HomeSucuudiga oo Cadaadis lagu Saaray Shilkii Shalay Xujaajta ee Mina iyo tirada...

Sucuudiga oo Cadaadis lagu Saaray Shilkii Shalay Xujaajta ee Mina iyo tirada Soomaalida ee Shilkaa Ku Nafwaayey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Makkah(SLpost)-Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay in shilkii Shalay ka dhacay Xajku uu ahaa Musiibo, iyagoo Shaaciyay in baadhitaanno lagu Sameyn doono shilkan. Dhaxal-sugaha boqortooyada Saudi Arabia, Maxamed Bin Naayef uu isna sheegay in la Magaacabayo Guddi Arrintaan soo baara isla markaana Natiijada u gudbisa boqorka.

Wasiirka Caafimaadka dalka Sucuudiga, Khaalid Al-faalix ayaa isna xusay in si degdeg ah loosoo bandhigi doono tirada kama dambaysta ah ee Geerida, isagoo xusay in dhaawacuna uu gaarayo 863-xujeyn ah.

Tirada xujaajta soomaaliyeed ee ku geeriyoday shilkan ah toddoba xaaji, iyadoo ay isa soo tarayaan dalalka Caalamka ee soo bandhigaya tirada dadka kaga geeriyooday shilkan.

Xukuumadda Sucuudiga ayaa waxaa haysta Cadaadis iyadoo laga sugayo wixii ay ka odhan lahaayeen Shilkan ay Boqolaalka Xujaajta ahi ku dhinteen, iyadoo Dalka Iiraan oo ka hadlay arrintan ay ku eedeeyeen Sucuudiga inay shilkii Xajka ka dhacay ay iyagu ka dambeeyaan, xurguf colaadeedna ay ka dhexeyso.

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in 131-xaaji oo ka mid ahaa kuwii shalay ku dhintay xajka ay dalkeeda u dhasheen, 60-xaaji oo kalena ay kaga dhaawacmeen; inkastoo aanay sheegin rag iyo dumar sida ay kala ahaayeen.

Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Kacaanka Isaamiga ah ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamaynii ayaa sheegay in dawladda Sucuudigu ay si xun u maamuleen arrintan, taas oo uu sheegay inay dhalisay dhimashada xujaajta faraha badan.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Iran, Xasan Ruuxaani ayaa isna ku dhawaaqay in saddex maalmood oo baroor-diiq ah ay sameynayaan, si ay ugu murugoodaan xujaajta uga dhintay Xajka. Wuxuuna Sucuudiga ugu baaqay inay mas’uuliyada dhibaatadaas aqbalaan.

Kaddib Salaaddii Jimcaha ee Maanta ayaa waxaa Xarunta dalka Iiraan ee Tehran isugu soo baxay dadweyne badan oo dhigayay bannaanbaxyo, kuwaasoo ay Xukuumadda Dalkaas ku Tilmaantay inay ka Cadhaysan yihiin waxay ugu yeedheen karti xumada xukuumadda Sucuudiga.

Dhanka kale, afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee boqortooyada Sucuudiga, Jen. Mansuur Turki ayaa ku Baaqay isla maanta inaan lagu Deg-degin Shilkii ka Dhacay Xajka, isla markaana aan laga hor-dhicin baadhista lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen.

Telefishin laga leeyahay dalka Saudi Arabia ayaa baahiyay maanta in Masar iyo Hindiya ay kaga geeriyoodeen shilkii xajka ka dhacay 14- xaaji, halka Dalka Pakistan ay uga dhinteen Todobada Xaaji, Aljeeriya iyo Indonisiya ayaa xusay in saddex qof ay uga dhinteen shilka.

Ugu dambeyn, Dawladda Marooko ayaa iyadana xustay in 78 xaaji ay uga dhinteen Shilka, Turkiguna ayaa sheegay inay Raadinayaan 18 xaaji oo aan la haynin, Dawladda Holland ay sheegtay inuu hal qof uga dhintay, halka Kenya ay sheegtay inay uga dhinteen saddex qof.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories