HomeSuldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ka hadlay Muran ka taagan dhismaha Wershadda Sibidhka...

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ka hadlay Muran ka taagan dhismaha Wershadda Sibidhka ee Berbera, dadka deegaanka iyo Xukuumadda-na Baaq u diray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 10 March, 2012 (SLpost)-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa markii u horeysay ka hadlay khilaaf ka taagan dhismaha warshadda cusub ee sibidhka oo xiisad iyo khilaaf ka abuuray magaaladda Berbera ka dib markii ay odayaal reer Saaxil ahi ka biyo-diideen qaabka wax loo wado.

Suldaan Maxamed C/Qaadir oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu tallooyin u soo jeediyay waxgaradka bulshada reer Saaxil.

Suldaan oo ka hadlayay muranka ka taagan dhismaha warshada sibidhka wuxuu yidhi, “Waxaan jeclahay inaan waxyar ka yidhaahdo Warshadda Sibidhka Berbera oo aan u arko Warshadda reer Somaliland oo dhami wada leeyihiin, isla markaana haddii la saluugsan yahay Saamiga ay Dawladdu bixisayna waa arrin laga hadli karo, laakiin waxaan ku talin lahaa inaynu soo dhawayno cid kasta oo dalkeena Maalgashanaysa xataa haddii ay Ajanabi yihiin, waana inaynu soo dhawaynaa Muwaadiniinta damacsan inay hantidooda u huraan dalka, had iyo jeer cida dhaqaale haysa ayuun baa Saamiga ugu badan qaadanaysa.”

Suldaan Maxamed oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Xukuumadda waxa la gudboon in marka ay arimaha Maalgashiga ay qabanayso inay Wargalin samayso oo Jaraa’idada ku soo qorto baahintooda oo la yidhaahdo Warshadii Qandaraaskaas ayaa lagu qabanayaa ee cidii ka bixi kartaa dhaqaale intaas leeg ha keento, hadii aanay taasi dhicin laakiin khalad ayey dadku qaadan karaan ee ha la ogaado, mida kaleanigu waxaan odhan lahaa Maadaama oo aynu xukuumadda Doorashada ku timid aynu haysano waa in Tixgalinta koowaad ay ka hesho dadkii doortay ilayn iyagaa keenaye, reer Saaxil-na waxaan leeyahay Wixii nalagu dilay waxa uu ahaa Madaarka dhiiba iyo haye laakiin Saami iyo waxaas kumaanu qaadan, ilaa imikana shaqaalaha Madaarka jooga laba qof ayaa kaga jira beesha kamana xumin waayo dhibtii hore ee na gaadhay ma jeclin inay maanta cid kale oo reer Somaliland ah gaadho.”

 “Waxaan taageersan nahay Warshadda Sibidhka shaqaalaheeda in Mihiimadda koowaad la siiyo dadka u dhashay deegaan waayo waa mid ay xaq u leeyihiin in dadka gobolka Saaxil uu shaqaalaha u badsado, isla markaana ay Somaliland inteeda kale ay ka muuqdaan. Hadii aan waxyar ka yidhaahdo dekadda Berbera ninbaa naga jooga beel ahaan, haday booliska tahayna nin kaliyaa ka jooga manaanaan odhanin maxaa Dekadda Berbera naloo gayn waayey waxaanu u aragnaa in cidkasta oo shaqaysaa ay tahay reer Somaliland,”ayuu Suldaan Maxamed.

Suldaan Maxamed waxa uu ku dooday in shirkada DAHABSHIIL ay tahay ta ugu dhaqaale badan dalka ee warshadaasi hirgelin karta waxaanu yidhi “Waxaana la inooga baahan yahay inaynu Koonfur sidii aynu waxeena uga ilaashan lahayn ee aynu Midnimadeena u tusi lahayn aynu falawgeed galno ee maanta bawdada ha inaga jabinina khalad waa dhacaa waana la saxaaye. Mana qabo ayniga Maxamed Siciid inuu isku koobi doono Warshada laakiin inuu Shares bixin doono ayaan qabaa, xukuumaduna sida ay wax u qaybinaysay waxa ay ahayd in cidii dhaqaale haysa ee Warshada kicin karta ee lacag haysa in ay ka dhexmuuqato, runta hadii aynu isku sheegnana Dahabshiil dalka maanta shirkada ugu dhaqaalaha badan weeye, haddii maanta la yidhaahdo Tabarucaad ha bixiyo waa ninka ugu horeeya ee lacagta ugu badan bixinaya ee aan waliba reernimo ku bixinayn ee danta Somaliland ku bixiya”.

Suldaan Maxamed oo ka hadlayay baahida loo qabo hirgelinta dhismaha warshadda sibidhka wuxuu yidhi “Dad badan oo Hantiilayaal ah oo lacag haystana waynu leenahay laakiin waxay u badan yihiin Ganacsato in tidhaahda wax ururso, laakiin kordhi oo kobci ganacsigaaga wax hakuu kordhaane ma yaqaanaan, kuwaasna waxa loo baahan yahay inay Xukuumadu u furto Siminaaro xaga ganacsiga iyo dhaqaalaha ku taxaluqa. Warshaddan Sibidhka ee lagu muransan yahayna waxa ay fadhiday 21 sanadood oo maalintii Berbera la galay anigu ragii badhadaha goostay hebel iyo hebel ayaan u garanayaa, meelkasta ayaa loo maray oo ilaa Faransiis ayaa loo maray oo lagama hadal, qolooyin kale oo ganacsato ah ayaa la siiyey oo ilaa imika waraaqihii haysta lagama hadal.”

 “Reer Berbera waxaan leeyahay waar ragii Waraaqaha hore loo siiyey hadii ay wax dhisi kari waayeen waar kan soo dhaweeya oo waxa aad eegtaan faa’idada gobolka iyo guud ahaanba Somaliland ka soo gali karta hadii ay shaqayso Warshadaasi. Waxaan reer Berbera leeyahay taageera in 20,000 aad u badan tihiin ay shaqo helaan,”ayuu yidhi Suldaanku.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Jiif Caaqil C/wali Jaamac Cabdi, Caaqil Axmed Cismaan Cade Gude iyo Caaqil Aabi Xasan Cabdi.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories