HomeSooyaalkii Dildilaaca Kulmiye: Dib u milicso shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye, 2008...

Sooyaalkii Dildilaaca Kulmiye: Dib u milicso shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye, 2008 Burco:

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Shirkii golaha dhexe xisbiga kulmiye ee ka qabsoomay magaalada Burco 24/08/08  ayaa ahaa mid muujiyey dhaqankii lagu xaman jiray Siilaanyo ee ahaa in uu siyaasiyiinta ama mujaahidiinta rug cadaaga ah uu ka doorto siyaasiyiina socodbaradka ah iyadoo uu xiligaa cidlo kaga dhaqaaqay muj: c/rahman aw cali faarax oo aha musharaxii ay ku wada hadheen 80 ka cod iyo ninka imika ah wasiirka gaashaandhiga Ahxmed Xaaji Cali Cadami oo labadooduba u sharaxnaayeen m/xigeenka waxaana isla shirkii dibada uga baxay in ku dhaw kala badh xubnihii golaha dhexe oo u badnaa mujaahidiintii ay mudada dheer soo wada shaqaynayeen siilaanyo oo ay kala hogaaminayeen inta mujaahidiina ah mudane c/rahman aw cali faarax kana mid ahaayeen muj: DHegaweyne , muj Qulunbe Cali Guray iyo garabkale oo u badnaa beelaha Hartiga soomaaliland oo uu hogaaminayey Cadami

Iyadoo ay shirka ka maqanyihiin laba musharax oo m/xigeen u tartamaya iyo taageerayaashoodii ayaan hadana loo joojin waxaa na la doortay Mudane Siilaanyo iyo Mudane Saylici. garabka maqanina waxay ku doodeen in aanay doorashadaasi sharci ahayn oo ay tahay in dib loogu noqdo doorashada.

Xaaladu markay halkaa maraysay oo golihii dhexe laba ukala jabay kulmiyena ku dhowyahay in uu kala daato ayaa siilaanyo dhaqdhaqaajiyey odayaal si ay isugu keenaan labada garab ee kulmiye odayaashaas oo ay ka mid ahaayeen . Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)   Guddoomiye .Maxamuud Ibraahin Axmed (Sandheere) Xoghaye. Maxamed Jaamac Cabdi  iyo Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo rag kale. Labadii garabna ay kalsoonidii siiyeen laakiin odayaashii waxay kala xadeen garabadii shirka ka baxay waxaana ay la shuuqeen Cadami una balanqaadeen in marka uu siilaanyo kursiga fadhiisto lasiin doono RAYSALWASSARE awood leh isna waa uu ku qancay halka garabkii kale aanay sooba noqon ganafkana ku dhufeen go,aankii odayaasha bal akhriste u fiirso go,aanadii ay soo saareen odayaashii loo saaray xalinta khilaafaadka:
A) In mustaqbalka marka xisbigu talada ku guulaysto uu wax ka bedelo qaab dhismeedka dawladeed ee hadda Distoorku tilmaamayo, isla markaana la abuuro jagada Raysal-wasaare awood leh, si talada dalka looga wada muuqdo, taasoo wax weyn ka taraysa wadajirka iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee dalka. Diyaarinta qaabka uu isbedelku yeelanayo iyo fulinta xilkaas waxa u xilsaaran Guddoomiyaha xisbiga iyo Shirguddoonka Golaha Dhexe, waxaana la gelinayaa Barnaamijka xisbiga.
B) In labada Murashax ee aan nasiibka u yeelan in loo doorto jagada Musharaxiinta Madaxweyne-kuxigeenka oo ah odayaal aad ugu culus xisbiga in meeqaam sare laga siiyo hogaanka iyo talada xisbiga.
Wakhtigan waxa la joogaa xili wax badan laga bartay hab dhaqanka madaxweyne siilaanyo siyaasiyiintuna ku xisabtamayaan wixii ay bartay taariikhdu ayaanay suurto gal ahayn in madaxweynu qunyar uu soo dhaafo damaca soo jiitamaayey ee ruugcadaaga ku jira kulmiye sida Muuse Bixi iyo Maxamed Kaahir oo raba in ay isaga dambeeyaan jagada madaxweynaha 10 sanno ee soo socda.
Dhinaca kale gudiga uu magacaabay gudoomiyaha golaha guurtida oo la tuhunsanyahay in uu la safanyahay madaxweynaha ayaan la filaynin in ay wax badan ka taraan madaama oo lafilaayo in ay sidii kuwii hore u xagliyaan madaxweyne siilaanyo.
Isweydiintu waxay  sidee ayuu madaxweyne siilaaanyo ugu dhiirayaa in uu cod weydiisto guud ahaan shacabka soomaaliland hadii uu ku dhiiranwaayey in uu Muuse Biixi kula tartamo golaha dhexe ee kulmiye?

Qalinkii :Abusakaria Yahye Ismaciil Xuseen.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories