HomeSuldaan Xiirey: "Salaaddiinta Cusub Waxa Aan Leeyahay Wax Ka Barta Xaaji Cabdi"

Suldaan Xiirey: “Salaaddiinta Cusub Waxa Aan Leeyahay Wax Ka Barta Xaaji Cabdi”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

suldaan xiirayAf-hayeenka Salaaddiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa ka warramay aqoonta ay qoys ahaan iyo qof ahaan isu leeyihiin iyo arrimo ay wada xalliyeen Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) sidoo kale salaaddiinta Somaliland ee ku cusub saaxadda dhaqanka ugu baaqay inay wax ka bartaan Xaaji Cabdi oo ruug-caddaa u soo joogay sooyaal mug leh, isaga oo tilmaamay inuu isaga qudhiisu guntay talooyin uu Xaajigu siiyay.. Sidaasna waxa uu Suldaanku ku sheegay mar la weydiiyay erey-maamuus lagu daranayo dhiganaha SAMO-TALIS oo xambaarsan taariikhda Xaaji Cabdi Xuseen..

Suldaan Yuusuf waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Horta haddii aan ka warramo taariikhda Xaaji Cabdi Xuseen ma aha mid meel lagu soo koobi karo, laakiin haddii aan taabto meelaha muhiimka ah Xaaji Cabdi waxa ay saaxiib ahaayeen awoowgaygii labaad (Cilmi Cawad) sida uu Xaajigu ii sheegay oo ay arrin iyo talo wada galeen. Markaa waa nin Ilaahay cimriga u raajiyay, waddankeennana ku leh sharaf iyo qiimo, Eebbe waxa aan ka baryayaa inuu aakhiro-na jannada geeyo cimriga inta u hadhayna caafimaad ugu dhammeeyo intaasi waa iga duco.

Haddii aan ka iftiimiyo aniga iyo Xaajigu xaajooyin badan ayaanu wada galnay sida berigii beeluhu ay ku dagaallameen Darroor, Xaajigu maalintaa wuxuu ahaa raggii nabadda nagula taliyay waxaanu nagu yidhi “Haddii boqol nin dhintaan ama kun nin dhintaan, reerkiinnana ha ka dhintaane adigu nabad uun ka shaqee” maalintaa hawshaanu u kacnay Ilaahay waa nagu guuleeyay, iyada oo ay laba boqol oo nin dhinteen ayaanu shaqaaqadii nabad ku dabbaalnay. Dhacdooyin kale oo mag ah, nabad-gelyada ah oo bulshada ah ayaannu wada galnay arrintii Qoton ayaa ka mid ahayd ee 1996-kii dhacday. Waa kuwaa reerihi wada yaalla amuurtaasna nabad ayaannu ku idlaynnay.. Arrin ka dambaysay oo Ina Igarre ahaydna xasilloonni ayaanu ku af-jarnay.

Waxa kale oo aan intaas ku darayaa, aniga markii xilkii saldanadda la ii doortay Xaajigu saddex qodob ayuu igula taliyay, ka koowaad waxa uu igu yidhi “Weligaa nidaam dawladeed oo jira ha ka hor imanin ee ilaali, waayo intan yar ee jirta haddii aad dumiso inaad in kale dhisi Alle ayaa og”. Qodobka labaad waxa uu igu yidhi “Dadka marka cumaamad la saaro wuu yaacaa oo Koonfur ayuu tagaa, bulshadaada ha ka horreynin, waxa ay bulshadaadu rabto la doon”. Qodobka saddexaad waxa uu igula dardaarmay “Weligaa haddii aad timaaddo meel wax ka dhaceen adigu nabad uun ka tali”. Saddexdii qodob ee faa’iidada ahaa ahaa waan qaatay. Waxa kale oo igu yidhi “Boqornimada ma adiga ayaa doonta mise tolkaa ayaa kula damcay”, waxa aan ku idhi “Tolkay ayaa ii gartay”.. Imtixaan ayuu iga qaadayoo waxa uu Xaajigu yidhi “Qodobkii aan kula doonanay waad buuxisay”

Xaajigu wuu joogaa waad weydiin kartaa wuxuu yidhi “Xaaji Xuseen Warsane Wey doo Chief Caaqil iyo guurti ahaa (oo aniga Suldaan Yuusuf awoow ii ahaa) ayaa anigoo yar oo carruura ayaan caaqil noqday isaga ayaan talada ka qaatay, ee adna qaado tayda”. Markaa waxa wanaagsan ninku marka uu da’yar yahay ee uu talada soo galo inuu ragga ka waaweyn talada ka qaato. Soomaaliya, Afrika iyo Geeskaba waxa aynu dheernahay Xaaji Cabdi. Dadka Somaliland u dhashayna sharaf iyo maamuus ayuu ku leeyahay, waxa uu shacbiga ugu fadhiyaa dhaqan, milge, qiime badan iyo odaynimo. Xaaji Cabdi waa qaamuuskii ay ummaddu wax ka akhrisanaysay ee ay dib ugu noqonaysay. Weliba waxa aan Alle ka baryayaa in aannu ka dhaxalno dhaqan iyo taariikh mug leh.

Salaaddiinta cusub ee maanta faraha badan waxa aan leeyahay “Soo mara Xaaji Cabdi” waayo waxa la dooranayaa nin reer magaal ah, nin qurbe-joog ah iyo mid aan dhaqanka aqoon badan u lahayn. Ilaahayna dhammaanteen ha inaga dhigo kuwii wax ka qaata. Gabagabadana cisi iyo wanaag ayaan shacbiga Somaliland u rejaynayaa.

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Siciid Maxamuud Gahayr

 saedmgahair@hotmail.com

Maamuulaha Maroodi-jeex Schools

Hargeysa 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories