanada iyo ugaasyada beesha Sacad Muuse oo cadeeyey inay si buuxda u taageerayaan soo jeedintaasi, isla markaana hawsha uu gudoomiye ka noqon doono gudoomiyaha madax dhaqameedka Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi.

Dhinaca kale, waxa iyaguna go’aankii sagaalka qodob ka kooban  ee ay soo saareen guddidii khilaaf saarka beesha Sacad Muuse taageeray guddidii kale ee doonayay in shirka laga dhigo Arabsiyo, waxaanay sheegeen inay si buuxda u taageerayan khilaafkasi la soo afjaray.

Sidaasna Waxay ka sheegeen shirjaraa’id oo ay ku qabteen hotel Maansoor ee magalaadda Hargeysa, waxaana ragii ka hadlay ka mid ahaa Axmed Maxamed Cumar oo ka mid ahaa guddidii midaynta beelaha Sacad Muuse, waxaanu yidhi  “Guddidii odayaasha ahaa ee xalin saarka khilaafka Sacad Muuse ee mudada dheer arrinkoodu taagnaa, maadaama oo aanu ahayn qayb ka mid ah dadkii isku hayey shirka iyo sida loo qabanayo waxaanu u mahadnaqaynaa guddidaaasi hawsha gashay wakhtiga iyo hawsha adag ee ay galeen, waxaan leeyahay sidaad hawshaa ugasheen mahadnaqeeda waad heli doontaa, abaalkeedana waad heli doontaan, nimankaasi  odayaasha ah oo iskugu jiray culimada iyo waayeelkaba maalintii ay nala kulmeen ayaanu u sheegnay inaanay jirin dad ka mudan oo hawshaasi gali kara, waana u mahad celinaynaa, guddidaasi go’aamadda ay soo saareen waanu ayidsanahay, waxaanu taageeraynaa inay shirkaasi hogaamiyaan madax dhaqameedka iyo cuqaasha oo ka madax banaan siyaasadda lagana wada hadlo dhaqan dhaqaale ee reerka, waan idinku raacsanahay”

Gudoomiyaha guddida midaynta iyo badbaadinta Sacad Muuse Mr:Abshir Axmed Xasan ayaa isna sheegay inuu taageray go’aamadaasi ay soo jeediyeen guddida khilaaf saarka beesha Sacad Muuse, waxaana ka mid ahaa hadalkiisa “Xafladan taageerada ah ee gudida badbaadinta iyo midaynta Sacad Muuse qabteen waxaanu ku taageeraynaa guddida khilaaf saarka ee Sacad Muuse, gudidaasi oo wax naga waydiisay arrintan waxaanu usheegay in wixii ay soo saaraan taageeri doono, waxaana ayidsanahay in xilkii ku wareejiyeen madax dhaqameedka iyo salaadiinta, waxaana jecelnahay in wixii jiray halkan ku soo afjaranto si midnimadii reerku u sii jirto, sagaalkaasi qodobna ee ay soo saarane waanu taageeraynaa.

Somalilandpost

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories