HomeSudan iyo Koonfurta Sudan oo Heshiis ka gaadhay Dhoofinta Shidaalka

Sudan iyo Koonfurta Sudan oo Heshiis ka gaadhay Dhoofinta Shidaalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Dawladaha Sudan iyo Koonfurta Sudan, ayaa si wada-jir ah shalay heshiisyo dhinaca dhaqaalaha iyo ammaanka ku saabsan ku gaadhay magaalada Addis Ababa oo dhowrkii maalmood ee u dambeeyey wada-hadallo lagu dhex-dhexaadinayaa uga socdeen.

Madaxweynayaasha Labada dal ayaa saxeexay Heshiisyo nabadeed iyo mid dhinaca dhaqaalaha ah kuwaas oo u ogolaanayo Koonfurta Sudan in Shidaalka ay soo saarto si toos uga dhoofiso Dekedaha dalka Sudan. Labada dal waxa kale oo ay ku heshiiyeen inay ciidamadooda kala baxaan dhulka lagu muransan yahay iyo in la baajiyo cadaawadaha  u horseeday inay labadan waddan ku sigtaan dhowr bilood ka hor isku dhac milatari oo dhexmara.

blankMadaxweynaha Sudan Omar al-Bashir iyo Koonfurta Sudan Salva Kiir oo wada-hadalladooda markii hore loo qoondeeyo hal maalin inay socdaan, waxa ay isku af-garan waayeen in heshiis buuxa laga gaadho dhinaca xuduudka u dhexeeya labada dal gaar ahaan gobolka lagu muransan yahya ee Abyei.

Labada dhinaca ayaa heshiiskoodani yimi ka dib markii ay cadaadis xooggan kala kulmeen Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku dirqiyey inay heshiis ka gaadhaan qodobbada la isku hayo haddii kale ay la kulmi doonaan Cunaqabatayn dhinaca Dhaqaalaha iyo Dibloomaasiyadda ah.

Koonfurta Sudan waxa ay Sudan ka go’day sannadkii hore ka dib markii shacbiga Koonfur Sudan laga qaaday Afti Madaxbannaanidooda lagu weydiiyey taas oo noqotay midhaha laga goostay heshiis nabadeed oo sannadkii 2005 lagu soo gunaanaday dagaallo tobanaan sanno socday oo ay ku dhintay in ka badan 2 milyan oo qof. Haseyeeshee, qodobka ugu xaasaasisan ee aan lagu heshiin ayaa ah dhinaca  xuduudka, bishii January ee sannadkan ayay Koonfurta Sudan hakad gelisay wax-soo-saarka Saliidda ka dib markii ay ku eedaysay Dalka Sudan inay si hoos u xadayso Saliiddooda Qaydhin oo dhuumo lagaga dhoofinayey Sudan. Isku dhacyada dhinaca xuduudda ayaa cirka isku shareeray Bishii April ee sannadkan markii milatariga  oonfurta Sudan la wareegay gacan ku haynta magaalo qani ku ah saliidda oo ku taala gobolka Sudan sheegato lahaanshiyaheeda.

Heshiisyada la saxeexay maalintii Khamiista, masuuliyiinta labada dhinac waxa ay soo qaadeen in Arrimo Farsamo ka dhiman yihiin dhinaca dhoofinta Saliidda si loo sii ambo-qaado, taas oo qaadan doonta muddooyin bilo ah si loo nadiifiyo dhuumaha shidaalka qaada.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa soo dhaweeyey heshiisyada la gaadhay, “Sudan iyo Koonfurta Sudan, waxa ay bog u fureen taariikhdooda ay wadaagaan,” ayuu yidhi Ban Ki-moon.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories