HomeSucuudiga oo u kala Hiilayey dalalka Djibouti iyo Imaaraadka oo Khilaaf dibloomasiyadeed...

Sucuudiga oo u kala Hiilayey dalalka Djibouti iyo Imaaraadka oo Khilaaf dibloomasiyadeed u dhexeeyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti (SLpost)- Khilaaf dhexmaray wadamadda Jabuuti iyo Imaaraadka ayaa la sheegay inuu ku keenay isbeddel siyaasadeed xidhiidhka u dhexeeya Boqortooyada Sacuudiga iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib markii Waraaqaha Dal-ku-galka loo diiday Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo booqasho ku tegi lahaa Boqortooyada todobaadkii hore.

Go’aanka Dowladda Sacuudiga hordhigtay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa tilmaamaysa in Sucuudigu la saftay dalka Imaaraadka Imaaraadka Carabta, sida ay qortay wakaallada wararka Indian Ocean oo aanu warkan ka soo xigannay.

djibouti_saudi arabiaKhilaafka wadamadda Jabuuti iyo Imaaraadka ayaa la sheegay inuu ka bilaabmay dagaal gacan-ka-hadal ah oo dhexmaray Taliyaha ciidanka Cirka Jabuuti, Wahib Musa Qalinle iyo Safiir-ku-xigeenka safaaradda Imaadaarku ku leedahay Jabuuti Cali Al-Shihi oo taliyuhu wejiga ka dhirbaaxay.

Talaabada sharaf-dhaca ee loo geystay Wakiilka Imaaraadka ayaa la sheegay inay keentay inay dowladda Imaaraadka Carabtu albaabada u laabto Safaaraddooda Jabuuti 4-ta bishii May ee la soo dhaafay.

Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sidoo daad-gureeyey ciidamo ka joogay waddanka Jabuuti oo qeyb ka ahaa xulafada Sacuudigu horkacayo ee dagaalka kula jirta jabhadda Xuutiyiinta Yemen, waxaanay tallaabadani sii murgisay isbahaysiga waddamada Carbeed.

Khilaafka dhexmaray Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta, ayaa lagu tilmaamay inuu fursad u yahay dalka Eritrea oo colaad dheer u dhexeyso Jabuuti, waxaana dhici karta inuu bilaabo iskaashi dhow oo la yeesho wadamadda Khaliijka Carabta.

Isbeddelka ku yimi Xidhiidhak dalka Jabuuti iyo labada waddan ee ugu qanisan Khaliijka Carabta, ayaa ku soo beegmay xilli Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo ka faa’iidaysanaya istaraajiyada dalkiisu ku yaal uu bilaabay inuu xidhiidh cusub la yeesho waddanka Shiinaha oo danaynaya inuu saldhig milatari ka samaysto waddanka Jabuuti, iyadoo ay hore u joogaan dalkaas Ciidamo ka kala socda waddamada Maraykanka iyo Faransiiska oo saldhigyo milatari ku leh.

@himilomedia

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories