HomeSucuudiga Iyo Xulafadiisa Oo Hakiyay Duqayntii Cirka Ee Yemen Iyo Weji Cusub...

Sucuudiga Iyo Xulafadiisa Oo Hakiyay Duqayntii Cirka Ee Yemen Iyo Weji Cusub Oo Ay U Bedeleen Dagaalkooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Waa la gaadhay hadafkii Yemen”  Gen. Ahmed Asiri

Riyaad, (SLP)- Xulafada uu Sucuudiga hogaaminayo ayaa sheegay inay soo afjarayaan duqaynta dhinaca diyaaradaha ee dalka Yemen.Saudi

Muddo ku siman bil ayuu socday weerarka dhinaca circa ah ee ay ciidamada Sucuudiga iyo xulafadiisu garaacayeen, waxaanay ku dhawaaqeen xulafadaasi inay ku bedelayaan talaabo kale oo ay dib ugu dhisayaan dawladdii. Sidaa waxa shaaciyay telefishanka qaranka ee dalka Sucuudiga.

Sucuudiga iyo xulafadiisa ayaa aaminsan inay tirtireen goobihii ay xuutiyiintu awoodda ku lahaayeen, kuwaasoo taageero ka helayay dalka Iran.

Sucuudigu waxa uu sheegay inay doonayaa inay dibu dhis ku sameeyaan dawladda caalamku taageersan yahay ee dalka Yemen.

Bishan gudaheeda masuuliyiinta Sucuudigu waxay sheegeen in dhamaan hubkii iyo dhismeyaashii ay Xuutiyiintu lahaayeen ay diyaaradahoodu burburiyeen, kuwaasoo ay ku lahaayeen magaalada caasimadda ah Sanca.

“Waa la gaadhay hadafkii Yemen, waxaanu ahaa qorshe wanaagsan, isla markaana sidii ugu haboonayd loo fuliyay, waxaana ku amaanan duuliyeyaashii, badmaaxeyaashii iyo askartayadii.” sidaa waxa yidhi af-hayeenka xulafada uu Sucuudigu hogaaminayo Gen. Ahmed Asiri.

“Weijga labaad wuxuu noqon doonaa sugidda amniga iyo la dagaalanka argixisada. Ciidamada dhulka ayaa sii wadi doona ilaalinta xuduudda, si ay uga hortagaan cid kasta oo isku dayda inay xaalada deganaansho la’aan ah abuuraan.”  ayuu hadalkii sii raaciyay Gen. Ahmed Asiri

Laakiin wixii ka baxsan awoodda ciidanka, waxay Sucuudiga iyo xulafadiisu sheegeen inay ku waajahayaan xal siyaasaddeed.

Hadafka ugu weyn waxa weeyaan inYemen sideedii lagu soo celiyo, amaanka iyo xasiloonidu, waa nidaamka loo marayo dhismaha siyaasaddeed ee dalka” sidaa waxa lagu qoraal ay si wada jir ah usoo saareen Sucuudiga, Imaaraatka, Baxrayn, Qatar iyo Kuwait.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories