HomeSuldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir oo ka hadlay doorka Xukuumadda ee khilaafkii UCID...

Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir oo ka hadlay doorka Xukuumadda ee khilaafkii UCID iyo go’aanka Maxkamadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay Maxkamadda Sare ee Dalka Somaliland ka soo saartay khilaafkii Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, kaasoo uu Suldaanku ku tilmaamay mid loo macnaysan karo inay Xukuumaddu qayb ka ahayd.
blankSuldaan Maxamed waxa uu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo ay Shabakadda Hadhwanaagnews khadka Telefoonka ku siiyey xalay, waxaanu ugu horreyn hadalkiisa ku bilaabayaa bal sida uu arko go’aankii Maxakamadda sare waxaanu yidhi; “Waxa aan soo dhaweynayaa Go’aanka ay Maxkamadda sare ka soo saartay khilaafkii kala dhex yaalay labadda garab ee isku hayay ee xisbiga UCID.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi Qaadir, waxaanu intaasi ku daray in uu marar badan isku dayay sidii uu khilaafkaas xal ugu heli lahaa, waxaanu yidhi. “Anigu waan isku dayay in aan labada garab ee isku hayay xisbiga UCID isugu yeedho, laakiin labadooduba waxay ku adkaysteen in ay Maxkamadi kala saarto, xukunkaasna anigu waxaan u arkaa in uu yahay mid helay waddadiisii. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare wakhti hore kiis uu ka qaaday gobolka Saaxil kumuu socon mid Madaxtooyo iyo mid kale toona socon ee tii sharciga ahayd ayuun buu qaaday, markaa ninkan Guddoomiyaha Maxkamada sare ee waa nin sharcigiisa iyo mabda’iisuba ay cad yihiin, sababta loogu doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda sarena waa sumcad, waana nin ka adag shaqadiisa, shuruucda iyo qawaaniintana yaqaanna, waxaanan anigu u arkaa in uu yahay gantaal helay meeshiisii in uu ahaa.”
Mar Suldaan Maxamed la weydiiyay ka dib markii uu isku dayay in uu khilaafka Xisbigaasi dhexdhexaadin ka galo in uu jiray garab is hortaagay ama qaaddacay waxa uu yidhi; “Horta aniga garabna ima diidin, laakiin mid waliba waxa uu u arkayay in arrintiisa Maxkamaddu ka garnaqdo mooyaane aan xal kale loo helayn, Maxkamaddaas dastuuriga ahi in ay kala saari karto oo shuruucda xisbiyadana haysa, markaa maan sii cadaadin.”
Suldaanka oo la weydiiyey sida uu u arkay dareen ay shacabka reer Somaliland qaarkood ka bixiyeen hadal uu kaga hadlay wakhtigii uu taagnaa khilaafka UCID, waxa uu ku jawaabay; “Horta bani-aadamku in ay wuxuun iska fasirtaan baa jirta, markaad igu aragto in wax burburkiisa labada garab aanay isu dambaynin, ee labadan garab iyagu aanay burburka wadin, laakiin ay isku qabteen shuruucda ayuun baan anigu ka hadlayay, cidda u faro dhuuban ee burburintan samayn kartaa inay Xukuumaddu ku lug leedahay ayaa dhici karaysay.”
“Aniga sida ay iila muuqato horta mid baa jirta, Xukuumaddu xisbi ayay ka tirsan tahay oo Xisbul-xaakim baa jira, wakhtigii UDUB xukunka hayeenna waxyaabo dadka iska hor keeni karana waa la tilmaami jiray, mid waliba marka uu arko xisbi ku soo dhadhaw ee uu dareen siyaasi ahi galo in uu Xisbul-xaakimku iska yara cadaadiyo waa wax dhici karta waana wax aduunyada oo dhan ka dhacda, markaa waa loo fahmi karayay in ay Xukuumaddu ku lug leedahay.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories