HomeSuldaan Abu Salmaan oo Soo Dhaweeyey Go'aanka Joojinta QAADKA, Baaqna u diray...

Suldaan Abu Salmaan oo Soo Dhaweeyey Go’aanka Joojinta QAADKA, Baaqna u diray Jabuuti, DDSI iyo Somalia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu-salmaan), ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay Xukuumadda Somaliland iyo Ganacsatada Jaadku isla qaateen ee ah in Qaadka la joojiyo muddo bil ah, kaas oo uu ku bogaadiyey Guddiga heer Qaran ee ka Hortagga Sadhada Covid-19 oo go’aankan u qaatay yaraynta faafitaanka Cudurkaas.

Suldaan Abu-salmaan oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu u Duceeyey Dalka iyo Dadka Jamhuuriyadda Jabuuti oo markii Dad tobannaan Kun ah Dowladdu baadhay Xanuunka Covid-19 laga helay dadka gaadhaya ilaa Kun Qof.

blankWaxa uu Suldaan Abu-Salmaan Madaxda Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Dowladda Jabuuti u soo jeediyey inay Bisha Ramadaan joojiyaan Qaadka sida ay Somaliland ka yeeshay oo kale, waxaanu Hambalyo iyo bogaadin u diray Bulshada Somaliland iyo guud ahaan Shucuubta Islaamka Bulshada Islaamka Bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.

Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu-Salmaan), waxa uu si guurtinnimo leh uga hadlay Shaqaaqada dhawaan ka dhacday deegaanka Fadhigaab oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag oo uu labada dhinac ee dhibtu dhex-martay iyo dowladdaba baaq u jeediyey.

Suldaan Abu-Salmaan mar uu ka hadlayey xaaladda Sadhada sida dhibta yar u fufaya ee Covid-19, ayuu Madax-dhaqameedka ugu baaqay inay ka qaybqaataan wacyigelinta xanuunka, waxaanu Shacabka u soo jeediyey inay qaataan Farriimaha caafimaadka iyo dowladda ee la xidhiidha ka hortagga iyo yaraynta faafitaanka Cudurka.

Gunaanadkii, Suldaan Abu-Salmaan, waxa uu ku taliyey in bisha barakaysan ee Ramadaan ee bilawga ah awgeed la muujiyo isu naxariisasho iyo iskaalmayn badan oo wax lagu tarayo Dadka danyarta ah ee Caawimada walaalohood u baahan, waxaanu Beeralayda u soo jeediyey inay xoogga saaraan wax soosaarka Dhulka oo wakhtigan muhiimad gaar ah leh, maaddaama oo Illaahay Raxmaadkiisa Gu’ga innoo shubay oo dalku roobban yahay.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Suldaan Abu Salmaan oo dhammeystiran

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories