HomeSUCUUDIGA: Haweeen La Doortay Markii ugu Horaysay Taariikhda Dalkaasi

SUCUUDIGA: Haweeen La Doortay Markii ugu Horaysay Taariikhda Dalkaasi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Jiddah(SLpost)- Ugu yaraan afar haween ah, ayaa loo doortay xildhibaanimo markii u horreysay taariikhda dalka Boqortooyada Sacuudi Arabia, kadib doorasho haweenka loo ogolaaday inay ka qaybgalaan.

Codbixinta Doorashada golayaasha deegaannada dalka Sacuudiga oo qabsoontay Sabtidii toddobaadkan, taas oo dumarku ka qaybgaleen tartanka kuraasta iyo cod-bixinta, ayaa ilaa hadda afar dumar ah oo ka mid ah murrashaxiintii ka qaybgalay ku guulaysteen kuraasta xildhibaanimada dhawr gobol oo kala duwan.

Guddiga Doorashada ee dalka Boqortooyada Sacuudiga oo natiijada hordhaca ah ee doorashada shaaciyey, ayaa ku dhawaaqay in laba dumar ah laga doortay gobolka Ixsaa, halka gobollada kale ee Makka iyo Tabuuk mid walba ay ka soo baxday hal gabadh ahi.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa laga soo xigtay haweenayda laga doortay Makka lagu magacaabo Salma bint Hizab al-Oteibi, taas oo doorashada kursigaasi ay kaga adkaatay todoba nin iyo haweenay kale oo kula tartamayey.

Doorashadan ayay ku tartameen ku dhawaad kun dumar ah oo la xadiday awoodda iyo dhaqdhaqaaqyada murrashaxnimadooda iyo waliba ilaa lix kun oo rag ah.

Waa markii u horraysay ee haween ka qaybgalaan tartanka iyo codbixinta doorashado Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo laga mamnuucay laba doorasho oo hore uga dhacay dalkaasi sannadihii 2005-tii iyo 2011. Sidoo kale, dumarka Sacuudiga waxa mamnuuc ka ahaa inay kaxeeyaan baabuurta.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories