HomeSuldaan Barre: Madax-dhaqmeed La God Galay Sharaf iyo Dhawrsanaan W/Q Siciid Gahayr"

Suldaan Barre: Madax-dhaqmeed La God Galay Sharaf iyo Dhawrsanaan W/Q Siciid Gahayr”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Waxa ay ahayd maalin Jimce ah 11/Ogos/2013-ka markii aan maqlay in xiisad colaadeed ay ka oogan tahay Deegaanka Gawsa-weyne isla markaana ay Xukuumadda Somaliland waddo qorshe iyo shirar lagu demiyo gulufka kala geynaya bulshada wada dhalatay ee maangaabku dab iyo gaas ku hurinayaan. 20/Ogos ayaan u dhoofay Jabuuti, waxaase ayaan-darro ah inaan maalin kaddib warbaahinta ku arkay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay fadqalaladii ka hortaggeeda la-waday. Waxase nasiib-wanaag ah in ciidammada Qaranka Somaliland kala dhex-galeen beelihii diriray. Waxa kale oo aan ku diirsaday maqalka in guurtida iyo waxgaradka dalku ku qulqulayaan arliga mashaqadu ka dhacday, isla markaana qoonduhu yahay in hab-dhaqameed lagu gunaanado xurgufta horseedka u noqotay hoyashada iyo waxyeellada dad aan innaga go’in.

 

Nimco weliba nusqaanteeda lehe, waxa mar kale murugo igu abuuray war sheegaya in goor habeennimo ah uu daad rogmanayaa qaaday gaadhi uu saarnaa Suldaan Barre Warsame Shire oo maraya Dooxa Dacar-budhuq isla markaana raq iyo ruux la raadinayo. Dhambaallada iska soo daba-dhacayaa waxa ay gunaanadkii xaqiijiyeen in uu xijaabtay lana helay meydkii Suldaanka oo ku sii jeeday dhulkii Gawsa-weyne ee shalay la isku hirdiyay. Alle ha u naxariisto, qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan ummadda Somaliland-na Eebbe samir iyo iimaan run ah ha ka siiyo.

 

Aniga oo haddii Alle igu simo mar dambe faahfaahin doona sooyaalkiisii iyo sifahiisii dadnimo, waxa aan qormadan kooban ku milgeynayaa, kuna xusayaa intii aan ka aqaannay Suldaan Barre Warsame Shire oo aanu dhawr iyo tobankii sanno ee u dambeeyay deris ku ahayn Degmada Gacan-libaax gaar ahaanna Xaafadda New Hargeysa.

 

Suldaan Barre waxa uu ka mid ahaa inta ku astaysan inay ka shaqayso danta guud ee ummadda, waxa aan xasuustaa doorkii uu ka geystay furitaanka Dugsiga Sare ee Warancadde Secodary School oo ku yaalla halkii uu ahaan jiray kawaankii hore ee caasimaddu, kaas oo muddo u xannibaa waxyeello ka soo gaadhay roobab ka da’ay Hargeysa. Kaas oo ugu dambayntii la furay sannadkii 2011-ka maanta ah iskuul ay ardaydiisu gu’ga dambe u fadhiisanayaan imtixaannada shahaadiga ah ee ay qaaddo Wasaaradda Tacliinta Somaliland.

 

Suldaan Barre waxa uu sidoo kale ka mid ahaa Guddigii u xilsaarnay caawimada Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeya ee uu kala diray Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin horraantii 2010-ka, inta karaankooda ah u hagar-baxay dhaktarka guud ee caasimadda. Waxa uu ahaa nin ehlu-cibaado ah oo inta badan aan ka maqnaannin masaajiddada iyo goobaha wanaagga lagu hindisayo.

 

Kama uu mid ahayn madax-dhaqameedka sida joogtada ah warbaahinta loogu arko ee ama xisbi u ololeeya, mid kale-na naqdiya. Waxa uu se ahaa nin ku waaniya cid kasta inay ka fogaadaan cayda, af-legaadda iyo falalka horseedaya kala irdhaynta bulshada. Sannadkii 2009-ka oo ay Somaliland gashay xamaasado siyaasadeed oo muran badan dhaliyay, mar uu Suldaan Xasan-Barre ka qayb-galay munaasibad ay saddexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ku kala saxeexanayeen xeerka anshaxa doorashada waxa uu yidhi ““ Waxaan ku ducaynayaa in Ilaahay ina siiyo wadahir iyo wa-wadaqbsi, waxana aan u rajaynayaa saddexda xisbi-qaran sida ay maanta [shalay] halkan ka saxeexeen ee wanaagsan u wada shaqeeyaan, yooyootankii, caydii iyo waxyaabihii inna wareeriyeyna ay halkaa ku xidhanto.”

Qiimaha uu lahaa waxa aad ka garan kartaa sida ay geeridiisu u tahay warka ugu weyn ee lagu baahinayo saxaafadda Somaliland iyo tacsiyaha mugga leh ee ay dirayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axsaabta Mucaaridka ah, madax-dhaqameedka iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada, iyada oo aan loo kala hadhin.

Waxa kale oo aan qirayaa inuu Suldaan Barre ahaa nin dhawrsan af iyo addinba kuna shaqeeya hadaf, himilo, higsi iyo hagaajin, isla markaana aanu ahayn inta ku hawl-gasha weji-ku-macaash iyo yoolal adduunyo lagu raadiyo. Aniga oo aan ku taraarin maqaalka waxa aan leeyahay Eebbe Marxuum Suldaan Xasan Warsame Shire (Barre) godka ha u nuuro. Dhammaanteenna samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

 

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com

0025377086114

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories