HomeSu’aalo la iska weydiiyey Socdaal si qarsoodiya Madaxweyne Geelle ugu Baxay Faransiiska...

Su’aalo la iska weydiiyey Socdaal si qarsoodiya Madaxweyne Geelle ugu Baxay Faransiiska oo jawaabo loo helay iyo Jabuuti oo Dhoofasanaysa Kheyraadka Badda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti (SLpost)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa shaaca ka qaadday inay diyaar u tahay xidhiidh dhinaca Kheyraadka Badda ah oo dhexmara Somaliland, isla markaana ay Badda Somaliland ka dhoofsan doonto Badeecado Kalluunku ka mid yahay.

Djibouti President Ismail Omar Guelleh is seen in this undated handout picture from the Presidential Press Service. Guelleh accused French magistrates on August 29, 2007 of politicising an investigation into the death of a French judge in the Red Sea state 12 years ago. REUTERS/Presidential Press Service/Handout (DJIBOUTI). EDITORIAL USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS.Raysal-wasaaraha Jabuuti  Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, ayaa sheegay inay ka wadahadleen Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada Shacab ee Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu yidhi; “Waxaan ka wada xaajoonnay xidhiidhka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya labada shacab iyo sidii loo xoojin lahaa.”

Raysal-wasaare Kaamil, oo wax laga weydiiyey kulan dhexmaray Wefti Somaliland ka socday oo Wasiirka Kalluumaysigu hoggaaminayey, ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo iskaashiga iyo xidhiidhka Somaliland ay wadaagaan, waxaanu yidhi; “Waxaan si weyn u ammaanaya iskaashiga aan la soo koobi karin ee Booliiska Somaliland iyo kuwa Jabuuti ku wadaagayaan baadhitaanka weerarkii argaggixiso ee bishii May 24-keedii ka dhacay Jabuuti.”

Sidoo kale, Wasiirka Beeraha Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale, ayaa sheegay in dalkiisa iyo Somaliland iska kaashan doonaan dhinaca Kalluumaysiga, waxaanu yidhi; “Waxaan iska kaashan doonnaa Somaliland dhinaca Kalluumaysiga iyo sidii Jabuuti uga soo dhoofsan lahayd Kheyraadka Badda.”

Dhinaca kale, socdaal dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku tegay dalka Faransiiska oo is-weydiin kala duwan qeybaha bulshada dalkaasi ka bixiyeen, ayaa la ogaaday waxa uu ku saabsanaa.

Sida lagu daabacay Wargeyska Indian Ocean Newsletter toddobaadkan, waxa lagu sheegay in Madaxweyne Geelle lagaga sameeyey qalliin kooban jilibka lugta bidix, kuna soo laabtay dalkiisa toddobaad ka dib  intuu bogsanayo.

Xogaha Wargeysku baahiyey ayaa lagu sheegay in qorshaha Safarka Madaxweyne Geelle ahaa sidii loogu samayn lahaa qalliin buuxa oo lagu beddelo kuraanta Ruugga, balse aakhirkii uu ka baaqsaday, cawaaqibka qalliinka awgeed.

 

XIGASHO: HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories