HomeSuldaan Cabdilaahi Cali Iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Oo Dar-daarano U Guntay Ergooyinka...

Suldaan Cabdilaahi Cali Iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Oo Dar-daarano U Guntay Ergooyinka Shirka SamaTalis

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankBurco (SLpost) Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa dar-darano dhaxal gal ah oo isku sidkan u guntay ergooyinka ka soo qayb-galay shirka Sama Talis ee magaalada Burco uga furmay beelaha Habar-jeclo iyo Garxajis, waxaanay labada Suldaan ay ku booriyeen ergooyinka kale duwan ee madasha shirka ka qayb-galay inay shirka ka soo saaraan go’aamo lagu farxo oo waxtar ah.

Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse ayaa ugu horreyn khudbad ka jeediyey shirka ayaa ergooyinka u sheegay in aanu shirkani ahayn mid siyaasaddeed “ Marka hore waxaan idin leeyahay raggii la tuhmayey ayaad tihiin ee magac-yadda kale duwan loo bixiyey ,marka ugu horraysa waxaan leeyahay shirkani mahaa shir siyaasadeed ee waa shir dhaqan .”

Suldaan Cabdilaahi ayaa isagoo haddalkiisa sii wata ku booriyey ergadda siddan “ Walaahi shirkan meel walba waa lagga haddal hayaa ama waxaynu noqonaynaa dad Somaliland u taliya ama dad aan wax-ba la weydiin imtixaankii ugu xumaa ayeynu ku jirnaa maanta nin walowba caqligaaga geli , waxa inala gudboon maanta oo shirkaa aannu u qabanay waxa weeye wixii nolol if iyo aakhirana ku saabsan in wax-garadku isku yimaaddo , dabadeed-na ay baahida taal wax-garadku wax ka qabto oo uu wax ka soo saaro baahi baddan ayaa taal Bari ha sii taalo’e ,waxaan leeyahay waxaad ku talisaan ceebta innaga ilaaliya shirkaasu Magac ha inoo soo jiido iyo manfac-ba , waxaan leeyahay tolkayoow waxaan dani idiinku jirin tuura wixii dani innoogu jirtana soo qaata isku mid noqda weynu arragnay kale qaybsanaan oo wey ina soo martay inay wax-ba tari weyday ayeynu ognahay .”Ayuu yidhi Suldaanku.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas ku darray Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse“ Waxaan illaahay ka baryayaa idinkana idinka codsanayaa shirkaasu shir magac reeba oo Somaliland waxtara inuu noqdo inana dad la mahadiyo aynu noqono oo wixii dalka ka dhimman iyo wixii innaga innaga dhimman aynu ka talino,illaahayna barino waxaynu doonaynu inuu innagu hagaajiyo isagu.

Ugu dambeyn Suldaan Cabdilaahi ayaa mar kale ergadda ku dar-daaray inay shirka ka soo saaraan go’aamo dhaxal gal ah oo ay ilaabaan xanaftii hore “Waxaan ku rajo qabaa shirka in aad ka soo saari doontaa waxaan ku farxo illaahayna ha idinka farxiyo innaga rabba doqoniimadda weys garanaynaa inteena halkan ku shirtay waar meesha magac ka soo saara wixii hoose dhaafa caddow badan ayeynu leehay wixii caddowgaasu uu ku jabi lahaa meesha haka soo baxeen .”

Geesta kalene waxa isna halkaas khudbad dar-daara iyo boorin ah uga jeediyey ergooyinka ka qayb-galay shirka Sama Talis Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, waxaanu haddalkiis ku bilaabay siddan “ Horta shirkan maanta annigu weli ma tegin shir ka weyn mana iman horena ummuu dhicin waana shir loo baahnaa , wixii lagagga wadda haddalona taladeedu waxay tahay in la qaato oo si daacad ah loo noqdo oo daacadnimo aynu wax ku waddno ,dadka arrinka ka dhaxeeya mid siyaasi uun mahee mid dhaqan ayaa ka dhaxeeya dadku badhna waa isku deegaan badhna wey kale durugsan yihiin,waxa la yidhi shirkan wax siyaasadd ah lagagama haddli karro runtii maan jeclay midhaana in lagga haddlo ayaan jeclaa waayo dadku waxay isku fahman waa luuqadda siyaasadda weeye ayey inta baddan isku afgartaan , lakiin kol haddii la yidhi taasi waa ka mamnuuc shirka waan iska dhaafayaa wixii dambe ee dib loola yimaado mooyee .” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdiqaadir

Suldaan Maxamed ayaa ergada ugu baaqay inay shirka ay ka soo saaraan go’aamo midho dhal ah, si loogu dhiteeyo jiilasha dambe “Waxaan leeyahay wixii maanta halkaa tallo lagu gaadho yaan la fudaydsanin waa in siddee loogu dhaqmaa oo loo fuliyaa oo ballamo ayuu leeyahay ballamihiisa waa in la adkeeyaa, arrintaasi haddii ay daciif idinka noqoto laba dambe isma arrkayso, maanta wixii halkaa lagu go’aansado in la xoojiyo la adkeeyo oo la garab galo waa mid loo baahan yahay ,shirku waa inuu midho dhalaa midhaasi ay noqdaan qaar loo diyaariyey ummadda soo koraysa ee mahaa in aynu innagu ka sii burburino.” Ayuu yidhi.

Gunaanadkii Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa ergadda shirka ugu baaqay inay arrintii Ceel-afweyn ka dhacday aanay hilmaamin ee tallooyinka shirka ku darsadaan “Labadan beelood ee maanta shiraya waxaan leeyahay arrintii Ceel-afweyn siddaa wax uga qaban lahayd tallooyinka ku darsada , waxaan jecelahay in arrinkaasi aad loogu gurmaddo, dhismaha Somaliland wuu ku xidhan yahay shirkani haddii aad halkaa ku ilowdaan dee reer Somaliland ilaaway ayaad tihiin .”Ayuu yidhi ugu Dambeyn.

 

Somalilandpost.net

Burco/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories