HomeSucuudiga Oo Ku Soo Biiray Dalalka Danaynaya Dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya

Sucuudiga Oo Ku Soo Biiray Dalalka Danaynaya Dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Riyaad (SLpost)- Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku soo biirtay dalalka Geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka ee tar-tanka ugu jira dhex-dhaxaadinta Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaana martigelinta wada hadaladii ugu horeeyey ee dhex-mari lahaa Xukuumadda Farmaajo Iyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi.

 

Tobaadkii hore ayey ahayd markii uu safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat uu booqasho ku yimid dalka Somaliland, kaasi oo kulamo la yeeshay Madaxweyne Muus Biixi iyo Xukuumaddiisa

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo 2-dii bishan May Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Somaliland, ayaa war-murtiyeed ay Maadaxtooyadda Somaliland kasoo saartay kullanka dhex-maray denjiraha Sucuudida u fadhiya Somaliya iyo Madaxweyna Somaliland ku sheegtay mid la isku afgradtay qodobo ay ka mid ahayeen siciid Sucuudigu gacan uga siin lahaa Xukuumadda dadka Abaaruhu Sameeyeen iyo sidii xayiraada xoolaha saaran laga qaadi lahaa, shuruudaha dawladda sucuudigu qabtana looga jawaabi lahaa.

Dhanka kalena waxa xusid mudan in kulan-kaa uu Madaxweyne Biixi qasrigiisa Madaxtooyadda kula yeeshay danjire Dr Mohammed Abdi-kani Khayat aan lagu sheegin in ay ka wada hadleen  in Dowlada sucuudigu ay danaynayso sidii wadda haddalada Somaliland iyo Somaaliya loo soo celin lahaa, isla markaana ay iyadu doonayso inay ku dhexdhaxaadiso.

 

Geesta Kalene Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay Dowlada Sucuudigu kusoo biirtay dalalka doonaya inay dhex-dhexaadiyaan Somaliland iyo Soomaaliya ee rabba inay martigeliyaan wada hadaladii u dhaxeeyey Hargeysa iyo Muqdhisho, sidaana waxa sheegay Raysal Wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed “Horta runtii waddamada rabba inay Somaliland iyo Soomaaliya dhax-dhaxaadiyaan maanta wey badan yihiin Turkiga, Sucuudi Arabiya,Itoobiya Ereteriya  iyo waddamo kale oo badan .”

 

@ Waaberi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories