HomeSouth Sudan oo noqday Dalka 5aad ee ka faa’idaysanaya Korontada Ethiopia iyo...

South Sudan oo noqday Dalka 5aad ee ka faa’idaysanaya Korontada Ethiopia iyo Qorshaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Dalka Koonfurta Suudaan, ayaa dhawaan heshiis kula galay dowladda Ethiopia inay ka iibiso Korontada laga dhaliyo biyo-xidheenka weyn ee Gerd.

blankWefti ka socda dowladda South Sudan oo toddobaadkii hore booqasho ku tagay caasimadda Addis Ababa, ayaa dowladda Ethiopia Heshiis kula inay ka iibiso korontada biyo-xidheenka Gerd, iyadoo saddexda sanno hore South Sudan heli doonto koronto dhan 100 MW, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wakaaladda Korontada ee Ethiopia.

Ethiopia oo qorsheynaysa inay noqoto xuddunta laga dhoofiyo korontada jaban ee gobolka, ayaa hore heshiis ay korontada kaga iibinayso ula gashay dalalka Kenya iyo Tanzania.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay inay u qorsheysan tahay dowladda Ethiopia sidii ay korontada qiimaha Jaban ugu dhoofin lahayd dalalka Rwanda, Somaliland iyo Burundi.

Korontada Ethiopia oo laga dhaliyo biyo-xidheenka weyn ee Gerd iyo biyo-xidheenno yaryar oo ku yaalla dalkaas, ayaa la qorsheeyey inay daboolaan baahida korontada Shacabkeeda oo lagu qiyaaso 110 Milyan iyo sidoo kale dalalka la-deriska ah.

Haseyeeshee, waxa la tilmaamaa inay gudaha dalkaas ka jirto baahi koronto iyadoo boqolkiiba 60 shacabka dalka Ethiopia aanu helin koronto ku filan.

Ethiopia ayaa xilligan koronto gaadhaysa 254 Mega Watts u dhoofisa dalalka Sudan iyo Djibouti, waxaana sagaalkii bilood ee uu dambeeyey korontada labadaas waddan loo dhoofiyo uga soo xerooday adduun lacageeda oo gaadhaya $37 Milyan, sida lagu sheegay warbixin sannadeed ay soo saartay wakaaladda Korontada ee Ethiopia.

Mashruuca Tamarta Korontada biyo-xidheenka GERD oo ah ka ugu weyn qaaradda Africa, ayaa awood u leh inuu soo saaro Koronto lagu qiyaasay 5,000 MW, ayaa si rasmi ah wax-soo-saarka u bilaabay bishii February ee Sannadkan.

Dhismaha mashruuca Biyo-xidheenka GERD oo la bilaabay April, 2011, waxa ku baxay adduun lacageed oo ka badan $4 Bilyan, waxaana dalalka qaadhaanka looga ururiyey ka mid ah Somaliland, iyadoo ganacsatada iyo shacabkuba ka qayb-qaateen qaadhaan-ururinta bilowgii dhismaha mashruucan.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories