HomeSucuudiga: Qarax Masaajid lala beegsaday oo Galaaftay noloshaa 13 Qof oo u...

Sucuudiga: Qarax Masaajid lala beegsaday oo Galaaftay noloshaa 13 Qof oo u badan Saraakiil Dowladeed yihiin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Riyad (SLpost)- Ugu yaraan 13 Qof oo Ciidamada ammaanka u badan, ayaa ku geeriyooday Qarax lala beegsaday Masaajid ay isticmalaan Ciidamada ka la-dagaalanka Argagixisada gelinkii dambe ee Khamiistii, kaas oo ku yaala magaalada Abha ee Galbeedka dalka Sucuudiga.

Sida ay shaaciyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Boqortooyada Sucuudiga, Qaraxa khasaaraha badan sababay oo uu Fuliyey Qof Naftii hore ah, 10 ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa saraakiil Sare-sare oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka dalka Sucuudiga, in kasta oo wararka horedhaca ee laga helayo khasaaraha qaraxaasi sheegeen in tirada dhimashadu intaas ka badan tahay.

ddeAfhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo lagu magacaabo Major Jeneraal Mansuur Al-Turki, ayaa sheegay inay Qaraxa ku dhaawacmeen Sagaal Qof oo saddex ka mid ahi dhaawacyo culus qabaan, isagoo intaas ku daray in Qof Is-qarxiyey uu xidhnaa Suunta lagu xidho walxaha Qarxa.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo codsaday inaan magaciisa la xusin sababo la xidhiidha inaanu fasax u haysan ka-hadalka dhacdada, ayaa hseegay in qaraxa lagu bartilmaameedsaday Dugsi lagu tabobarayey Askar ka tirsan Ciidamada Booliska, kuwaas oo xilligaas ku tukanayey Xarun ay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ku leedahay magaalada Abha ee gobolka Asir.

ILaa immika ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse waxa lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen kooxda DAACISH oo tiradaba dhowr jeer weerarro noocan ka fuliyey dalkaas Sucuudiga bilihii u dambeeyey, iyadoo inta badan weerarraas lagu bartilmaameedsaday Ciidamada Ammaanka dalka iyo saraakiisha dowladda.

Weerarka Khamiistii ayaa lagu timaamay inuu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee Ciidamada Ammaanka Sucuudiga la gaadhsiiyo laga soo bilaabi sannadkii hore oo Kooxda Daacish oo weerarro ku bilowday Boqortooyada Sucuudiga Carabiya.

Weerarkan, ayaa ku soo beegmay Bil kaddib markii ay dowladda Sucuudigu xidh-xidhay 400 qof oo looga sharciyey inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha Xag-jirka ah.

ddWaddanka Sucuudiga, ayaa taageeray, kana qayb-qaatay weerarro xagga cirka ah oo Isbahaysi Maraykanku hoggaaminayaa ku hayaan deegaannada ay ka taliso Kooxda DAACISH ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Sidoo kale, dalka Sucuudig, ayaa hoggaaminayo isbahaysi duqeyn xagga cirka ah ku haya Malleeshiyaadka Shiicada ah ee Xuutiyiinta oo inta badan gacanta ku dhigay Woqooyiga dalka Yemen iyo qaybo ka tirsan Koonfurta dalkaas, kaddib markii ay xukunka ka tuureen madaxweynihii sharciga ahee dalkaas Cabdulhaadi Maansuur.

Malleeshiyaadka Xuutiga oo ka jawaabaya weerarrada Isbahaysigu Sucuudigu ku hayo fadhiisimadooda, ayaa tira-ba dhowr jeer weerarro ku qaaday fadhiisimo ay leeyihiin Ciidamada Ilaallada Xuduudda dalka Sucuudigu la waddo waddanka dagaalladu regaadiyeen ee Yemen.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories