HomeSuldaanka Guud ee Bariga Sanaag oo Hungo iyo Weji-gabax kala Kulmay Cabdiweli...

Suldaanka Guud ee Bariga Sanaag oo Hungo iyo Weji-gabax kala Kulmay Cabdiweli Gaas, Xalay-na Guure kaga soo baxay Garoowe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Garoowe (SLpost)- Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga gobolka Sanaag Suldaan Siciid Cabdisalaan, ayaa la sheegay inuu weji-gabax kala kulmay socdaal siyaasadeed oo uu todobaaddadii u dambeeyey ugu sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland.

suldaan siciid cabdiraxmaanSuldaan Siciid Cabdisalaan oo ka soo jeeda saldannada Faca-weyn ee beesha Warsangeli isla markaana sannadihii u dambeeyey taageeradiisu u janjeedhay dhinaca maamul-goboleedka Puntland, ayaa ka mid ah madax-dhaqameed Bariga gobolka Sanaag uga ololeynayey doorashooyinkii baarlamanka iyo madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland, isaga oo taageero ballaadhan u muujiyey madaxweynaha ku guulaystay doorashada maamul-goboleedka Cabdiweli Gaas.

Warar aanu ka helnay magaalada Garoowe ayaa noo xaqiijiyey in Suldaanka iyo wefti uu hoggaaminayaa ay ku soo fool-leeyihiin deegaamadii ay markii hore ka tageen ee Badhan, Hadaaftimo iyo Laasqoray, ka dib markii ay hungo kala kulmeen taageero ballaadhan oo beeshiisu u fidisay Cabdiweli Gaas oo ay ku qawadeen tirada xubnaha uu mansab ahaan u siiyey golaha wasiirrada cusub ee uu shalay magacaabay, halka sidoo kale la sheegay inay ku qaniineed inuu u hoggaansami waayey ballan-qaad uu taageero badan kaga hantay wakhtigii doorashada isla markaana uu meesha ka saaray siyaasiyiin ay Suldaanka isku ogaayeen inuu mansab iyo xilal uga magaaabo xukuumaddiisa.

Warku waxa uu intaas ku daray in weftiga Suldaanka Guud ee beesha Warsangeli ay xalay guure kaga soo baxeen magaalada Garoowe, una soo xadhka-goosteen deegaamada Sanaag-Bari ee ay uga ololeeyeen madaxweynaha Cusub ee Puntland oo ay u arkeen nin gaadhay hadafkii uu lahaa, ballan-qaadkii uu la galayna uu ahaa mid uu uga dan lahaa inuu kursiga madax-tinimada gacanta ku dhigo.

Madaxweynaha cusub ee Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada madaxtinimada maamul-goboleedkaas, waxa uu socdaal taageero-doon ah ku yimi magaalooyinka Badhan iyo Hadaaftimo, isaga oo taageero ka helayey Suldaanka Guud ee Warsangeli Suldaan Siciid Cabdisalaan, waxaanu ololaha ku galay, dadweynaha deegaamadaas ugu khudbadeeyey inuu maamulkiisa hoos-geyn doono deegaamadaas isla markaana uu Somaliland ka xorayn doono wax uu ku tilmaamay dhulka ay xoogga kaga haysato maamul-goboleedka Puntland, kaas oo inta badan siyaasiyiinta maamulkaasi qaybo badan oo gudaha xuduudka Somaliland ah isir ahaan ku sheegta.

Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Cabdisalaan, ayaa tiraba dhowr jeer isku dayey inuu shir-beeleedyo lagu taagerayo Puntland iyo shirar Somaliland ka dhan ku qabto deegaannada Sanaag- Bari, haseyeeshee, hungada iyo weji-gabaxa uu kala kulmay madaxweynaha Puntland oo markii hore uu siyaasaddiisa taageersanaa, ayaa u muuqda inay ka run sheegayso faa’ido-darrada iyo khasaaraha ged-geddoonka siyaasadeed ku keeni karaan deegaanka iyo bulshada ay hoggaankooda hayaan madax-dhaqameedka gobolladaasi.

XIGASHO: Wargeyska Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories