HomeSuldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo Hadhi-sharafeed u sameeyey Suldaanka Ugu da'da Yar...

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo Hadhi-sharafeed u sameeyey Suldaanka Ugu da’da Yar Salaadiinta Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa maanta magaalada Hargeysa hadhi-sharafeed ugu sameeyey Suldaanka Beel0weynta Arab Sheekh Isaxaaq Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed.

Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar ayaa toddobaadkii hore loo caleemo-saaray xilka saldannada kaddib markii uu geeriyooday Aabihii Allah ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo toddobaadkii hore aas Qaran loogu sameeyey Hargeysa.

Hadhi-sharafeedka oo ku qabsoontay Hotel Maansoor ee Hargeysa, waxa ka qayb-galay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Salaadiinta Somaliland qaarkood, Madax-dhaqameed, wasiirro xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno, Siyaasiyiin, Mujaahidiin, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo marti-sharaf kale.

Salaadiin, Madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka hadashay munaasibadda ayaa ugu horeyn u duceeyey Allah u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ay ku tilmaameen shaqsi qiimo badan oo taariikh miisaan leh ku leh dhismaha Qaranimada Somaliland iyo xoojinta nabadda. Waxa ay sidoo kale u duceeyeen Suldaanka Cusub Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo Noqonaysa Suldaanka ugu da’da yar madax-dhaqameedka Somaliland.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa munaasibad sidan oo kale ah Axaddii shalay u sameeyey Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories