HomeSuldaan Xasan oo ka deyriyey Heerka Aafada Tahriibta dalka, Xukuumadda iyo Mucaaradkana...

Suldaan Xasan oo ka deyriyey Heerka Aafada Tahriibta dalka, Xukuumadda iyo Mucaaradkana Canaan u jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa shacabka iyo xukuumadda u soo jeediyey sidii gacan-bir ah loogu qaban lahaa aafada tahriibta ee saamaynta ku yeelatay dhalinyarada dalka, isla markaana tallaabo adag laga qaado shakhsiyaadka dhalinyarada u fududeeya tahriibka.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi waxa uu sheegay in aanay waxba u kala qarsoonayn bulshada Somaliland, cid kasta oo ku shaqo-leh hawlaha tahriibkana oo dalka u dhalatay la ogyahay haybtiisa iyo deegaankiisa, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay dadkaas ka qaaddo tallaabo lagu cashar-qaato oo bulshada ka xakamaysa aafada Tahriibta.

Suldaan XasanSuldaan Xasan oo waraysi gaar ah magaalada Hargeysa ku siiyey Radio Hilaac, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafaadka murannada siyaasadeed dalka ka abuura ee u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah, waxaanu si gaar ah uga hadlay muranka dhinaca doorashooyinka iyo sidoo kale dhammaystirka shuruucda loogu gogol-xaadhayo inay dalka ka qabsoomaan doorashooyink.

Ugu horeyn Suldaanka oo ka hadlayey dhibaatada tahriibta oo uu shacabka iyo xukuumadda ugu baaqay gacan bir ah in lagaga hortago, waxa uu yidhi, “Waa inay ka qaadaan tallaabooyin Cad-cad oo lagu soo afjarayo arrimaha Tahriibka, waayo waynu awoodi karaynaa, dad is-wada yaqaanna oo kursi ku wada-fadhiya ayaynu nahay, qof waliba wuxuu ka shaqeeyo waa la yaqaannaa. Qofka waxaas lagu tuhmo iyo gaadiidka lagu tuhmo waa inay xukuumaddu tallaabooyin cad-cad oo aanay ka soo waaqsanaynin oo tusaale u noqon doona qofka dambe ee xataa waxaas u soo hungurooda oo uu garto inuu meel khatar ah u foof-tagaayo.”

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan waxa kale oo uu ka hadlay diyaar-garowga doorashooyinka iyo sidoo kale muddo-dhammaadka guddiga doorashooyinka, waxaanu ka digay khilaaf hore leh oo xurgufta siyaasadeed ee mucaaradka iyo xukuumaddu ka dhex-abuuraan shacabka. “Komishanka Qaranka wakhtigiisu markuu dhammaado, waxay ka iman yihiin hay’ado soo magacaaba, haddii wax laga tabanayo baarlamaanbaa jira oo ay tahay masuuliyaddiisa in mashruuc sharci la soo sameeyo, haddii xeerkii hore wax laga beddelayo iyo haddii kaleba. Wax bisil inaan doorashooyinkaas ku gaadhno ayaa muhiim ah. Haddiibase iyada oo timaha sidaas laysku jiidanayo lagu gaadho, diiwaan-gelintuna aanay diyaar ahayn, shacbigu cidna ka aqbali maayo fawdo, shacbigan masaakiinta ah ee Illaahay marka horeba u gar-gaarayey, nin qooqan oo doobinaya ka aqbali maayo; ku sharci-darraan ku haysanayaa yidhaahda iyo ku sharci-darraan ku qabsanayaa midna shacbigani waa ka il-baxay. Nin waliba awdaalladiisa, shaqooyinkiisa iyo qoyskiisa ayuu ka fekerayaa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Suldaanku waxa uu xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka u soo jeediyey in aanay shacabka ku wareerin murannadooda sharci, balse looga baahan yahay siyaasad iyo nidaam-hoggaamineed oo wax-tar u yeeshay aayahay umadda.

“Caqliyadbaa hoggaanka lagu ogaa hadduu mid soo socda yahay ama mid jooga yahayba. Caqliyadda lagu ogaa waxay ahayd, waxay umadda u samaynayeen gidaar aan la dhaafi karayn. Waxaanu arkaynaa inaan wax horumar ah laga gaadhayn xaggii siyaasaddii. Muranka ma-dhalayska ahi waxba ma taro, nidaamka dawladeed ayaa wax-tar leh. Hadduu mucaaradku yidhaahdo halkaasaanu wax ka tabanaynaa, waxaasi cidday ku arooraysaa waa inay ka shaqaysaa hadday xeer-dejinta tahay. Xukuumadda laftigeedu iyadaa ugu war-war badan oo dalku bilaa dawlad ku dhici maayee, waxa loo baahan yahay inay iyadu fududayso wixii looga baahnaa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories