HomeSuldaan Xiiray oo ka Waramay Deegaanno ay ka Jirto Xaalad Caafimaad Darro,...

Suldaan Xiiray oo ka Waramay Deegaanno ay ka Jirto Xaalad Caafimaad Darro, Xukuumaddana ku Canaantay in Shaqadii ay Bulshada u Haysay kaga Mashquuleen Hudheello

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost) Afhayeenka Salaadinta Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa ka hadlay baahi caafimaad oo ka jirta Dagmooyinka SaboWanaag Iyo Cadaadley oo uu dhawaan Booqday.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray ayaa sheegay in degmooyinkaasi ay ka jirto baahi dadku u qabaan adeegyadii caafimaadka waxaana uu yidhi “Waxan Doonayaa in aan maanta ka hadlo dhawr qoddob oo khuseeya caafimaadka Dagmooyinka Sabo-Wanaag Iyo Cadaadley  oo muddooyinkii u dambeeyay la moodo in ay liidato, labadaa dagmo ee aan soo sheegay ma laha wax ambalaas ah ama gaadiidka gurmadka deg-dega ah oo hadday wax dhacaan lagu gurmado.

Suldaan xiiray oo ka hadlay sida ay dadka deegaanka u damaqday baahida ay u qabaan adeegyada bulshada gaar ahaana dhinaca caafimaadka ayaa yidhi:-“Sidoo kale dadka deegaanku waxa ay ii sheegeen in dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ay umul arooreen Afar dumar ahi waxaana u sabab ahaa ilaahay ka sokow in la waayay wax lagu soo qaado ilaa halka la yidhaa kaam ugaadh iyo labi-sagaal waxaan Wasaarada Caafimaadka Ka Codsanaynaa in degmooyinkaasi u diyaariso gawaadhidii ambalaasyada ahaa”.

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Deegaanka waxa ka dilaacay Shuban biyood Tuulada bali shire la yidhaa Hal qof ama ilmayar ayaa ku dhintay waxaanu leenahay xukuumada ha u gurmato dadkaas shuban biyoodku ka dilaacay Deegaanadoodii ay Daganayeen”.

Suldaan Xiiray Sidoo Kale waxa uu ka hadlay xaaluf balaadhan oo lagu hayo deegaanka kaas oo dhirtii la xagaafay waxaana uu yidhi  “Wasaaradda deegaanka waxaan ugu baaqayaa in ay wax ka qabato dhulkan la xaalufinaayo dhammaan dhulkii iyo dhirtii waxa laga shidayaa dhuxul waagii baryaba waxa laga buuxiyaa baabuur waraaddo ah taasna waxaan ugu baaqayaa wasaaradda deegaanka”.

Suldaanka oo si gaara farriin ugu diraya xukuumadda ayaa waxa uu yidhi “Adeer intaad ku meeraysanasaan hudheelo iyo ciidamo laamida la wadho waar dadkiinan wax u qabto Dadkani waa kuwaad ku noqonasaan hadhow markaad cod rabtiine”.

Suldaanka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey baaq uu u diray Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland:-“qoddobka aan ku soo gabagabaynayo waxa weeye xoolaha deegaanka waa ay xanuusanayaan gaar ahaan geela wasaaradda xanaanada xoolaha waxaan ka codsanaynaaa in ay tiim deg-deg ah u dirto deegaanadaasi”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories