HomeSucuudiga Oo Duqeeyay Ticis, Ka Dib Dhawaaqiisii Joojinta Oo Xuutiyiintu Uga Faa'iidaysteen...

Sucuudiga Oo Duqeeyay Ticis, Ka Dib Dhawaaqiisii Joojinta Oo Xuutiyiintu Uga Faa’iidaysteen Qabsashada Goobo Cusub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Magacii hore ee ahaa Weerarkii Adkaa ayaa lagu bedelay magac cusub oo ah, Dib u soo Celinta Rajada”

Ticis, (SLP)- Diyaaradaha is-bahaysiga uu hoggaaminayo Sucuudiga ayaa duqeyn culus maanta ka gAystay magaalada Ticis ee dalka Yemen oo ay xoogagga Xuutiyiintu qabsadeen, saacado yar kaddib markii uu Sucuudigu sheegay inay hakiyeen muddo todobaadyo ah duqeymihii ay ka gaysanayeen Yemen.Yemen

Diyaaradaha dagaalka is-bahaysiga ayaa duqeeyay xarumo ay aroornimadii hore ee maanta ay dagaallo ka dhaceen, kuwaasoo ay kula wareegeen xoogag taabacsan Shiicada mucaaradka ah ee Yemen. Iyadoo duqeyntan ay kusoo beegantay xilli ay qaybo badan oo Koonfurta dalka Yemen ka tirsan weli ka socdaan dagaallo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo ciidammo raacsan dawladda Yemen oo ay ku jirto dekedda magaalada Cadan.

Sarkaal Sucuudiga u hadlay ayaa sheegay shalay oo Salaado ahayd in hakad ay geliyeen duqeymihii ay dalka Yemen ku wadeen, ka dib markii ay guulo ka gaadheen hadafkoodii oo ahaa inay burburiyaan hub ay Xuutiyiinta Yemeni lahaayeen.Yemen1

Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa qayb ka ahayd duqeynta maanta laga gaystay waddanka Yemen. Sidoo kalena dawladda Mareykanka ayaa ku taageera is-bahaysiga ay Sucuudigu hoggaaminayo qalabka iyo sirdoonkaba.

Boqortooyada Sucuudiga iyo is-bahaysiga ay hoggaaminayaan ayaa dhanka kale sheegay in hadafkoodu aanu midho-dhal noqon doonin tan iyo inta ay xukunka ku celinayaan dawladda uu hoggaaminayo Cabdirabbi Haaddi Mansuur oo ay xukunka ka tuureen Xuutiyiinta weli ka dagaalamaya dalkaas sannadkii la soo dhaafay.

Sidoo kale, magacii hawlgalka is-bahaysiga uu hoggaaminayo Sucuudiga oo magaciisu uu hore u ahaa, Weerarkii Adkaa ayaa lagu bedelay magac cusub oo ah, Dib u soo Celinta Rajada.

Maxamed Al-xaaj oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Ticis ayaa u sheegay war-baahinta in dagaallo culus ay weli ka dhacayaan Koonfurta dalka Yemen, isagoo sidoo kale sheegay in duqeymo culus loo gaystay goobo ay la wareegeen Xuutiyiinta oo ku yaalla Ticis oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Koonfurta dalka Yemen.

Dhanka kale, magaalada Cadan ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka socday dagaalo culus oo u dhexeeya ciidammo taabacsan dawladii la riday iyo dagaalyahanka Xuutiyiinta, iyadoo duqeymo ay is-dhaafsanayeen ay ku naf-waayeen boqolaal qof oo reer miyi ah.

“Xoogagga Xuutiyiintu weli waxay duqeymo culus ku wadaan shacabka,” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay dagaalyahan taageersan dawladda Yemen, isagoo intaas ku daray. “Weli kamay bixin magaalada Cadan.”

Madaxweynihii hore ee Yemen, Cali Cabdalla Saalax oo hadda taageersan Xuutiyiinta ayaa soo dhaweeyay baaqa joojinta duqeymaha ee uu soo jeediyay Sucuudiga, isagoo xusay inuu rajaynayo in dhinacyadan oo dhami ay isugu iman doonaan miiska wada-hadallada si xiisadda loo dejiyo.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories