HomeSuldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo Naqdiyay Tallaabada Dhalanteedka ah ee ay ku...

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo Naqdiyay Tallaabada Dhalanteedka ah ee ay ku kaceen Qurba Jooga Awdal Qarkood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley, (SLpost)-Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka tirsan Salaadiinta Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa si adag gaashaanka ugu dhuftay, Kooxdii isku magacawday Awdal State ee hoggaanka ku dooratay Magaalada London ee Carriga Ingiriiska, kuwaas oo uu ku tilmaamay in aanay matalaynin Masiirka Umada reer Awdal, isla markaana aanay ka hadli karin rabitaanka Bulshada reer Awdal. Waxa kale oo uu sheegay in Nimanka boro-bogaandadan wadaa ay yihiin kuwo Dunidaa Galbeedka ka qaata Waxoogaa yar oo Caydh ah, isla markaana ay yihiin kuwo Sodon Sano horteed ay ugu danbaysay Dalka.

blank
SULDAAN IBRAAHIM JAAMAC SAMATAR

Suldaan Ibraahim Jaamac waxa uu arrimahan kaga hadlay Shir-Jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Gabiley, kaasi oo uu baaq nabadeed ugu diray Beelaha Dirirta Colaadeed ku dhex martay Xarunta Gobolka Sanaag ee Ceeri-gaabo, waxaanu ugu baaqay in ay joojiyaan Colaada dhexdooda taal.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Waxa Shirkan-Jaraa’id igu kalifay Anigoo Hargaysa uun hada ka imid kuna jihaysan Boorame in aan Bulshada reer Somaliland u bayaamiyo ama u iftiimiyo Hadal ka soo yeedhay Shakhsiyaad sheegtay in ay ka mid yihiin Qurbe-Joogta Reer Awdal, kuwaas oo sheegtay in ay samaysteen wax ay ugu yeedheen Maamulka Awdal State, waxaan leeyahay Hadalkaasi waxa uu ka soo baxay Nin Riyoonaya, waana wax lagu qoslo. Masayrka
Bulshada Reer Awdal ma matali karo Nin qaxootinimo ku joogo Dal shisheeye oo qaata Lacagta caydh ee ay bixiyaan Wadamada Reer Galbeedku, ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.
Waxa kale oo uu Suldaanku ku daray hadalkiisa, “Dadka Reer Awdal waxay leeyihiin Siyaasiyiin, Salaadiin, iyo Aqoonyahan, Kuwaa ayaa matala oo ku hadli kara Afka Reer Awdal iyo Shacbigooda iyo waliba rabitaankoodaba. Gobolkanina waa Gobolkii dhidibada u taagay Jamhuuriyada Somaliland, Iyagaa dhisay, Mansabkii ugu sarreeyey ayay  ka gaadheen oo Madaxwayne ayay ka noqdeen, Imikana waxay ka yihiin Madaxwayne ku xigeen, Cid uga lexo-Jeclo badani ma jirto,” ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.
Suldaanku Isaga oo baaq-nabadeed u diraya Beelaha Dirirta Colaadeed ku dhex martay Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag waxa uu yidhi,”Waxaan u soo jeedinayaa Beelaha walaalaha ah ee Dirirtu ku dhex martay Deegaanka Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag in ay Xabada joojiyaan oo nabada ka shaqeeyaan, arrimahoodana wada hadal ku dhameeyaan, walaalnimadoodiina soo celiyaan, illayn waxay isku yihiin Wiil iyo Abtigii oo waa Dad wada dhashay oo kala dhalay oo isku dhaxay oo Gacal iyo Sokeeyaba ah”. ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.

SLpost News Desk

kaafi20@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories